3 QOF OO ABAAR DARTEED UGU GEERIYOOTAY GOBOLKA SH/DHEXE. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Saddex qof oo xoolo dhaqato ah ay Abaar darteed ugu geeriyoodeen deegaanka Qoordheere oo bariga ka xigta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u daran, islamarkaana ay ka baqayaan in dad kale ay abaarta darteed u dhintaan.
Waxa uu sheegay in dadkii ku dhaqnaa deegaankaasi ay gabi ahaantoodba xoolo beeleen, islamarkaana hadda ay bilaabatay in dadka ay abaarta u dhintaan.
“Saddex qof ayaa abaar ugu dhintey Qoordheere, dad kale waa ay il daran yihiin, wax xoolo ah oo dadkaan u haray ma jiraan, haddii aan laga soo gaarin dadka ku dhaqan deegaankaan waxaa halis ah in dad kale ay baahi iyo harraad u dhintaan” ayuu yiri Nabadoonka.
Nabadoon Cabdullaahi ayaa ugu dambeyn waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samofalka ah ugu baaqey in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaarta ku hayso Shabellaha dhexe.
Abaar saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta gobollo badan oo kamid ah dalka, waxaana ku dhintey tiro dad ah, waxaana sidoo kale ku dhammaadey xoolo badan.
CEENAD ABDULAHI HASSAN
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
TRUM OO SAXIIXAY GO,AANKIISII KOOWAAD IYO BANAAN BAXYO KA SOCDA CAALAMKA. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donal Trum ayaa ku dhawaaqay go’aankiisii ugu horeeyay ka dib xil wareejintii ka dhacday xarunta aqalka cad ee magaalada Washington.
Trum ayaa saxiixay amar lagu badalayo hanaankii uu ku shaqeenayay barnaamij loogu magac daray madaxwaynihii hore ee dalka USA. kaa soo lagu magacaabi jiray Obama,waxuuna ahaa Barnaamij caymisa oo ka shaqeeya arimaha Caafimaadka.
Xafladii uu shalay ka jeediyay xil wareejintiisii ayuu ku sheegay inuu si wanaagsan u ilaalinayo xaquuqda dadka Maraykanka ah sidoo kale uu mudnaanta kowaadna siinaya.
Madaxawaynaha Maraykanka ayaa sidoo kale cadeeyay inuu waxbadan ka qabandoono shirkada dalkiisa oo uu sheegay in la dayacay.
Madaxwaynaha la doortay iyo Xisbigiisa ayaa balan qaaday inay la dagaalmayaan siyaasadii Obama,waxayna tilmaameen inay wax badan ka badali doonaan heshiisyadii uu saxiixay madaxwaynihii baneeyay xafiiska.
Tilaabadan uu qaaday Donal Trum ayaa ka mid ahayd balanqaad yadii uu ku dhawaaqay wakhtigii uu ku jiray Ollolahiisa doorasho,waxayna noqonaysa qorshihii koowaad oo uu fuliya tan iyo wahtigii u la wareegay xafiiska Madaxwynaha dallka Maraykanka.
Dhinaca kale magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka iyo qaar kamid ah wadamada Caalamka sida Australia, New Zealand iyo Japan, ayaa waxaa ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo Donal Trum oo la sheegay inuu weerar ku qaaday haweenka caalamka.
Kumaanan qof oo u badan Dumar ayaa iskugu soo baxay magaalooyin ay ka mid tahay Sydney,waxayna iskugu yimaadeen safaaradaha uu Maraykanka ku leeyahay wadamada ay ka qabsoomeen banaan baxyada.
Dadka sameenaya banaan baxa ayaa wata boorar ay ku qoreen inaysan ku faraxsaneen guusha Trum,sidoo kalena ay ka xunyihiin khaladkii uu ka galay haweenka dunida Madaxwaynah dhawaan la doortay.
Waxaa kaloo jira isku soo baxyo ay abaabulayaan Haweenka UK,gaar ahaan dumarka ku nool magaalda Londan waxayna doonayan inay muujiyaan sida ay uga xunyihin arinta uu sameeyay Donal Trum.
Waxaa wali socda banaan baxyada lagu dhaliilayo Donal Trum,waxaan la filayaa inay dhacaan in ka badan 700 oo isu soo baxyo dumar ay dhigayaan.
CEENAD ABDULAHI HASSAN
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
DAAWO: PUNTLAND OO GO’AAN CAD KA SOO SAARTAY SARIFKA LACAHA. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari waxa kulan ku yeeshay Maamulka gobalka Bari,kan Degmada Boosaso, iyo xubno matalayey Ganacsatada Puntland kulankan waxa diirada lagu sarayey sidii wax looga qaban laha saru kac ku yimid sarifka doolarka.
Masuuliyiintan ka tirasan puntland ayaa go aan adag ka qaatay xad gonta lagu sarifayo lacagah waxana ganacsatad looga digay in ay jabiyaan Amarka ka soo baxay dawlada.
Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Gudomiyaha Gobalka Bari ayaa sheegay inay Ciidamada soo qabteen lacago Been Abuura oo lagu khal khal galinayo Hormarka Ganacsiga Waxana lamaha Amaanka Barkantarolada ku sugan uu ku Amray inay baraan Babuurta Lacagaha falisada Bosaso soo galinaya.
Wasiirka Wasarada Maliyada Puntland Cabdilahi Sheikh Axmed ayaa shegay in Wasarada Maliyadu Ka hortagayso dadka bur burinaya dhaqalaha iyo Hormarka Puntland.
Dhowr jeero oo hore ayay Maamulka Gobalka Bari iyo Wasaradda Maaliyada Puntland ay Go Aankan oo kale ka soo Sareen Lacagta Qalaad hadana Waxaa modaa in Puntland ay Canshuurta Ku Qaado Lacagta Qalaad ee dalka Mareykanka Waxana Qiimo beel ku dhacaya Sarifka Lacagta dalkeena Hooyo ee Shilin Somaliga.
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
W/Q CEENAD ABDULAHI HASSAN
XASAN SHIIKH OO ILAA HADA KUJAAH WAREERSAN SOO XEREGELINTA XILDHIBANADA MAAMULADA
sidaan ognahayba waxaa waayahan oo dhan lagu jiraa xog xodashada xildhibanada, waxaa muuqata in musharixiin badan ay xilka madax tinimo ee somalia ay udagaalamayaan, isla markaasna ay laaluush farabadan kubixinayaan siday codad farabadan u heli lahaayeen.
waxaa lasoo wada doortay oo ladhisay labadi aqal ee baarlamaanka.
aqalka hoose ee baarlamaanka waxaa kuguulaystay islamarkaana noqday gudoomiyaha baarlamaanka ee somalia mudane JAWAARI. sidoo kale waxaa so dhamaystirmay dorashada gudomiyaha aqalka sare ee baarlamka somalia waxaana kusoo baxay mudane ABDI XAASHI.
waxaana dhawaan larajaynayaa in la doran doono madax weynaha somalia, waxaana hada socda campain aad usareeya.
waxaa muqata in madax weynihii hore ee somalia islamarkana hada xilka kadhamaday in uu wada qorshayaal uu xildhibanada mamulada laga soo dortay kuraadinayo isagoo adeegsanaya cid walba oo wax usoo xero gelin karta, waxaan aragnaa isagoo adeegsanaya gabre kaaso oo mamulada xiriir wanagsan laleh ileeen itobiya ayaa arimaheena faraha kala bixine weligeede.
lkn xildhibanada iyo dadka somaliyeed ayaa ka aamin baxay xasan shiikh waayo wax wax qabad muuqda oo uu ilaa hada qabtay ayaanan jirin inuu wax sii haleeyo mooyaane. waxana muqanahaysa in xildhibanada ay kacararayaan isla markaana ay doorbidayaan qof isaga dhaama in xilka wadanka loodhiibo
CIIDAMADA PUNTLAND OO HOWLGALO KA SAMEEYEY BOSASO.. dangorayo.blogspot.com
Bosaso-[Puntland Post ] Ciidamada dawladda Puntland ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo daganaanshaha ka wada magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyey dil shalay galab ka dhacay gudaha magaaladaas Boosaso ee xarunta gobalka Bari.
Ciidamada ayaa saaka howlgaladoodan ka wada xaafado kamid ah magaalada, iyadoo sidaas oo kale ay baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha lugeynayaba wadooyinka Boosaso.
Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaya goobo laga shakisan yahay, iyadoo ay warar soo baxaya ay sheegayaan in ay ciidamadu gacanta ku dhigeen dad la tuhmayo.
Baaris ayaa lagu hayaa dadka la qabtay, waxaana kadib lahorgeyn doona Cadaaladda, haddii lagu helo dambiyada loo haysto.
Hawlgaladan ay wadan ciidamad Puntland ay wadan ayaa si socon dona malmaha inagu soo adan sida ay noo xaqijiyeen masuuliyiin ka tirasan Puntland.
Hawlgaladan ay wadan ciidamad Puntland ay wadan ayaa si socon dona malmaha inagu soo adan sida ay noo xaqijiyeen masuuliyiin ka tirasan Puntland.
CABDU-WALI IBRAAHIM MUUDEEY OO KU GUULEEYSTAY XILKA GUDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA... dangorayo.blogspot.com
waxaa goordhaweyd xilka Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku guuleystay Xildhibaanada C/wali ibraahim Shiikh Muudey.
Xildhibaan Muudey ayaa ka guuleystay Xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir oo loo saadaalinaayay in uu xilkaan ku guuleysan doono.
Muudey ayaa helay 164 cod halka Faarax sh. uu helay 64 oo kale ah sida ay Goordhow ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka GudoonkaBaarlamaanka Soomaaliya.
Goordhow waxaa iyana la shaacin doonaa Cida ku guuleeysta Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Waxaana ugu cad cad XIldh. Mahad cabdala Cawad oo horay Xilkaan u soo qabtay.
dangorayo.blogspot.com
share...
facebook
whatsapp
twitter..
DOWLAND TRUMP: “WAX SIR AH IGAMA HAYAAN RUUSHKA” .. dangorayo.blogspot.com
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa laamaha sirdoonka ku eedeeyay dusinta eed ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen.
“Taasi waxay ahayd midii Naasigii Jarmalka uu sameeyay,” ayuu yiri.
“Taasi waxay ahayd midii Naasigii Jarmalka uu sameeyay,” ayuu yiri.
Wuxuu ka hadlayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.
Waa kuma
Trump oo jeediyay hadal muran abuuray
Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.
Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.
Waa kuma
Trump oo jeediyay hadal muran abuuray
Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.
Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.
Donald Trump ayaa sidoo kale xilligaas sheegay inuu markii ugu horeysay aqbalay in Ruushka uu u dhacay qalabka doorashada Mareykanka, arrintaasna ay dhacday xilligii ololaha doorashada.
Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ee ugu horeeyay Trump, wuxuu ku xaqiijiyay in ganacsigiisa uu ku wareejinayo labadiisa wiil.
Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.
Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.
Trump ayaa sheegay in macluumaadka “ay ahayd inaanan weligood la qorin ama aan weligood la shaacin”.
“Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, “dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad”.
“Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, “dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad”.
Asigoo ka jawaabayay, afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, wuxuu sheegay “Waa marin habaabinta qofkastaa, oo heer kastaa ah, in su’aal la geliyo daacadnimada iyo ujeedooyiinka geesiyada ka mid ka ah laamaha sirdoonka dalka”.
Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga
Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin
Trump ayaa sidoo kale weeraray warbaahin sida CNN oo uu ku tilmaamay “meel qashin” wuxuuna ku eedeeyay “inay warar ay iska sameysanayaan”.
Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga
Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin
Trump ayaa sidoo kale weeraray warbaahin sida CNN oo uu ku tilmaamay “meel qashin” wuxuuna ku eedeeyay “inay warar ay iska sameysanayaan”.
Wuxuu diiday inuu su’aal ka dhageysto weriyaha CNN ee ku sugnaa shirka jaraa’id. Balse CNN waxay difaacday daabacaada wararka eeda ee Trump ku saabsanaa.
ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in CIA ay cadeymaha u tixraacday sida kuwa “sax ah”. Ujeedada laga lahaa ayaa ah in Trump laga weeciyo musharraxnimadiisa, sida wararka ay sheegayaan.
Britain oo heshiiska ugu horeeya la galeysa Trump.
Trump oo magacaabay xoghayihiisa arrimaha dibadda.
Trump oo magacaabay xoghayihiisa arrimaha dibadda.
Arrimo aan sax ahayn oo ka mid ahaa macluumaadka ayaa xilligaasi la ogaaday.
Sikastaba, dadka horey ugu shaqeeyay sirdoonka Britain, laamaha sirta ee Mareykanka waxay u arkaan dad lagu kalsoonaan karo.
Sikastaba, dadka horey ugu shaqeeyay sirdoonka Britain, laamaha sirta ee Mareykanka waxay u arkaan dad lagu kalsoonaan karo.