Falaanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Ee Madrid Derby Ee Atletico Madrid Vs Real Madrid, DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
BLANK AD brought to you by LyfeMedia.com
Rojoblamcos ayaa gurigooda Vicent Calderoon ku soo dhaweyneysa kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Real Madrid iyadoo labada koox ay kulmi doonaan markii ugu horeysay tan iyo finalkii UCL ee Milan.
Kulanka: Atletico Madrid Vs Real Madrid
Garoonka: Vicent Calderoon
Saacada Geeska Afrika: 10:45 Fiidnimo
Wararka Labada Koox:
Labadaan koox ayaa isku arkay labo kamid ah sadexdii final ee champions league ee la ciyaaray inkastoo ay labadii Champions league ba qaaday real Madrid hadana kooxda Atletico ayaa dhigeeda cashar ugu dhigtay gudaha horyaalka Spain iyadoo ay kooxda Los Meruengues ee macalin Zidane aysan wax guul ah ku soo gaarin garoonka Vicent Calderoon lixdii kulan ee ugu dnabeysay, sidoo kale Cristiano ayaana shabaqa kooxdaasi soo taaban lixdii kulan ee ugu danbeysay.
Kooxda daafaca ka sameysan ee Atletico ayaana iyana shabaqeeda ka ilaashan Real 4 kamid ah shantodii kulan ee ugu danbeysay inkastoo ay 11 kii kulan ee ugu danbeysay ee ay dariskooda la ciyaareen laga dhaliyay kaliya 7 gool.
Kooxdii ugu horeysay ee gudaha La Liga guuldaro ku dareensiisa Zidane waxay aheyd kooxda maclain Simeone iyadoo guuldaro 1-0 ah ku baday Bernabue iyadoo kulanka kadib uu Ronaldo saxaafada ku hor bahdilay saaxiibadiisa kooxda isagoo yiri “Hadii qof waliba uu sideyda oo kale ahaan lahaa, xiligaan horyaalka ayaan hogaamin laheyn”.
Atntonie Greizmann ayaa diyaar u ah kulankaan kadib dhaawici kasoo gaaray xulkiisa France, sidoo kale waxaa taam ah Koke mana jirto wax dhibaato dhaawac ah oo ay qabto kooxda macalin Simeone.
Dhanka Zidane, wuxuu xaqiijiyay in Benzema iyo Sergio Ramos ay labada taam u yihiin kulankaan, Casemiro ayaa seegi doona, Toni Kroos iyo Morata ayaa iyana ah dhaawacyada mudada dheer ee kooxdaasi si lamid ah Pepe oo aan kulankaan taam u aheyn.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:
Atletico Madrid: Oblak : Luis Godin, Savic, Juanfran – Carrasco, Gabi, Koke, Nigua – Griezmann, Gameiro.
Real Madrid: Navas, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo – Modric Kovacic – Bale, Isco, Ronaldo – Benzema.
HILLARY: - Ma rabin in aan guriga kasoo boxo kaddib guul-darradii doorashada. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Musharraxaddii xisbiga Dimuquraadiga ugu tartameysa doorasada ayaa markii ugu horreysay goob fagaare ah shalay kaga hadashay guul-raddadii kasoo gaartaydoorashada iyo dareenkeeda gaarka ah.
Hillary oo habeenkii xalay ahaa ka hadleysay munaasabad ay ku dhigatay hay`adda Children's Defence Fund magaalada Washington D.C ayaa sheegtay in doorashada kaddib ay dooneysay in aysan guriga ka bixin oo ay isaga dhex akhrisato buugaag, halkaasna kala socoto dhaq-dhaqaaqa bannaanka.
" - Waan ogahay in dad badan oo idinka mid ah ay aad uga niyadjabsan yihiin natiijada doorashada, aniga xitaa ma qiyaasi kartiin sidaan uga niyadyabsanahay natiijadaasi balse waa in aan siinaa fursad Donald Trump", ayay tiri mrs. Hillary.
Waxa ay ugu baaqday taageerayaasheeda in ay sii wadaan halganka ay ugu jiraan ilaalinta wadaniyadda in u hiirinta shuruucda qaranka.
Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo ay isku xisbi yihiin Hillary ayaa ku eedeeyay in aysan sameyn dadaal dheeri ah si ay ugu guuleysatyo doorashada.
Maamlmo ka hor ayay aheyd markii Hillary Clinton ay ku eedeysay guul-darradeeda doorashada madaxa FBI-da James Comey oo isagu maalin ka hor doorashada sheegay in uu dib u furayo eedeymaheeda waraaqaha.
Ciyaaryahanka Branislav Ivanovic oo kusiijeeda Spain DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Ninka aadka ay ugu tashato kooxda Chelsea ayaa lala xiirinayaa inuu u dhaqaaqi dono naadiga Spain ka dhisan ee Barcelona,Ninkaan Difaaca ka ciyaara ee Branislav Ivanovic ayaa raba inuu helo booskiisa joogtada Chelsea, hadii uu waayana waxaa suura gal ah xidigaha kooxda la maleynaayo inay ka tagayaan Janaayo inuu ugu hormaro, Barcelona ayaana ah kooxda kowaad ee dooneysa.
Naadiga Barcelona waxay raaadineysa difaac ka ciyaara garabka midig oo ay ku bedelaan Aleix Vidal, oo la qabsan waayay naadiga.
Dhanka kale kooxda Spanish-ka ayaa xiiseynaysa daafaca garabka midig ee Shakhtar Donetsk Darijo Srna qeybna waxaa heshiiskiisa ka noqon doona Vidal, sidoo kale xidigaha liiskiisa ugu jira waxaa ka mid ah Da’yarka Arsenal Hector Bellerin, iyo Valencia’s Joao Cancelo ama Southampton Cedric Soares.
Ciyaaryahanka MESSI oo sheegay in uu ka tagi doono Barcelona wuxuuna sheegay in uu aadayo Naadiga Manchester? DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM Laacibkaan 29-jirkaan weerarka kaga ciyaara Barcelona ayaa todobaadkaan hoos u dhigay heshiis cusub ee ku kordhiyo qandaraaskiisa waxaana laga yaabaa in loo kordhiyo lacagta uu qaato £825,000 oo laga dhigi doono Todobaadkii, Naadiga United ayaa qiyaastay haday tijaabiso saxiixa laacibka Argentine inaysan kaga hormari Karin Pep Guardiola oo hada City Macalin ka ah.
Hadallo badan oo ka soo baxay ilo wareedyada Old Trafford: “City waxaa kooxda uu jeclaan lahaa inuu ku biro marka uu loo eego Kooxdeena waa hadii uu ka tagayo Barcelona.“Waxaan awoodnaa inaan miiska saarno lacag walbo oo Messi lagu doonayo sida Paul Pogba, laakiin isaga wuxuu jeclaan doonaa Macalinkiisii hore ee Barcelona Guardiola.
Laacibkaan Messi ayaa la aaminsan yahay inuu jecel yahay xirfadiisa ciyaaraha inuu ku dhameysto Premier Leageue-ga,waxaana hada la dhowrayaa saxiixa qandaraaskiisa cusub.
DONALD TRUMP OO LA KULMAY TAAGEERAYAASHIISA PENNSYLVANIA. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Iyada oo ay ka harsan tahay afar maalmood oo qura doorashada madaxtenimo ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu musharraxa xisbiga Jamhuuriga wali wadaa ololihiisa doorasho
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SOO DHOWEEYEY BILOWGA DOORASHOOYINKA BAARLAMAANKA. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Muqdisho-(PP)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey bilowga doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilowday Garoowe, xarunta Dowlad Goboleedka Puntland. Dowlad Goboleeyada kalena ay ku howlan yihiin in maalmaha soo socda ay bilaabaan doorashooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay. Madaxweynaha ayaa yiri “Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doorashooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey beesha caalamka taageeradooda ku aadan doorashooyinka iyo sida ay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ugu dhiirigeliyaan dar-dargelinta doorashooyinka. Waxaana muuqata in Soomaaliya ay maanta gaartay heer horumar ah oo doorashooyinku ay ku dhacayaan sidii loogu talagalay, sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashooyinka oo ay muuqato in Soomaalidu ay si Soomaalinimo ah wax u qabsan karaan marka la taageero.
Madaxweynaha oo hadlkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan dalka gaarsiinay in 14,025 muwaadin oo matalaya shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan 275ta xildhibaan ee Baarlamaanka, isla markaasna aan suurtogelinay in doorashooyinku ay ka qabsoomaan gobollada dalka. Dadaalkan waxuu ku yimid Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo shacabka oo si wadajir ah uga wada howlgalay sidii aan u xoojin laheyn sharciyada hay’adaha dowladda isla markaasna loo heli lahaa isla xisaabtan dhab ah iyo matalaad ka heer sareysa tii 2012kii oo ay 135 Madaxda dhaqanka ah ay noo soo xuleen xildhibaanada Baarlamaanka, halka maanta fursad loo siiyey shacabka inay door muuqda ka qaataan, soona doortaan shaqsigii ugu mudnaa ee matali lahaa deegaankaas ama beeshaas.”
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashooyinka ay ugu dhici lahaayeen si wanaagsan oo shaqsi walba kaalintiisa uu uga cayaari lahaa. Madaxweynaha ayaa yiri “Sababaha aan u doorbidnay in xildhibaanka uu ku yimaado doorasho oo 51 muwaadin ay soo doortaan ayaa ah in la helo xildhibaano matali kara masiirka Qaranka, isla markaasna leh karti, aqoon iyo hufnaan si Baarlamaanka soo socda uu u noqdo mid fuliya waajibaadka loo igmaday si dalka ay doorasho toos ah oo hal qof iyo hal cod ah ay uga hirgasho. Sidaas daraadeed, ergada lagu aaminay inay soo doortaan xubnihii baarlamaanka u matali lahaa waa inay danta guud ka horumariyaan danaha gaarka ah isla markaasna ay soo doortaan shaqsiga mudan ee xilkan culus ka bixi kara, isla markaasna magaca iyo karaamada Soomaaliya kor u qaadi kara.”
DIBAD BAX LOOGA SOO HORJEEDO XASAN SHEEKH OO KA DHACAY GURI-CEEL. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Guriceel Ee Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Magaalada Guriceel uu ka dhacay Dibad Bax Balaaran.
Dibad Baxaan Ayaa waxaa looga soo Horjeeday Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somalia iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Somalia.
Dadweynaha ayaa Sheegay in ay Ka Xunyihiin Tilaabada Dowlada Somalia Ee Maamulka Gobolada Dhexe oo ay sheegeen in Ay Cadaalad Daro ku sameeyeen.
Dad weeynaha ayaa isugu Soo baxay Fagaaro ku yaala Magaalada Guriceel halkaasi oo ay Ku Gubeen islamarkaasina ay ku jar jareen Sawirka Xubno katirsan Golaha wasiirada Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Odowaa iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayeey Gubeen Sawiradooda.
Dadka ku dhaqan Gobolada Dhexe ayaa ka soo Horjeedo Siyaasada Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.
CALI YUSUF CALI XOOSH OO NOQDAY XILDHIBAANKII UGU HOREEYEY AQALKA HOOSE EE SOOMAALIYA. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyey ee loo doorto Aqalka hoose ee Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday Garowe oo ay codeynayeen 51 Ergo.
Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa la tartamayey Cabdirashiid Xasan Yusuf wuxuuna kaga guulaystay 49 cod, halka Cabdirashiid uu helay 1 cod.
Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa horey usoo noqday Wasiir ku xigaynka Arimaha Gudaha Puntland Dowladdi uu hogaaminayay C/raxmaan Faroole.
Puntland ayaa noqotay Maamul goboleedkii ugu horeeyey oo ay ka dhacdo doorashada Aqalka Hoose ee Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.