Boosaaso
(DANGORAYO.BLOGSPOT.COM) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar
kale laga waraystay mashruuca dekedda Bosaso iyo lacagta shilling Somaliga,
ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xariira arrimahaas.
Isagoo
la hadlayay Laanta Afka Somaliga ee VOA-da, Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in
dekeddan faa’iido weyn u leedahay shacabka Puntland iyo guud ahaan Somaliya,
sidaas daraadeed si loogu sii shaqaysto sanado badan ay u baahantahay
ballaarin, maadama sida uu sheegay ay qarka u saarantahay inay xiranto sababo
la xariira ciid buuxisay goobihi ay kusoo xiran jireen Maraakiibtu.
Madaxweyne
Gaas oo sidoo kale wax laga weydiiyay sababta keentay in ciidamo dheeraad ah la
keeno magaalada Bosaso, ayaa yiri, “Ciidamada anaa u yeeray waxaana ugu yeernay
inay magaalada ka ilaaliyaan Amni darrada iyo dhibaatada kooxda Al Shabaab,
laakiin shaqo kuma laha arrimaha hadda socda.”
Mar
Cabdiwali Gaas wax laga weydiiyay in Dhaqaalaha kasoo xaroonaya dekedda Bosaso
wax ku yeelan doonto dowladda Ethiopia ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn
heshiiskana aysan meelna kasoo galin ee ay tahay buunbuunin iyo been abuur la
samaynayo.
“Been
weeye waxba kama jiraan Itoobiyana waxba kuma yeelan doonto, heshiiskan waa
heshiin Barlamanka la mariyay gole Xukuumadeed soo maray in badana oo dadka ka
mid ahna ay hayaan, marka adeer warkaas waxba ka jiraan, meel aan Itoobiya
kuwada galnay heshiis u ogolaanay inay dakhligaas wax ku yeelato majirto.” Ayuu
yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ku daray in mashruucan uusan saamayn
ku yeelan doonin ganacsatada iyo shaqaalaha hoose oo wal-wal ka qaba in
canshuurta lagu siyaadiyo, halka shaqaalaha ay ka cabsi qabaan inay meesha ka
baxaan.
Dhismayaasha
dekedda ka agdhow oo la filyay in la burburiyo ayuu Madaxweynuhu ka hadlay,
wuxuuna sheegay in arrintaasi dowladdu amrin, hadana ay tahay qorshe loo
baajiyay inay caqabad ku noqoto bulshada halkii laga sugayay inay hormar
keento.
Gaas
ayaa sidoo kale ka hadlay lacagta shilling Somaliga iyo dhibaatada laga
dhaxlay, wuxuuna mas’uuliyadda howshaas dusha uga tuuray kooxda Al Shabaab.
Waa
waraysigii labaad ee Madaxweyne Gaas bixiyo tan iyo todobaadkii hore, wuxuuna
kusoo aaday xillii mashruucan Ballaarinta Dekedda Bosaso dhawaan bilaaban doono
No comments:
Post a Comment