Qiso Cajiib Ah Addoonkii Sayladda La Keenay Ee Boqorka Noqday!
Abu al-Misk Kafur (905 – 968, Qarnigii 10aad) waxa kale oo lagu magacaabi jiray Al-Laithi, al-Suri, al-Labi wuxuu ahaa shaksi awood hoggaamineed iyo karti leh, asalkiisu wuxu ahaa adoon madow oo Ethopiyaan ah waxaana iibsaday Muhammad ibnu Tughj sannadkii 923, kaasi oo ka mid ahaa cabaasiyiinta xukunka Masar iyo Suuriya hayay. Kafue wuxu ahaa adoon karti iyo maskaxa leh.
Addoonka Kafur isagoo taagan sayladda lagu iibinayo ayay isaga addoon kale oo ay saaxiib ahaayeen uu weydiiyay wuxu ku fikiro , waxaana saaxiibkii ugu jawaabay “ waxaan ku fikiraa inaan xabxabka oo aan jeclahay iibiyo, si aan uga dhergo oo mar walba aan u cuno. Laakiin addoonka Kafuur ayaa isna sheegay inuu ku fikiro in uu xaakimka Masar noqdo. Muhammad ibn Tughj oo loo yaqaanaya “Akhshiid” markii uu iibsaday adoonka Kaafuur wuxu siiyay tarbiyad wanaagsan, wuxu baraya tababarka ciidanka iyo fardaha sida loogu dagaalamo waxaana uu noqday halyay.
Markii Muhammad Ibn Tugh uu noqday hoggaamiyaha Masar sannadkii 935 waxa uu addoonkiisa Kafur ka dhigay wasiir ka dib markii u qorshihiisa fiincan, kartidiisa iyo maskaxadiisa la tacajabay.
Haddaba Markii uu dhintay Xaakiimka Muxamad Akhshayid sannadkii 946 waxa xukunkii boqortooyadaasi la wareegay addoonkiisa Kafur isagoo xukumayay muddo 23 sannadood ah, xilligaasi oo uu haystay laga soo bilaabo Masar ilaa iyo suuriya, waxaana u noqday hoggaamiye aad loogu kalsoon yahaya oo balaadhiyay xukunkii Akhshidiyinta. Saaxiibkii sida taariikhdu qortay wuxu noqday isaguna xabxable. Kafur waxa u dhintay sannadkii 968. Qof kasta waxa uu ku hamiyo marka uu ku dadaalo waa u gaadhaa xataa haddii aanu joogin dalkiisa oo uu addoon yahay.
W/Q MAXAMED ABDULAHI HASSAN
Xikmaddii Boqorka Habardugaag: “Ma Sii Joogi Karo Meel Yeydu Libaaxa Xidhxidhayso, Oo Dameerihii U Noqdeen Miciin Soo Furfura”
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu yey soo maray boqorkii habardugaag oo niyadxumo badan iyo warwar qaba. Inta uu ku soo baydhay ayaa uu weydiiyey sababta isaga oo boqorkii habardugaag ah ay niyaddiisu sidan ugu xuntahay? Boqorkii habardugaag waxa uu yeyga u sheegay sababta ugu wacan xaaladdan nafsiga ah ee uu ku jiro. Waxa uu ka cawday wehel la’aan ba’an, kaddib markii habardugaag ay iskaga wada fogaadeen iyaga oo ka cabsi qaba ugaadhsiga libaaxa iyo in ficilladooda oo uu ka cadhoodaa ay ku keento ciqaabtiisa.
Boqorkii keyntu waxa uu ku cawday in muddaba uu keli ku ahaa keyntan oo cid u soo dhowaata iyo cid la hadashaa aanay jirin. Yeygii uu u qaadan waayey in boqorkii laga haybadaysan jiray sidan ku dambeeyey, waxa se uu go’aansaday in isaguna uu dhankiisa qaado tallaabo uu si dadban ugu muujiyo boqorka in aanay cidi keyntan ka jeclayn. Inta uu libaaxii u soo dhowaaday ayaa uu ku yidhi, “Xeelad ay dib raciyaddu kuugu soo joogsato ayaa aan hayaa, haddii aad ogolaato.”
Libaaxii dhaqso ayaa uu u ogolaaday, waxa aanu weydiiyey tafaasiisha xeeladdaas, “Geedkaas ayaa aan boqoroow kugu xidhxidhayaa. Markaas ayaa ay dib kugu soo noqonayaan habardugaag, maadaama oo cabsida imika kaa eryeysaa ay ka tegeyso marka ay arkaan adiga oo xidhxidhan oo aan waxba ku samayn karin. Waa ay kuu soo dhowaanayaan, oo ay mar kasta kaa agdhowaanayaan, kuuna wehelyeeli doonaan”
Boqorka habardugaag doqonniimo laguma ogeyn, laakiin midkani waa uu hoos maray oo isaga oo baraad la’ ayaa uu si kedis ah u ogolaaday soo jeedintaas yeyga. Laakiin waxa uu galay dabin yeygu u qariyey. Mar keliya ayaa ay xaaladdii uu ka cabanayey mid ka darani ku timid. Haddii marka hore sababta looga fogaanayey ahayd cabsi laga qabo, maanta xayawaan oo dhan ayaa u kala dheeraynaya ka maadaysigiisa iyo dhibaatayntiisa. Waa libaax geed ku tigtigan oo aan nuuxsan karin. Mid gacani ka gaadho iyo mid hadalka xun dhegta uga duwi waaya iyo mid kale oo wax kasta oo uu libaax ka xanaaqi jiray agtiisa si xorriyad ah ugu samaynaya ayaa ay noqotay xaaladdii ku xeernayd boqorkii yeygu xidhxidhay.
Murugadii ayaa ku sii badatay boqorkii habardugaag, haddii shalay laga haybadaysan jiray, maanta isaga ayaa hadba mid habardugaag ka mid ah ka baryaya in uu afka u geiyo rudhmo uu gaajada iskaga jebiyo. Iyada oo uu xaalka boqorkii sidaa yahay, ayaa waxaa maalintii dambe soo maray dameer, oo uu boqorku ku tirin jiray, xayawaannada ugu doqonsan inta uu keynta ku maamulo.
“Yaab badanaa! Waa boqor xidhxidhan iyo dugaaggii raciyadda u ahaa iyo xitaa ugaadhii ku dheeldheelayaan, toloow, maxaa mudanihii helay” ayaa uu boqorkii naftiisa kula faqay. Intaas kuma uu joogsan ee inta uu boqorkii u soo dhowaaday ayaa uu weydiiyey, “Boqoroow sidee wax u jiraan?!”
Libaaxii: “Sidee aan tallow kugu sheegaa, dameerkii aan jeclaayoow .. khiyaamo ayaa igu dhacday, maanta halkaas i dhigtay”
Dameerkii: Isaga oo ruux isla weyni aanu abid dareemin ahi gashay, ayaa inta uu ku soo dhowaaday yidhi, “Mudane, ma kaa furaa xadhiga, haddii aad ogolaato”
Libaaxii: “Oo cid sharaf leh ayaa raalli ku ahaan kartaba sida aan ahayn”
Dameerkii oo isu arka in uu habardugaag iyo ugaadba dhaafay, maadaama oo uu noqday kii keliya ee boqorku inta uu u baahday, u qayshaday, ayaa xadhigii ka furfuray boqorkii.
Libaaxii markii xadhigii laga furfuray, waxa uu ku kacay fal aan lagaba filayn, “Waxa uu u xamaam urursaday geeddi, uu doonayo in uu kaga guuro boqortooyadiisa keyntan lagu xumeeyey”
Ugaadhii itaalka darnayd ee keynta ayaa isu soo urursaday in ay boqorka joojiyaan, kuna waaniyaan in uu boqornimada sii hayo, laakiin waxa uu libaaxii ku jawaabay ereyo xikmad badani ku duugantahay, “Ma Sii Joogi Karo Meel Yeydu Libaaxa Xidhxidhayso, Oo Dameerihii u noqdeen miciin Soo Furfurta”
W/Q: MOHAMED ABDULAHI HASSAN
Talooyin Muhiim U Ah In Jidhka Laga Ilaaliyo Gabowga Soo Degdega
La dagaalanka calaamadaha gabowga oo inta badan dadka ku bilowda da’da afartanaadku waxa ay ka mid tahay arrimaha kharashaadka ugu badan dunidu ku bixiso. Kiriimo, farsamooyin qurxineed iyo qalniinno dhammaantood lacago badani ku baxaan ayaa ay dadku kula tacaalaan. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa tallaabooyin ay khubaradu ku talinayaan in qofku u raaco dagaalkiisa ka dhanka ah gabowga, weliba ay fiican tahay in qofku uu qaarkood sii bilaabo ku dhaqankooda iyada oo aanu weli gabow ku bilaabmin, si samayntooda uu ula sii qabsado, isla markaana in uun uga hortago gabowga.
Isticmaalka Kiriimada duxda leh, ee ku habboon maqaarkaaga
Maqaarku nooc kasta oo uu yahay waxa uu u baahan yahay kiriim ku habboon oo qooya maqaarka, mar kasta oo uu qofku dhalinyaro yahayna duxdaas waa uu uga sii baahi badan yahay maqaarka qofka weyn.
Haddii maqaarkaagu caadi yahay waa uu u baahan yahay in aad kiriimka khafiif kaga dhigto, haddii kalana waa in aad raadsato kiriim dux leh oo laakiin ah nooca aan marka jidhka la mariyo ka dhex dhalaalin. Maqaarka qallalani waxa uu u baahan yahay qoyn aad u xeeldheer, iyo kiriimo nafaqeeya, haddii kale waxaa qofka ku soo degdega coodhcoodhka iyo jiitimaha kale ee wejiga ku samaysma.
Saliidaha
Saliidaha dhirta laga sameeyo ee dabiiciga ahi waxa ay ka mid yihiin duxaha ugu fiican dhaashiga, waxa ay jidhka ka ilaaliyaan igagga iyo dildillaaca, oo labaduba ah sababaha keena gabowga soo degdega. Wejiga oo keliya in la mariyana waxaa ka fiican in la mariyo jidhka oo dhan sida laabta, caloosha, dhabarka, bawdyaha iyo cagaha oo intuba ka mid ah meelaha gabowgu ka muuqdo.
Cabbista biyaha
Jidhku waxa uu mar kasta u baahan yahay biyo badan. Biyuhu waxa ay unugyada jidhka ka caawiyaan in ay is cusboonaysiiyaan. Sidaa awgeed ku dadaal in aad maalin kasta cabto ugu yaraan laba litir oo biyo ah. Xasuusnoow in cabbitaannada kala duwan ee dabiiciga ah ama warshadaysani aanay marnaba buuxinayn kaalintii biyaha uu jidhku u baahnaa.
Weji-qurxinta (Make-up)
Inta badan dumarka oo u badan kuwa shaqeeya iyo marka ay xafladaha tegeyaan kuwa kale, waxa ay wejiga marsadaan kiriimo iyo bootarro qurxinta wejiga iyo giijintiisa loogu talagalay. Waxa ay khubaradu ka digayaan in gabadhu ay weji-qurxintaas (Make-up) muddo isku deyso. Waxa ay taladoodu tahay in marka ugu horreysa ee suurtagal ah ay gabadhu wejigeeda ka nadiifiso hadhaaga kirimmadan iyo bootarradan la isku qurxiyo.
Quraacda
Cuntada iyo nidaamka cunto ee aynu raacnaa waxa uu raad la taaban karo ku yeeshaa caafimaadka maqaarkeenna. Cuntadu waxa ay jidhka siisaa tamar, waxa aanay ka caawisaa la dagaallanka calaamadaha gabowga. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in aan la dhayalsan quraacda, waxa aanay si gaar ah u tilmaameen in la cuno khudradaha, cuntooyinka caanaha laga soo dheegto, cabbitaanka liin macaanta oo Faytamiin ‘C’ hodan ku ah, jidhkana ka caawiya soo saarista barootiinka Collagen oo faa’iidooyin badan u leh maqaarka, muruqyada, lafaha iwm. Korna u qaada quruxda, dhalaalka dabiiciga ah iyo giijisnaanta maqaarka. Waxa kale oo ay khubaradu ku taliyeen sharaabka cambaha Babaayga.
w/q maxamed abdulahi hassan
XILDHIBAAN SOMALIYEED OO KUKACAY FAL FOOL XUN
xildhibaan ceeboobey oo ficil naxdin leh sameeyey
xildhibaanku waa hagaha umada uumatalo guud ahaan, gaar ahaana waa uqareemaha deegaanka uu kasoo jeedo iyo shacabta uumato ee soodoortay.
xildhibaanka waxaa lagu doortaa aqoontiisa, sharafta iyo sumcada uu bulshada kudhexleeyahay akhlaaqiyan iyo diiniyanba, waayo wuxuu hormuud uyahay umada inta kale.
hadaa nahay umad somaliyed waxaynu wax kudooranaa qabiil iyo reer hebel iyo wax quruna oo aduunka iyo umada caalamkuba kagudbeen, waxaynu masiirkeena ku aaminaa kan qabqablaha ah kan aan akhlaaqda iyo sumcada iyo sharafta bini aadamkaba waxba ka kasayn, taasna waa hormuudka burburka iyo baaba'a wadanka.
aan kula wadaago fal uu kukacay xildhibaan somaliyeed kana mid ah kuwa hada jira ee farmaajo
waxaa dhacday maalin dhaweyd oo an forgayn in xildhibaan kamida xildhibanada somaliyeed ay utagtay gabadh ay isku degaan yihiin isla markaana qaraabo dhow yihiin, waxay ugu tagtay gabadhaasi inay xildhibankeda waydisato shaqo inuu laraadiyo gtabna siiyo maadama uu xildhibaankeda yahay, gabadha waa agoon ah isla markaana dooneysey inay daboosho baahida qoyskeeda sida caruurta ka yaryar oo ay noloshoda ukafaalo qaado, kadib markay utimaday oo lahadashay arinkodana uga shekaysay wuxuu uqabtay balan wuxu dhahay xiligaas ii imow adoo keligaa ah, wuu damaaciyey oo nafteeda ayuu doonay inuu xumaan kusameeyo, xiligii balanka ayay gabadhi wil walalked ah horay usoo kaxaysatay, waxya uyimaden xildhibaanki kolkay uyimadenba oo uu arkay in lala socdo ayuu balan kale uqabtay, gabadha yar ma fahansana waxa uu ula danleeyey keligaa, maalin kale ayay hadana utimaday ayado wilki wadata, markaan xildhibanki wuxuu gabadhi kudhahay gabarey hadaa donayso shaqo fican iyo wax balboo aad kuqanacsantahay waa inaad keligaa ii timaadaa si aan uwada raxaysano, ceebey tacaal gabadhi yarayd wey naxday filan waa ayay kunoqotay waxa uu xildhibankeda kula hadlay isagoo nin weyn ah oo ay miciin soo biday, wey carartay aydoo oynaysa aadna unaxday aadna uga niyad jabtay wixi ay donaysey.
runtii waa wax aad loga naxo in xildhiban dhan oday ah masuul ah uu waxaas oo kle kukaco ama shardi xumaan ah uu ubareero waa aduunyo isdaba marsan.
fadlan share garee
xildhibaanku waa hagaha umada uumatalo guud ahaan, gaar ahaana waa uqareemaha deegaanka uu kasoo jeedo iyo shacabta uumato ee soodoortay.
xildhibaanka waxaa lagu doortaa aqoontiisa, sharafta iyo sumcada uu bulshada kudhexleeyahay akhlaaqiyan iyo diiniyanba, waayo wuxuu hormuud uyahay umada inta kale.
hadaa nahay umad somaliyed waxaynu wax kudooranaa qabiil iyo reer hebel iyo wax quruna oo aduunka iyo umada caalamkuba kagudbeen, waxaynu masiirkeena ku aaminaa kan qabqablaha ah kan aan akhlaaqda iyo sumcada iyo sharafta bini aadamkaba waxba ka kasayn, taasna waa hormuudka burburka iyo baaba'a wadanka.
aan kula wadaago fal uu kukacay xildhibaan somaliyeed kana mid ah kuwa hada jira ee farmaajo
waxaa dhacday maalin dhaweyd oo an forgayn in xildhibaan kamida xildhibanada somaliyeed ay utagtay gabadh ay isku degaan yihiin isla markaana qaraabo dhow yihiin, waxay ugu tagtay gabadhaasi inay xildhibankeda waydisato shaqo inuu laraadiyo gtabna siiyo maadama uu xildhibaankeda yahay, gabadha waa agoon ah isla markaana dooneysey inay daboosho baahida qoyskeeda sida caruurta ka yaryar oo ay noloshoda ukafaalo qaado, kadib markay utimaday oo lahadashay arinkodana uga shekaysay wuxuu uqabtay balan wuxu dhahay xiligaas ii imow adoo keligaa ah, wuu damaaciyey oo nafteeda ayuu doonay inuu xumaan kusameeyo, xiligii balanka ayay gabadhi wil walalked ah horay usoo kaxaysatay, waxya uyimaden xildhibaanki kolkay uyimadenba oo uu arkay in lala socdo ayuu balan kale uqabtay, gabadha yar ma fahansana waxa uu ula danleeyey keligaa, maalin kale ayay hadana utimaday ayado wilki wadata, markaan xildhibanki wuxuu gabadhi kudhahay gabarey hadaa donayso shaqo fican iyo wax balboo aad kuqanacsantahay waa inaad keligaa ii timaadaa si aan uwada raxaysano, ceebey tacaal gabadhi yarayd wey naxday filan waa ayay kunoqotay waxa uu xildhibankeda kula hadlay isagoo nin weyn ah oo ay miciin soo biday, wey carartay aydoo oynaysa aadna unaxday aadna uga niyad jabtay wixi ay donaysey.
runtii waa wax aad loga naxo in xildhiban dhan oday ah masuul ah uu waxaas oo kle kukaco ama shardi xumaan ah uu ubareero waa aduunyo isdaba marsan.
fadlan share garee
TAARIIKH: Kadib Saddexleydii Layaabka Lahayd Ee Lionel Messi, Halkan Kaga Bogo Xogta Cajiibka Ah Iyo Qaabkii Uu Ku Gaadhay Saddexleydiisii 50 Aad.
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa bandhig layaableh ka sameeyay kulankii Sevilla ee ay kooxdiisu guusha 4-2 ahayd ku soo xasuuqday kooxda Sevilla oo ay dhibaato badan kala kulmeen qaybtii hore laakiin Messi ayaa muujiyay in uu yahay xidig inta uu garoonka ku jiro aanu Valverde walwal badan qabin.
Sevilla ayaa gool kaga hor martay Barcelona laakiin Lionel Messi ayaa gool cajiib ah kubbad duulaysa Barca ugu keenay goolka barbaraha laakiin Sevilla ayaa qaybtii hore ee ciyaarta hogaanka ku haysay 2-1 balse Lionel Messi ayaa qaybtii labaad dhalyay gool kale oo qurux badan kadib markii uu difaaca iyo goolhayaha Sevilla ku indho sarcaaday kubbad uu lugta midig si cajiib ah ugu darbeeyay.
Jamaahiirta Barcelona ayaa markiiba bilaabay in ay Pele xusuusiyaan in uu ku qaldanaa hadalkii uu ku sheegay in Messi uu yahay ciyaartoy hal xirfad oo kaliya leh oo ah in uu lugta bidix wax ku qaban karo balse goolka uu Messi lugta midig ku dhaliyay ayaaba ahaa gool aan hore looga baran.
Inkasta oo uu Lionel Messi ayaa xidiga laba jeer kooxdiisa Barcelona barbaraha u keenay waxa uu ugu danbayn noqday xidiga natiijada ciyaarta gabi ahaanba dhinaca kale u dhigay kadib markii uu kubbad jaqaf ah ka dul qaaday goolhayaha uu ceebeeyay ee kooxda Sevilla si uu u dhamaystiro saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay.
Laakiin Lionel Messi ayaa markale gool caawin u sameeyay Luis Suarez kaas oo goolka afraad ee kooxdiisa Barcelona ciyaarta ku soo xidhay, waxayna Barca hogaanka La Liga ku sii qabtay 10 dhibcood laakiin Messi ayaa taariikh cusub loo diwaan galiyay.
Lionel Messi ayaa dhaliyay saddexleydiisii 50 aad ee waayihiisa ciyaareed taas oo la micno ah in 50 kulan uu min saddex gool ama ka badan soo dhaliyay. Lionel Messi ayaa 32 saddexley ka soo dhaliyay horyaalka La liga, wuxuuna 3 jeer saddexley ka soo dhaliyay Copa Del Rey.
Laakiin Lionel Messi ayaa 8 saddexley ka soo dhaliyay UEFA Champions league halka uu Spanish Super Cupka uu hal saddexley ka soo dhaliyay waxayna la micno tahay in 44 saddexley uu u soo dhaliyay kooxdiisa Barcelona.
Lionel Messi ayaa xulka qarankiisa Argentina u soo dhaliyay 6 saddexley wuxuuna saddexleydii kulankii Sevilla uu ku gaadhay in isku darka xulkiisa Argentina iyo kooxdiisa Barca uu u soo dhaliyay 50 saddexley.
Lionel Messi ayaa sii dheeraystay gool dhalinta horyaalka La Liga iyo tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub isaga oo 25 gool ka soo dhaliyay 25 kulan oo La Liga ah wuxuuna sidoo kale soo sameeyay 11 gool caawin taas oo la micno ah in haddaba uu 36 gool ku soo lug yeeshay oo La liga ah.
Laga soo bilaabo bishii December, Lionel Messi ayaa soo joogteeyay in celcelis ahaan uu kulankiiba ku soo lug yeeshay 2 gool isaga oo 11 kulan ku soo dhaliyay 16 gool isla markaana 6 gool caawin soo sameeyay.
Sidii Lionel Messi Ku Soo Gaadhay 50 ka Saddexley Ee Uu Soo Dhaliyay?
Sawirka hoose ayaad si buuxda ugaga bogan kartaa wax walba oo ku saabsan xogta 50 kii saddexley ee uu Lionel Messi soo dhaliyay waxaana sida aad arki karto uu saddexleyda ugu badan oo 4 ah uu ka soo dhaliyay kooxda Valencia.
Lionel Messi ayaa min 3 saddexley ka soo dhaliyay kooxaha Sevilla, Atletico Madrid, Deportivo, Espanyol iyo Osasuna halka shan kooxood oo ay Real Madrid ku jirto uu min 2 saddexley ka soo dhaliyay. Lionel Messi ayaa hal saddexley u jira rekoodhka Cristaino Ronaldo uu ku haysto 51ka saddexley.
Lionel Messi ayaa 50 ka saddexley ee uu soo dhaliyay waxa uu ku soo dhaliyay 157 kulan wuxuuna saddexleyda ugu badan soo dhaliyay sanadkii uu buuga dhacdooyinka layaabka leh ee aduunka galay ee 2012 kii markaas oo uu 9 jeer saddexley dhaliyay waana sababtii uu 91 gool u soo dhaliyay hal sano.
Halkan hoose kaga bogo sawirka soo koobaya xogta Lionel Messi ee 50 ka saddexley ee uu soo dhaliyay.
Barcelona ayaa guuldaro xun kala soo laaban lahayd Sevilla haddii aanu Lionel Messi qaadan lahayn mid ka mid ah kulamadiisii ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkan wuxuuna awooday in uu dhinaca kale u dhigay labadii gool ee ay Sevilla min hal mar hogaanka ku haysay halka uu Suarez u sameeyay goolka uu kalsoonidiisiii ku soo ceshaday
w/q maxamed cabdulahi xassan
caynad.
BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE OO MUQDISHO SOO GAARAY
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Boqorka ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiiro, xildhibaano iyo odoyaaal dhaqameedyo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa garoonka Aadan Cadde, Boqor Burhaan Boqor Muuse ku soo dhoweeyay.
Boqor Burhaan oo si kooban wariyaasha kula hadlay xarunta Vip-da ee Garoonka Aadan Cadde ayaa ka mahad celiyay qaabkii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyay.
Kulamo ayaa lagu wadaa in Boqor Burhaan uu la qaato madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya.
GOLAHA XUKUUMADA CUSUB EE PUNTLAND OO SHIRKOODII UGU HORRREYAY KULMAY
Golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay ee Khamiislaha, tan iyo markii ay xilka la wareegeen.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa looga hadlay; arrimaha amniga, xeer-hoosaadka xukuumadda, kobcinta dakhliga Puntland, wada-dhaqeynta wasaaradaha iyo warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha.
War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu wasaaradaha ku amray in ay soo diyaariyaan qorsha-hawleedka dowladda ee sannadka 2019, islamarkaana u diyaar-garooban qorshaha horumarinta Puntland oo ay hoggaamin doonto wasaaradda Qorshaynta ee Puntland.