(magacyada & noocyada geela)
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
waxaan ku soo qaatay qoraalkan geela laftiisa , magacayada iyo noocyada uu leeyahay , waxyaabaha uu sameeyo geelu , taasoo ay yartahay cid wax ka qortay ,
geelu wa laba uun godol iyo gaadiid , godol waa ka lalisto
waana halaha gaadiidkuna waa kalararto waana ratiga , noocyo iyo jaadad
kala duwan ayuu leeyahay , midabo ayuu leeyahay , heerar kala duwan ayuu soo
maraa , aan u guda galno anoo ku horeynayaa magacyada geela loo
yaqaano
magacyada & noocyada geela
aaran Geela lab iyo
dheddigba inta aan weli gaadhin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin
lahaa
abeer
qaalin geela oo waqtiigii ay rimi lahayd gaadhay laakiin
aan dhowr da'ood dhalin
afkuxuuble Ilmaha geela ee isaga
oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay
astaajir
awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida
awr
Geela kiisa lab
awrdhal
hal da' kasta qurbac dhasha
baarfuran
awr aan weligii la raran
baarqab
awrka geela lagu daro si uu u rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba
baatir
qaalin geel ah oo aan wali rimin waqtigii ay rimi lahayd
bacadle
awrka kala rarto ee xooga badan
buubaal
awrka la rarto ee rar diidka ah
buudhqab hasha awrku abaahiyay
ee loo malaynayo inay rintay
caroofi neefgeea oocaroofi ah waaka ee laxaad ka
weyn ee sanqaroorta rogan leh
cayuun/acyuun
geela gaagaaban ee laga helo deexda(dhulka badda xiga
da'fur
ratigu markaa qooqbaxay
dalawi
neef geela oo dakawi ah waa ka caanaha badan
dayrdhal
neefka geela ee dayrdhalka ah waaka xilli dayr ah dhalay
dhiito
Neef geela oo cayilan
doobbogoray
awrka aan weli doobbada soo ridan
dulkumalable
ilmaha geela ee dhiciska ah ee dhashay
eeraan nooc geela ka mid ah oo
dhaadheer
eyddin
noocyada geela mid ka mid ah
gaan Geel aan irmaanayn
garmaal geela
la dhaqdo caano dartiis
gayax hal
ilmihii ka dhinteen ama lagaqalay oo irmaan oo igarnimo lagu maalo
geelxeraad geel loo xerageeyey meel reerka ka fog
hal
geela kiisa dheddig
haleelo geel markaa dhalay
honono' waxa layidhaahda geela marka xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo
honono' waxa layidhaahda geela marka xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo
hoor
nooc geela ka mid ah, caano badan adkaysi yar
dhogor yar bar gaaban
hootanuug ilmah geela ee yar ee aan hooyadiis
laga maalin
horweyn
geel badan
kadin Boqol
ka neef ee geel ah
luqmaliigle neefka geela ee da'da yar ee
cayilan
maaquurre
ilmaha geela ee dhashay isagoon bilo dhammeysan
nirig geela
ilmihiisa kiisa lab iyo dheddigba dhawaaqa ayuunbay ku kala duwanyihin
qaalin neefka
geela labkiisa ama dheddigiisa ee aan da'dii rarashada ama curashada weli
gaarin dheddig iyo lab labadaba wa ladha dhahaa dhawaaqa ayay
kukaladuwanyihiin
qaan
geela kiisa da'da ee oo aan weli curan ama rarid gaarin
qalowle geel aan irmaanayn
qolti
hasha caanaha badan leh
qubul neefka geela ah ee shilis
qurbac
awrka yar ee da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin
ramad
geela markaa dhalay
rati
geela kiisa lab ee da'dii rarashada gaaray
tashuumaa hasha had iyo jeer is nuugta
tashuumaa hasha had iyo jeer is nuugta
tayruuf
geela meel fog udaaq tega
tulud
neefka geela ah
xagurrin geela
markaliya wada rima
______________________________________________
summadah geela lagu dhigo
cawaag
summad gaar ah oo geela lagu dhigo
dhaaddin
summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq wareegsan oo dadban oo tagoogta lagu
dhigo
dhafoorshiid summada
geela ee laba barood oo dab ah oo dhaforrada lagu dhigo
dhig
summad geela lagu dhigo oo leh qaabka dhig hoos u
jeedda.
dildil
summad geela lagu dhigo oo ah alif jiif ahaan caloosha loogu jiido.
garabjiid summad
geela lagu dhigo oo ah alif ku jiidan garabka intiisa hore ilaa cududda meesha
ay iska galaan
kabaal summad geela lagu dhigo
oo ah udub kor u jeeda oo meela kala duwan lagu dhigo
kelliggub
summad geela lagu dhigo oo ah bar dab ah oo kellida korkeeda lagu dhigo
mareeg
summad geela qoorta looga dhigo oo ah wareeg qoorta ku wareegsan.
qalin
summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah
qalqale
summad geela lagu dhigo oo qaabka qaansada ah oo dheegga lagu dhigo.
tarraar summad Alif dheer u eg oo garabka ilaa
caloosha gaaraya oo geela lagu dhigo.
udub
summad geela lagu dhigo qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala
duwan looga dhigo
xaybooro
summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda oo lagu dhigo garabka.
_________________________________________
midabyada geelu yeesho
bacad
midab caddaan ah oo mid kale ku dhafanyahay oo geelu yeesho
dawaaad
midab madow oo khadka u eg oo awrta qoodha ahi ku yeelato qadaadka
dayrcad
midab cad oo geelu leeyahay.
fiil
midabka cadee geela
gaaf
midabka geel ee madow xigeenka ah
goodircad
midab geel oo ah madow
_______________________________________
cudurrada geela kudhaca
ajarro cudur qanjidhada geela barariya
ajarro cudur qanjidhada geela barariya
baal
cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
beerkurus
cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
cagsalaax
cudur geela cagaha ka gala
car car
cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya
daandheero
cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu
calaalintu ku adkaado
dhugato &nnbsp;
cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh
dhukaan cudur ur qadhmuun leh oo geela ku dhaca oo neefka daaqa u
diida oo uu la caatoobo
guux
cudur geela cunaha ka barariya
mal
cudur ilmaha geela ku dhaca oo kuduudiya.
saanreeb
cudur geela ku dhaca oo tabardarri ku reeba
______________________________________
rarka geela waxa lagu raro abjad
heeryo culus oo ka sameysan jawaanno iyo calallo iwm oo isku tolan
oo awrta rarka culus laga xijiyo
ambaal raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanuu wax u yeelin awrka
ambaal raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanuu wax u yeelin awrka
waxyaalaha iyo qalabka geela loo adgeegsado
sida , koorta , hadhuubka , xadhkaha , iwm
weelka lagu maalo
aameel
weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo geela lagu maalo
bire
weel ka samaysan qori oo leh af ballaadhan iyo sidde la
qabsado oo geela lagu maalo
hadhuubgaal
hadhuub weyn oogeela lagu liso
doobi weel af
ballaadhan oo dabool lahayn o la tolay ama la qoray oo geela lagu
maalo.
gaawe
hadhuub weyn oo geela lagu maalo
______________________________________
magacyada koorta geela
aleen
koor yar oo geela loo xidho
boodaan
koor weyn oo geela loo xidho
guggundhaw
koor carrab kaliya leh oo jalaqda ka weynoo geela loo xidho
jalaq
koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xidho
______________________________________
xadhigyada iyo ulaha
burshintuur
xadhig yar oo lagu dhuunjiyo faruurta sare ee geela si uu socodka u dheereeyo.
daddaabbe
xadhig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar.
gibilxeer
xarig aad u dheer la isticmaalo in geel korkiis rar oo dhan ku xirayo.
gayax
maydhax ah oo naasaha geela looga xero si aan qaanku u nuugin
keeno
siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado
maraq
mayrax hasha irmaan afarteeda naas loogaga xidho
___________________________
tuurin
qori yar oo afkiisu fiiqan yahay oo hasha irmaan sanka logaga mudo si ilmo
loogu sidko
qaydin
ul dhuuban oo geela lagu ilaaliyo.
________________________________________________________________
xubnaha geela , iyo waxa la xidhiidha
geela xubnaha kuyaala iyo waxyaabah uu geelu sameeyo e uu
kukaco
xubnaha ku yaal
baar dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa
cagaf cuguf
cagta geela.
ceelgeeye
muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.
coobbe
cunaha awrka ee buufisma marka uu doobinayo
gaatir
harag qolof adag noqday oo shafka gorof legedka iyo cagaha uu geelu ku
yeesho.
gardho
dhogorta geela markaa dhasha.
gommod
cagta geela
gorofleged
kugta dambe ee geela meesha maqaarka adag leh ee marka uu fadhiyo dhulka ku
hayo
guuxaweyn
qoorta geela inteeda hoose
hays
meesh godan ee kuruska iyo misigta geela u dhexeysa
maraqsaar
miskaha geela korkooda
sibir
lugta dambe ee geela boqonteeda
tuke-ku-xaar
kuruska geela meesha ugu sarreysa ee baarku ku yaalo
________________________________________
dabargoys
haaraha dabarku ku reebo addimada awrka
dhaabalo
qaniinyo awrta qooqani isu geysato markay
dagaalamayaan
waxa ka so baxa xubnaha geela abur xumbo kaso baxda afka geela kiisa qooqan
bocor
burcadka caanaha geela ka soo baxa.
jaan
caano geel oo aad u dhanaan
karuur caano geel oo dhanaan
karuur caano geel oo dhanaan
xuuko
subag hilibka geela laga shiilo oo sida xaydha adkaata
___________________________________
orodka ama socodka geela
baabbacayn
orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba
mar qaado
baarrog
qaab geelu u ordo oo uu hadba addin iyo lug is xiga isku mar qaada
dhabaabaco
qaab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado.
durduro
orod xawli ah oo geelo u ordo
laacdan
ciyaar iyo orod uu sameeyo geela kiisa da'da yar
siligle /siliqle
qaab geelu u socdo marka uu seetaysan yahay
_______________________________________________________________________________
cida ama codka uu sameeyo
abashuqle guux iyo
abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey.
cabaad
cod dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo.
cargaag
cabaadka uu sameeyo awr weyn
galoof olol
ololidda neef geel ah oo gudhan oo u olola sida neef irmaan oo ubad u
xidhanyahay.
jimiimic
cod geelu sameeyo marka uu rabo in laliso
juuco
cod nirgaha geelu ay samee-yaan
____________
heesta geela
Geelaa Marku Daran Yahay
Laba Nin Duugtaye
Markay Diriro Horaan
Geeduhu Da' Jogaan
Dalawada Irmaan Ban
Kugu Diidin Nirigtoo
Godol Dabacasanatee
Gabno Kuma Daryeshee
Marti Kuma Deeqdooo
Gaawe Lagama Buuxshee
Geelaa Marku Daran Yahay
Laba Nin Duugtaye
Dunidoo Ah Jiilal
marka Ay Dameeruhu
Ilmahooda Diidaan
Isagaa Wax Daaqaba
Ugu Nolol Dambeeyo
Dihaalka Gajada
isagaa U Dul Qatoo
Abaar Kaaga Doogee
Geelaa Marku Daran Yahay
Laba Nin Duugtaye
w/q caynad abdulahi hassan
caynad72@gmail.com
whatsapp +252907724523
No comments:
Post a Comment