• This is default featured slide 1 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 2 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 3 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 4 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 5 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

Sawirro: Imisa dhalinyaro ayey Dowlada Mareykanka ku weysay Qaraxii Zoobe (Magacyo)


0
PUNTLAND  (dangorayo.blogspot.com)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa sii kordhaaya khasaaraha ka dhashay Qaraxii cuslaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Khasaaraha Qaraxa ayaa waxaa sii kordhiyay burburka ka dhashay Qaraxa ee ka dhacay Hoteel Safaari iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow.
Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku jiraan qurba joog dhowr ah oo qaarkood ilaa iyo hadda la la’ yahay, halka qaarna la helay hilbahooda.
Inta ilaa iyo iminka la ogyahay waxaa ku dhintay Qaraxa 7 ruux oo ka imaaday qurbaha oo saddex kamid ah ay heystaan dhalashada Mareykanka.

Saddexdan ruux ee somali-mareykanka ah ayaa lagu kala sheegay:
1-Abukar Dahie oo ku noolaa gobolka Virginia.
2-Ahmed Abdikarim Eyow oo isna ku noolaa gobolka Minnesota.
3-Mohamoud Elmi oo isna ku noolaa gobolka Ohio.
Marxuumada kala ah Abukar Dahie iyo Mohamoud Elmi ayaa waxa ay kamid ahaayen shaqaalaha dowlada, waxaana ay ka kala tirsanaayeen wasaaradaha ganacsiga iyo tan gar-gaarka ee dowlada.
Marxuumka Seddexaad oo lagu magcaaabo Ahmed Abdikarim Eyow ayaa magaalada Muqdisho u joogay fasax iyo inuu la damaashaado eheladiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku dadaaleysa xal u helida meydad dhowr ah oo ilaa iyo hadda ku maqan dhismooyinka.

W/Q< MOHAMED ABDULAHI HASSAN
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Share:

Shirkii Kismaayo ee Maamul Goboleedyada oo qarka u saaran in la hakiyo iyo Itoobiya oo Axmed Madoobe u sheegtay…

Kismaayo (dangorayo.blogspot.com)

 
  Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubblanad ayaa sheegayo in laga yaabo inuu hakad ku yimaado  Shirkii la filayey inay Maamul Goboleedyada halkaas ku yeeshaan.

Sida xogta rasmiga ah ay ku heshay Caasimadda Online Wasiirka amniga dowlad-gobolleedka Jubbaland,Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo Generaalka hoggaaminayo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gedo Korneel Ababu ayaa xalay soo gaaray Magaalada Kismaayo si ay Axmed Madoobe xoog ugu saaraan inuu joojiyo Shirkaas.
Generaalka iyo Wasiirka Amniga ayaa Axmed Madoobe u sheegay inuu si deg deg ah uga laabto go’aanka uu kaga dhawaaqay Kismaayo ee ah inuu madaxda Maamul Goboleedyada kulan u qabto.
Waxaa loo sheegay Axmed Madoobe inay waligood shiri jireen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in kulan kasta oo la qabanayo ay dowladda Soomaaliya wax ka ogtahay.
Xaaladda Siyaasadda Maamulka Axmed Madoobe ayaa meel xun mareyso waxaana laga yaabaa inuu Axmed Madoobe saacadaha soo socdo ku dhawaaqo in gebi ahaanba la joojiyey shirkaas, sidoo kalana waxaa la kala diri doonaa guddigaas shirka loo saaray.
Generaalka ugu sarreeyo ciidamada Itoobiya ee Gedo General Ababu ayaa Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe ku amray inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo dowladda Soomaaliya, waxayna xogta hoose sheegeysaa inay xaaladda meel xun mareyso.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah iyo weliba go’aamada soo baxo:


w/q mohamed abdulahi hassan

Share:

Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay xaaladdii ugu dambeysay xiisadda GALMUDUG

Cadaado (DANGORAYO.BLOGSPOT.COM) – Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in Cadaado ay ka raraan malleeshiyaad aan ka amar qaadan Galmudug.
Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Cadaado u tagay waanwaanta khilaafka madaxda u sarreysa Galmudug ayaa sheegay in ammaanka magaalada Cadaado uu wanaagsan yahay.
Waxa uu sheegay in qalqal magaalada laga dareemay intii ay malleeshiyaadkaasi joogeen kuwaas oo loo kala raray Labo barood oo ku wada yaalla gobolka Galgaduud.
Cabdi Qeybdiid ayaa ku nuuxnuuxsaday in Galmudug ay u baahan tahay nabad iyo dib u heshiisiin oo aynaan xilligani muhiim ahayn khilaaf iyo wixii lamid ah.
Sidoo kale, Qeybdiid ayaa rajo ka muujiyey in la xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya madaxda Galmudug.
Share:

Eithiopia saami maku yeelanaysaa dakhliga dekedda Boosaaso? (Dhageyso Gaas oo ka jawaabay)


Boosaaso (DANGORAYO.BLOGSPOT.COM) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar kale laga waraystay mashruuca dekedda Bosaso iyo lacagta shilling Somaliga, ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xariira arrimahaas.





Isagoo la hadlayay Laanta Afka Somaliga ee VOA-da, Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dekeddan faa’iido weyn u leedahay shacabka Puntland iyo guud ahaan Somaliya, sidaas daraadeed si loogu sii shaqaysto sanado badan ay u baahantahay ballaarin, maadama sida uu sheegay ay qarka u saarantahay inay xiranto sababo la xariira ciid buuxisay goobihi ay kusoo xiran jireen Maraakiibtu.
Madaxweyne Gaas oo sidoo kale wax laga weydiiyay sababta keentay in ciidamo dheeraad ah la keeno magaalada Bosaso, ayaa yiri, “Ciidamada anaa u yeeray waxaana ugu yeernay inay magaalada ka ilaaliyaan Amni darrada iyo dhibaatada kooxda Al Shabaab, laakiin shaqo kuma laha arrimaha hadda socda.”
Mar Cabdiwali Gaas wax laga weydiiyay in Dhaqaalaha kasoo xaroonaya dekedda Bosaso wax ku yeelan doonto dowladda Ethiopia ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn heshiiskana aysan meelna kasoo galin ee ay tahay buunbuunin iyo been abuur la samaynayo.
“Been weeye waxba kama jiraan Itoobiyana waxba kuma yeelan doonto, heshiiskan waa heshiin Barlamanka la mariyay gole Xukuumadeed soo maray in badana oo dadka ka mid ahna ay hayaan, marka adeer warkaas waxba ka jiraan, meel aan Itoobiya kuwada galnay heshiis u ogolaanay inay dakhligaas wax ku yeelato majirto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ku daray in mashruucan uusan saamayn ku yeelan doonin ganacsatada iyo shaqaalaha hoose oo wal-wal ka qaba in canshuurta lagu siyaadiyo, halka shaqaalaha ay ka cabsi qabaan inay meesha ka baxaan.
Dhismayaasha dekedda ka agdhow oo la filyay in la burburiyo ayuu Madaxweynuhu ka hadlay, wuxuuna sheegay in arrintaasi dowladdu amrin, hadana ay tahay qorshe loo baajiyay inay caqabad ku noqoto bulshada halkii laga sugayay inay hormar keento.
Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay lacagta shilling Somaliga iyo dhibaatada laga dhaxlay, wuxuuna mas’uuliyadda howshaas dusha uga tuuray kooxda Al Shabaab.

Waa waraysigii labaad ee Madaxweyne Gaas bixiyo tan iyo todobaadkii hore, wuxuuna kusoo aaday xillii mashruucan Ballaarinta Dekedda Bosaso dhawaan bilaaban doono


W/D MOHAMED ABDULAHI HASSAN 
Share:

Recent Posts

3/recent/post-list

Popular Posts

Recent Posts

Unordered List

  • Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit.
  • Aliquam tincidunt mauris eu risus.
  • Vestibulum auctor dapibus neque.

Pages

Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.