Go'aanka xayiraada Sacuudiga ee Qatar oo saameyn ku yeeshay xoolaleyda oo geelloodii haraad iyo gaajo u dhamaaday


Wargeyska Daily Mail ayaa soo daabacay in Geella Qatar u badanaa la daajin jiray beero ay Sacuudigu leeyihiin oo ku yaal xuduudda labada dal, dhanka Sacuudiga. Laakiin isla markii uu xiriirku labada dal xumaaday ayaa dhammaan geelii Qadar ee daaqi jiray beeraha Sacuudiga xeryaha oodda looga qaaday, laguna sii daayey saxaraha Qadar.Dadkii geela lahaa waxaa la siiyey hal saac in ay xoolahooda ku soo doontaan.

Boqolaal geella ah oo Qatariyiintu leeyihiin ayaa harraad iyo gaajo u dhintay markii Sacuudigu ay baadkii iyo biyihii ka goosteen isla markaana eryeen geellii daaqi jiray beeraha dhulka Sacuudiga. 

Waxaa la qiyaasayaa in Sacuudigu uu oodda ka qaaday geel Qadar leedahay oo kor u dhaafay 15,000 halood iyo 10,000 ido ah. Geela 9,000 (sagaal kun) oo kamid waxaa oodda looga qaaday wax ka yar 36 saac xiriirjar kabacdi.Geellaha magaciisu ku sheegay Xuseen Al-Maari ayaa yiri, “waxaan ka soo laabtay Sacuudiga mise tiro geela oo 100 kor u dhaafaysa oo geelaygii ahi waa dhinteen, boqolaal kale meel aan ku sheego ma aqaan, sidoo kale boqolaal ido ah gacan kuma jiraan.”
Warar laga helay dadka maraya jidka u dhexeeya labada dal waxay sheegeen in ay indhahoodu ku arkeen qaalmo yaryar oo boqolaal kor u dhaafay oo ku bakhtiyey dhinacyada laamiga.Wararka qaar ayaa iyana leh geel ka badan 150,000 neef ay weli ku jira xeryaha iyo beeraha Sacuudiga, lamana yaqaan xukunka Sacuudigu uu kuwaasna ku ridi doono.
Dawladda Sacuudiga ayaa Dawladda Soomaaliya ku haysa cadaadis ah in ay ku dayato oo soo raacdo xulafada Sacuudiga, xiriirkana u jarto Qada.Madaxweyne Farmaajo ayaan aqbalin codsiga Sacuudiga, muujiyeyna in aysan Soomaaliya qayb ka noqon doonin isqabqabsiga Carabta.
Share:

No comments:

Post a Comment

Recent Posts

3/recent/post-list

Popular Posts

Recent Posts

Unordered List

  • Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit.
  • Aliquam tincidunt mauris eu risus.
  • Vestibulum auctor dapibus neque.

Pages

Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.