Sida uu qoray Wargeyska Al-Sharq oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Dowlada Sucuudiga ayaa sheegaya in muwaadiniinta Qadar laga mamnuucay gudashada waajibaadka Xajka.
Warkeyska ayaa ku waramaya in muwaadiniinta Qadar guud ahaanba laga mamnuucay in ay soo galaan dhulka barakeeysan ee sucuudiga.
Arintaan waxaa cambaareeyay guddiga arimaha xuquuda aadanaha ee Qadar oo ku sheegay in talaabadani ay tahay mid aad looga xumaado.
Dagaal siyaasadeed ayaa u dhaxeeya qaar kamid ah dowladaha gacanka carabta oo la kala saftay sucuudiga iyo Dowlada Qadar.
Dhowaan ayaa 5 wadan oo gacanka carbeed ah oo sucuudiga ugu horeeyo ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen dowlada Qadar kuwaasi oo ku eedeeynaya in ay xiriir la leedahay kooxaha ay ugu yeereen Argagixisada.
No comments:
Post a Comment