• This is default featured slide 1 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 2 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 3 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 4 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 5 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

Fikirka iyo Nolosha – W/Q. Mohamed Abdulahi Hassan “Caynad) inShare in dangorayo.blogspot.com

Uumiyaha oo dhammi si isku mid ah ayuu isugu raacsan yahay aragtida qeexaysa in ifku uu yahay adduunkan iyo waxa ku hareeraysan, kaas oo qofku inta uu ku nool yahay dushiisa, dhaqdhaqaaqa iyo ficillada uu samaynayaa ay yihiin gudashada waajibaadkii nololeed ee la gudboonaa.
Sidoo kale, la iskuma diiddana, in cimriga dadku uu yahay wakhti aad u kooban, isla markaasna uu qof kastaa ba joogo muddo yar oo bar ay ku dhammaato leh. Hase yeeshee, tiirarka ugu mudan ee bini aadamku si weyn ugu kala aragti fog yihiin waxa ka mid ah jiritaanka Aakhiro. Dadku in ay garasho iyo garaad leeyihiin ka sokow, ummadaha qaarkood waxa ay helayeen xog samaawi ah oo ka warramaysa ujeeddooyinka nolosha, xaaladaha dabiiciga ah ee ifka, cidda loo hoggaansamayo iyo waxa loogu tagayo aakhiro inta ba. Sidaas oo ay tahay weligeed ma ay dhicin in isku si loo aamino qaddiyaddaas.
In nolosha aakhiro ee danbe khilaaf joogto ahi ka taagnaado waxa sababay basharka oo marka horeba aad ugu kala duwanaa si u aragga noloshan hore ee adduunka oo dhan. Tan iyo abuurtii nolosha, waxa aadamaha dhex yaallay su’aalo door ah iyo doodo ad adag oo udub dhexaad u ahaa aragtiyahan. Weydiimahaas waxa ugu mudnaa: Yaa abuuray waxan oo dhan? Yaa loo hoggaansamayaa? Waa maxay macnaha runta ah ee ay noloshu makhluuqa u samaynaysaa? Maxaa ka dambeeya dhimashada? Iyo qaar kale oo intaas ka farcama. Sidaas darteed, waxa la odhan karaa, waxa intaas ba dadku ay raadinayeen xaqiiqooyinka kawnkan, noolahan iyo cidda maamusha ee ay mudan tahay in loo hoggaansamo. 
In su’aalahaas looga jawaabo bini aadamka, waxa ka soo degey Kutub, kuwaas oo loo soo dhiibay mid walba shakhsi laga dhex doortay ummadda ay risaaladdaasi ku socoto. Markaas ayuu kala dheereeyay caqliga dadku oo ay qaar aqbaleen xaqiiqooyinkii hor yaallay, cilmigii, mulkigii, iyo hibooyinkii loo sakhirayna ku xoojiyeen mabaadii’dii xaqa ahayd ee ay kutubtaasi sideen. Waxa kale oo la arkay in ay dadka qaar ku adkaysteen toodii oo ay mar ba hummaag tijaabiyeen, afkaaro ay isku maamulaanna yab yabeen. Deetana waxa timid inay noolayaal iyo ma noolayaal kale Ilaahyo ka dhigteen.
Ilaa iyo maanta raadadkii cidhib xumada lahaa ee ay dadkaasi ka tageen waa kuwo la isla yaqaanno oo aasaar ahaan loo tixgeliyo. Tusaale ahaan, astaamaha ugu waawayn ee casrigan dunida yaalla iyo cilmiga la adeegsado intooda ugu badani waa waxii ka hadhay qoomamkaas. Laakiin dadyowgaasi waxay ku takri faleen deeqihii lagu mannaystay, waxaanay ku xad gudbeen karaamadii lagu galladay. Markaas ayay noqdeen qaar loo adeegsado awooddii ay u hoggaansami waayeen oo la halaago: kuwo dhulka la la rogo, kuwo duufaanno lagu kiciyo, kuwo biyo lagu qarqiyo iyo kuwo musiibooyin kale lagu sallido inta ba.
Dadka wakhtigan dunida ku nooli markii ay xaqiiqooyinka raadadkaas hidin kari waayeen ayay ku tilmaameen: la yaabkii dunida “World Miracles”. Maanta waxaad arkaysaa iska ba dhaaf Islaamka dilan ee dunida kale’e, qof Soomaali ah oo la yaabban diyaarad iyo dayax gacmeed oo durtaba is dhiibay. Tolow miyaanu qiimayn taariikhda iyo cilmiga dunida yaalla ummadihii iyaga oo nool samaynayay ee dhulka fasahaadinayay iyo sida dadkii karaamada aadaminimo yiqiinsanaa ugu jilib dhigayeen, ugu samrayeen, diinta ugu baaqayeen, ugu na arkayeen dad hallaysan?! Is diiddada labada xilli iyo labada Islaam waxa lagu sheegaa in jiilkaasi ahaayeen dad aan bah da laga saarin oo si dhab ah uga turjumayay xaqiiqooyinkii ay rumeeyeen. Waxa kale oo la sheegaa inay ahaayeen dad in muhmal laga galiyo himilooyinkooda ay uga fududayd inay hanuuniyaan boqorradii iyo saadadii hallaysnayd ee kibirka iyo tookha looga hadhay. Gaalada maanta adduunka ku nooli waxay ku joogaan jidkii iyo hammigii facyaashaas. Sidaas darteed, Islaamka wakhtigan waxa la gudboon inay sidaas si ka xeel dheer u raacaan, rumeeyaan, ugu na dhaataan guulihii, majarihii iyo ma hadhooyinkii jiilashii hirgaliyay ahdaaftii ay u noolaayeen. Markaas ayuun bay caqiiqadadu dhammays noqon kartaa.
Tan iyo tarankii aadamaha, qalabka dadka noloshooda halbeegga u ahaa waxa uu ahaa Fikirka. Isaga ayay noloshooda ku jihaynayeen, farsamadooda ku horumarinayeen, caqabadaha hor yaallana ku xallinayeen. Fikirka binu aadamka waxa la yidhaahdaa wuxuu soo maray heerar iyo marxalado kala duwan. Cilmi ahaan, “Fikirka” waxa lagu qeexaa: firfircoonida caqliga aadamuhu kala hor tago mushkiladaha noloshiisa ku gudban, isla markaasna kaga falceliyo sawirka uga muuqda astaamaha dabiiciga ah. “Fikirka” ayaa mar kasta xukumayay nolosha dadka, sida ay u noolaanayaan iyo sida ay u muuqanayaan inta ba. Heerarka aasaasiga ah ee fikirka dadku soo maray waxa saldhig u ahaa:
  1. Heerkii Dareemaha: oo ahaa in ay dadku ka fikiri karaan oo keli ah ilaa inta ay dareemayaashoodu gaadhsiisan yihiin ama uu qofku cabbiri karo, malayn karo, isla markaasna fahmi karo xaaladaha ay shantiisa dareeme la falgali karaan oo qudha.
  2. Heerkii Falsafiga: oo ahaa marxaladdii ay u gudbeen dadku in ay ka fikiraan astaamaha dabiiciga ah iyo muuqaalka adduunkan iyo waxiyaabo kale oo aanu suurayn karin qof fikirkiisu ku kooban yahay dareemayaashiisa, sida: nolosha, dhimashada, abuurta, iyo abuuraha.
  3. Heerkii Cilmiga: oo ahaa wakhtigii la daahfuray culuumta ay dadku ku awoodeen in si xawli ah ay isu dhex galaan oo ay sameeyaan tijaabooyin faro badan iyada oo la adeegsanayo qalab iyo farsamo hor leh oo si toos ah wax looga ga ogaan karo dhulka, meerayaasha, hawada, badaha iyo wixii la mid ah. Waxa la helay cilmi turjumi kara macluumaadkii la soo ururiyay iyo in la abuuro afkaar kala geddisan oo lagu dabbakhi karo aayaha nolosha iyo noolaha labada ba.
Markii ay soo degtay diinta Islaamku waxa ay noqotay xeerkii, afkaartii iyo shuruucdii ugu ballaadhnayd ee samada ka soo dega, looguna talo galay in dunida lagu maamulo. Muddo ka yar kontan sanno ayay jiilkii aqbalay ee ugu horreeyey ku gaadhsiiyeen dunida intii badnayd. Intii hoggaanka iyo quwadda adduunka uu islaamku gacanta sare lahaa, waxa ay turjumeen aqoontii diinta ka horraysay ee banii aadamka oo dhan. Waxa ay abuureen culuum faro badan oo maaddi ah, waxaanay hindiseen aalado fududeeyay dhinacyo muhiim u ah nolosha. Waxa ay sidoo kale fasireen Quraanka iyo Axaaddiistii, si aqoonta dunida loogu horumariyo.
Nidaamkii Islaamku waxa uu ahaa mid qeexaya in aan adduunku kala qoqobnaan oo caalamka oo idil ay hal dawlad oo Islaami ahi maamusho, iyada oo bulsho waliba halkeeda deggen. Waxa uu nidaamkaasi caalamka u horseeday iftiin iyo nabad. Cid aaminsan iyo cid aan aaminsanaynba aqoonta waa loo sinnaa, nolosha waa loo sinnaa, ilbaxnimada waa loo sinnaa, fikirka waa loo sinnaa, dadkana farqi u ma dhexayn. Diinta waxa lagu faafinayay hab nabad iyo nasteexo ka muuqato iyo jihaad leh shuruudo anshax iyo asluub bini aadaminimo ka muuqato. Taasi waxay ka dhalatay caddaaladdii islaamku dunida ku hoggaaminayay.
Markii ay gaaladu la wareegtay awoodda waxa judhii ba la jiha habaabiyay cilmigii, waxaana la afduubay xaqiiqadii lagu hoggaamin lahaa caalamka oo idil. Dunidii waxa ay u dhigeen weji kale oo ah in la isu maamulo dal iyo dal, gobol iyo gobol. Waxa ay abuureen afkaar iyo aragtiyo la isku khasbayo oo lagu halaagmayo iftiinka iyo aakhiro ba. Waxa ay sameeyeen mabaadii’ iyo magacyo ay islaamka ugu kala qaybinayaan kooxo, si ay ugu dhex yeeshaan qaar taageera oo hirgeliya ujeeddooyinkooda. Taas ayaa ilaa iyo haatan aanay u soo baxayn beryahaa xoog midaysan oo Islaami ahi.
Waxa la is la oggol yahay in fikir waliba uu caqiido salka ku hayo, haddii aad mufikir tahayna, ma aha cilmigu in aad ka fikirto aayaha ummaddaada adiga oo is waafajinaya fikirkaaga iyo magacyada Falsafad, Dimuqraaddiyad, Xaddaarad, Horumar, iyo wixii la hal maala. Laakiin waxa aad caalim tahay marka aad is waafajiso caqiidadaada iyo fikirkaaga. Markaas ayaad jeexi kartaa waddo cad oo lagu guulaysan karo.
Waa waajib in dadku ay fikiraan oo su’aalo iska weydiiyaan astaamaha dabiiciga ah iyo nolosha aadamaha oo dhan. Laakiin marka ay fikrayaan waa in ay garanayaan waxa ay abuuran yihiin ee dunida u joogaan. In qofku fikiro waxa xukuma caqliga ku jira, waxa uu ka fikirayana waxa xidha cilmiga ku jira, laakiin sida uu u fikirayo xeerarka iyo xuduudaha xakamaynayaa waa waxa uu aaminsan yahay. Dhawr qarni ka hor ayaa ugu danbaysay in adduunka fikir cusubi ku soo biiro ama cidi ku soo kordhiso. Sidaas darteed, mufikiriinta casriyadan danbe waxa ay noloshooda ku dhammaystaan in ay marba afkaar tijaabiyaan oo deetana ummadda ay ka dhasheen ku canaantaan.
Way bannaan tahay in culuumta la taaban karo sida, xisaabaadka, macdanaha, qalabka casriga ah, wershadaha, hubka iyo horumarka Tiknoolojiyadda aad ka baratid gaalada, adiga oo uga jeeda la baro, laakiin aan uga jeedin ka baro. Da’yarta Soomaaliyeed ee maanta wax baratay waa inay dareensanaadaan in hirdanka iyo baxaalliga afkaarahan dunida ka socdaa aanay dhammaantood ahayn sida ay inoogu muuqdaan, laakiin ay ku biyo shubanayaan sidii ay gaaladu u sii hayn lahayd majaraha caalamka, una muquunin lahayd kuwa tirada yar ee ku fahansan fikirka ay wadaan. Ma aha hawl inoo taalla in aynnu ummadda u soo xambaarno fikrado kuwii lahaa ba qireen hadimooyinkooda, innaga oo aan ka dhergin barashada dhaxalkeenna qurxoon – diinteenna iyo dhaqankeenna. Kuma doodi karno in Kitaabku xaddaaradda innaga dabrayo innaga oo aan dhadhansan karin duxda ku dalaysan aayad qudh ah oo Kitaabkaas ka mid ah iyo xaqiiqada xeesha fog ee ku xardhan. Sidaas darteed, xorriyadda fikirkaagu waxay ku xidhan tahay sida aad u og tahay ama aad uga ogaal la’dahay xaqiiqooyinkaas.
Dunidan maanta waxa yaalla laba xaaladood oo aad u kala durugsan. Ta hore waa fikradihii iyo falsafadihii gaalada oo isugu soo ururay caabbinta awoodaha Islaamka. Waxa ay guluf hubaysan iyo duullaan fikir ku gaasheeyeen dhulalkii Muslimiinta, iyaga oo ku af gobaadsanaya ilaalinta nabadgalyada adduunka iyo xuquuqaha aadamaha. Tan labaad na waa wiil islaam ah, weliba Soomaali ah oo halhays ka dhigtay: fikirka ha la xoreeyo, dumarku siyaasadda ha galaan, diinta ayaa ilbaxnimadii hor taagane malcaamadaha ha la xidho, dimuqraadiyadda ha loo hoggaansamo iyo arrimmo la hal maala. Is-diiddada labadaas xaaladood waxa ka dhashay: tolow ma awoowyaashii Soomaalida ayaan aqoon sida timaha loo la baxo, dabadeedna loo fikiro? Mise waxa aynnu xiiso u qabnaa sida loo tijaabiyo fikradaha? Mise waxa innagu qalloocday tacliintii yarayd ee iskuullada iyo shahaadooyinkii?
Marka ummad loo keeno afkaar shisheeye ee la yidhaahdo noloshaada ku dabbakh ma aha in ay bulshadu eegto qofka afkaartan dejiyay waxa uu aaminsan yahay ama jinsiyadda uu yahay, hase yeeshee waxa ay bulshadaasi ku khasban tahay in ay afkaartaas waafajiso caqiidada ay aaminsan tahay, si haddii afkaartaas ay wax diinta ka hor imanayaa ku
jiraan looga saaro, haddii ay dhammaanteed ka hor imanaysana la iskaga tuuro. Taas macnaheedu waa in ummaddu yeelataa meel marjac ah oo ay u la noqoto kuna kala shaandhayso aqoonta iyo aragtida dibadda kaga imanaysa.
Source: http://www.weedhsan.com/index.php/qalinleyda-weedhsan/3-the-magazine-fikirka-iyo-nolosha-w-q-sakariye-saxardiid-awaare
Share:

Guardiola oo Difaacay goolhaye Claudio Bravo Sheegayna in Barcelona xitaa 11-Ciyaartoy ineysan Celin karin !

Pep Guardiola waxaa aad uga careysiiyey goolhaye Claudio Bravo kadib guul daradii Manchester City xaley kala kulantay kooxdiisii hore ee Barcelona.
City waxaa lagu garaacay 4-0 garoonka Nou Camp xili uu Lionel Messi mar kale Champions League ka dhaliyey saddexleey hat-trick.
Kooxda martida ayaa aad u wanaagsaneyd,kahor inta uusan Calaamadda casaanka qaadan gool celiye Bravo kaasi oo isagoo dibadda jooga kubadda Gacanta la aadey.
City shabaq ilaaliyaheeda ayaa qalday Kubad uu Baas islahaa, waxaana helay Luis Suarez hase yeeshee dhaliyaha reer Uruguay, ayaa isku dayey in kubaddii uu kadul qaado Bravo oo banaanka taagan,taasi oo sababtay inuu Gacmaha ku celiyo ciyaartana looga saaro.
Inkasta uu qaladkaasi sameeyey Bravo, misana Tababare Guardiola ayaa difaacay Bravo,isagoo Balan qaaday inuusan waxba ka bedeli doonin qorshihiisa uu ku aaminsanaa goolhayaha,xitaa hadii gool looga dhalin lahaa qaladkaasi uu sameeyey wax micno sidaa u weyn iima lahaateen oo mar waliba waan aaminsahay inuu yahay goolhaye wanaagsan” ayuu yiri Pep.
“Aad ayey u adag tahay in Barca lagu celiyo xitaa 11 ciyaaryahan,” ayuu yiri Guardiola. “ 10, ciyaaryahan markaad noqoto weyba kasii daran tahay” ayuu raaciyey.
“waan la hadley Claudio.aad ayuu u niyad jabsanaa,laakiin waxaan waa Ciyaar waxaana dhihi karaa “Football is a game of mistakes”, wuuna ogyahay midaasi Isaga”.
“Waa goolhaye Khabiir ah isaga wuxuuna kamid yahay Goolhayaasha ugu wanaagsanaa aduunka 10 sano ugu danbeeyey. Wax Shaki ah iigama jiro Anigu taasi. Qalad wuu sameeyey,laakiin waxbuu ka Baran doonaa, Intan anigu Macalin ahay isagaa ii ah No1″.ayuu kusoo xirey





Share:

DEG DEG: Barcelona & Messi oo si xishood la’aan ah ku marti qaaday Macalinkoodii hore iyo Moenchengladbach oo badisey. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM

Lionel Messi ayaa dharbaaxo aad u kulul kusoo dhuftey kooxda martida u ahayd ee uu hogaaamiyo tababarihiisii hore ee Guardiola markii 4-0 oo weliba isla isaga uu dhaliyey 3-kamida goolashaasi kaga soo badiyeen kulan kutirsanaa kulamadii sadexaad ee Group C.
Kulanka uu goolasha Saddexleeyda ka dhaliyey Lionel Messi ayaa waxaa labada dhinac laga saaray goolhaye Claudio Bravo, markii kubad uu gacanta ku taabtay isagoo dibada ka jooga xeradiisa, dhinaca kale 2 daqiiqo gudaheed ayuu daqiiqadii 73-aad kaarkii labaad ku qaatay Jeremy Mathieu oo daafacyada Barcelona katirsan, sidoo kale Rigoore lagu galay Messi waxaa qasaariyey Neymar hase yeeshee kadib ayuu awoodey inuu dhaliyo gool caadi ah kana dhigey natiijada 4-0
Dhinaca kale kooxda Germany ka dhisan ee Borussia Moenchengladbach ayaa dharbaaxo kusoo dhufatay kooxda Celtic oo ay Glasgow ku booqatay waxayna kaga soo badisey 2-0 waxaana goolasha u kala dhaliyey Lars Stindl iyo Andre Hahn.
Hadda Waxaa Groupkan C, hogaanka u heysa Barcelona oo 9-dhibic leh, Man City labaad 4 dhibic,Moenchengladbach 3 dhibic,halka Celtic ay ugu hooseyso 1 dhibic leedahay.


Share:

XOG ” Ronaldo oo doonaya in Philippe Coutinho uu kusoo biiro Real Madrid. DANGORAYO.BLOGSPOT.COM

Ronaldo ayaa sheegay in uu aad ugu farxi lahaa haddii uuu doonaya Philippe Coutinho ku arki lahaa isagoo u ciyaaraya kooxda Real Madrid.
Lambarkii sagaalaad ee kooxda Real Madrid iyo Xulka Brazil ayaa ku dhiiro galiyay in Real Madrid ay u dhaqaaqdo mucjisada  Liverpool u ciyaara.
Xiddigii hore kooxda Inter ayaa wacdarro ka dhigayo horyaalka Premier League, isagoo waqti wanaagsan ku qaadanayo kooxdiisa Reds.
Idaacada lagu magacaabo raadiyaha Onda Cero, ayaa baahisay in xiddigii hore kooxda Real Madrid ee Ronaldo uu naadigiisa la doonayo in ay lasoo wareegto Philippe Coutinho.

Share:

Xiddig ka tirsan Barcelona oo gacan ka taagtay Aguero” Wax walba wuu sameyn karaa, DANGORAYO.BLOGSPOT.COM

Kooxda Barcelona ayaa caawa waxa ay soo dhaweyn doontaa macallinkeedii hore Pep Guardiola, kullanka Champions League.
Daacafa kooxda Barcelona ee Mascherano  ayaa caawa ka digay qatarta weeraryahanka  Man City ee Agüero.
Kabtankii hore xulka Argentina Mascherano ayaa carabka ku dhuftay in halista ugu badan caawa ay ka imaan karto xiddiga Aguero oo weerarka ka xamaasha.
“ Waa in fiiro gooni ah loo yeeshaa Aguero, waayo waa xiddig wax kaste laga  filan karo ayuu yiri  Mascherano.
Sikastaba kooxda Barcelona ayaa caawa kullan la ballansan naadiga Man City, waxaana iska hor imaan doono wajiyo saaxiibo ah.
Share:

OLOLAHA BAC GURIDA OO KABILOWMAY DEGMADA DANGORAYO

waxaa maanta oo khamiis ah bishuna tahay 6/10/2016 kabilowmay olole lagu ururinaayo bacaha ee degmada dangorayo.
waxaa abaabul aad  usareysa sameeyey dhalinyarada degmada waxayna si iskood ah ugarteen inay deegaankooda kanadiifiyaan bacaha oo khatar weyn ku ah dhirtii uu arigu daaqi lahaa ama bilicda noqon lahayd.
runtii sidaan ognahay dhalin yarada waa ubaxa wadanka, waxay ubaahan yihiin wax haga oo jihada saxda ah tusiya marwalba, waxay diyaar layihiin xoogooda si ay u hor mariyaan degamadooda.

dhalin yarada maanta qashin ururinta sameeyey iyaga ayaa iskood ugartay in bacdu ay khatar weyn uleedahay deegaanka isla markaan ayaa isu xilqaamay siday uga hortegi lahaayeen, iyagoo aan latashan maamulka degmada iyo cidkaleba. fikirkooda ayaga ayaa lahaa. waxayna muujiyeen sida ay degaankooda ujecel yihiin diyaarna ugu yihiin horumarkiisa iyo bilicdiisaba. waxay u shaqeeyeen si hagar la' aan ah. aad ayayna ugu amaanan yihiin.
waxaa soobooqday wax qabadka dhalin yarada la qiirooday maamulka degmada oo uu ugu horeey0 gudoomiyaha degmada MUKHTAAR ABDIRAHMAN HAJI.oo runtii ah nin aad  ubooriya dhalin yarada marwalba islamarkaana mar walba jecel bilicda deegaanka, sidaan ognahayna hada kahor markuu gudoomiyaha ka ahaa degmada uu aad uga qayb qaadan jirey bilicda degmada iyo ururinta bacaha dhirta wax udhimaaya. sidoo kale wuxu aad ubooriyey dhalin yarada sida wanangsan ee ay isu abaabulen una garteen horumarinta degaankoda, wuxuuna shegay inay doorkooda kalin weyn kaqadan doonaan insha allah.

ololahaan maahan mid maanta keliya ku eg, ee waa madi manta bilowday, socon doonana ilaa degaanka laga xaalufiyo bacaha iyo qashinka.

maamulkana iyo dowlada hoose waxaa loga baahan yahay siday mar walba ula socon lahaayeen bilicda iyo nadaafada deegaanka. waxa loga baahan yahay inay sameeyaan melihii qashinka lagu ururin lahaa, sido kale inay sameeyaan gudi marwalba kantaroola cida degaanka wasaqaynaysa ama dhib ugeysanaysa.




















Share:

WORK SHOP KUSAABSAN SIDII DEGMADA DANGORAYO BIYO GELIN LOOGU SAMAYN LAHAA AYAA KA FURMAY MAANTA DEGMADA.

Waxaa maanta oo ahayd arbaca  5/oct/2016 kafurmay degmada dangorayo  work shop  looga hadlaayey sidii degmada looga hir gelin lahaa biyo gelin.

Waxaa barnamijkaan iska  kaashanaayey  hay'adaha kala ah BSAWEN IYO NRC.

Waxaa kasoo qayb galay work shopkaan oo loqabanayey gudiga biyo gelinta magaalada.

Waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kasocotey labada hay'adood iyo maamulka degmada dangorayo.

Waxaa daahfuray workshopkaan lagu baranaayey wax tarka iyo sida loga wada shaqayn karo biyo gelinta magalada Gudoomiyaha degmada dangorayo 
MUKHTAAR ABDIRAHMAN  HAJI. Wuxuu sheegay inay aad usoo dhaweynaayeen  barnamijkan biyo gelinta ah islamarkaana uu waxtar balaaran uleeyahay degmada dangorayo iyo degaankedaba.

Insha allah waxaa larajaynaya sanadka danbe in degmada  dadku  ay wada helaan biyo gelin dhamaystiran. Isla markaana  guri walba lageliyo tuuboyinka biyaha.

Waaana wax qabadki ugu horeeyey  gudoomiyaha cusub  ee degmada.

Share:

SOMALIDA OO KACAQLI BADAN CARABTA IYO AFIRCANKA KALE.


Cilmibaaris ey sameeyeen dalal badan oo reer-galbeed ahi uguna horeeyaan ingiriiska ayaa si ay uga salgaadhaan qaab-dhismeedka maskaxda soomaalida waxa ey cilbaaritoodu kusoo gaba-gabeeyeen in dadka Somalida ahi ey yihiin dadka ugu caqliga badan qaaradaha Afrika & Carabta.
NATIIJADA CILMIBAARISTA:


Soomaalida waxay ka aqli badan yihiin jareerta iyo timo-adeyga 200 oo jeer
=Soomaalida waxay ka aqli badan tahay carabta 100 jeer.
=Sidoo kale Soomaalidu waxay ka aqli badan yihiin itoobiyaanka 60 jeer
Jinsiga soomaali waa jinsi aad u fir-fircoon oo lagu yaqaano tayo iyo waxqabad una sii dheer tahay geesinimo xad-dhaaf ah.Taariikhda Soomaalida oo dib loo raaco ayaa lagu arkayaa in astaamahaas kor ku qeexani yihiin kuwo xaqiiqda xiriir la leh, waxaana tusaale gaaban kuugu filan qodobadan soo socda oo tiir u noqonaya hadalka dulucdiisa.

1- Ummadda Somaaliyeed diinta islaamka iyaga ayaa ugu horeeyey wax qaata walibana magangalyo siyaasadeed u fididay asxaabtii.
2- Soomaalidu waxay xiriir joogta ah la lahaayeen xukuumaddii fircoon oo taariikh 10,000 oo sano leh ku fadhida, marka faraaciintu dhulka soomaaliyeed ugu magac-dareen dhulkii ilaahyada ama dhulkii udgoonaa waxaa ay u muujisay in dadkani yihiin dad ka horeeya dadyowga kale ee aduunka ku nool, taasina waxay keentay in soomaali xiriir la suubsato awoodaas iyada ahi ee xiligaasi adduunka ka jirtay.
3- Soomalidu waxay dagaal cad la gashay awood ka itaal badneyd oo ay ka mid ahaayeen ingiriis, faransiis, talyaani, boortiqiis , mareykan iyo waliba amxaaro oo adduunka oo dhami taageerayey.Sayidka kaliya ayaa 21 sano dagaal kula jirey ingiriis, faransiis, talyaani iyo amxaaro illaa soomaaliya noqoto dalkii ugu horeeyey ee diyaarad lagu soo weeraro 1919kii.
4- Soomaaliya waxay ka midka tahay dalalka hiddaha iyo dhaqanka goonida u ah oo walibana afka soomaalidu ku hadlaan xambaarsan yahay sugaan iyo hadalo waaweyn oo murti lihi kana horeeya afafka adduunka ka jira sida ingiriiska, talyaaniga, faransiiska iyo kuwo kale oo badan.Hadaba intaasoo amaan ahi iyadoo isku raacday ayaa hadana Somalida waxa uu ilaahay ku ibtilay cudur ey dodyowga kale ee caalanka qabin kaasoo ah cudurka Qabiil oo hadba marki ey sare usoo kici rabaanba la hara.
Waxaa kaloo intaa u dheer Somalidu in ey iyada dhexdooda isku yihiin cadow islamarkaana waxba isu quurin.Nasiib darro caalamka oo dhami waxa ey wadada uga tageen oo ey dhaafeen Somali inti ey iyaga isku maqnaayeen oo ey qabiil-qabiil isku cunayeen.
Source: Calanka
Share:

SIDDEED KU NOQONI KARTAA QOF CAQLI BADAN? DANGORAYO.BLOGSPOT.COM

Caqli badnaanto waxay leedahay awood wax lagu barto wali sidda ugu fudud inaad wax ku barani karto. Caqli badnaantu waxaad ka faa’ideysaa qaabka ugu wanaagsan ee aad u samaysani karto go’aamo wanaagsan. Caqli badnaantu waxay leedahay awoodda lagu xaliyo dhibaatooyinkaada. Ogaaw marwalbo waad kordhini kartaa heerka caqligaada.
Si caqligaada u kordho waxaad u baahantahay inaad sameyso ficilo qaas ah oo faa’ido weyn kuu leh. Ficiladda caqliga lagu kordhiyo waxaan dhihi karaa waxay ka koobanyihiin waxyaabo aad u tiro badan balse waxaan isleeyahay qeybahaan waa qeybaha ugu wanaagsan, qofkana uu samayni karo dhammaan fciladaas oo dhan, waa Shan waxyaabood oo kor loogu qaadi karo heerka caqligaada.
  1. Kordhi aqqoontaada
read-a-book-day-funDiinta islaamku waxaa ay muhiimad weyn siisaa aqoonta iyo kasbashadeeda. Aayadii ugu horeysey ee quraanka kariimka, waxaa ay ahayd mid rasuulkeena (NNKH) lagu amray inuu wax akhriyo. Ilaahay subxaanu watacaalaa waxaa uu yiri. “ akhri” adigoo kaashanaaya magaca rabbigga ku abuuray. ( suurada Iqra, aayada 1.aad). Suuradaan waxaa kaloo uu ilaahay ku magacaabay oo ku xusay mid ka mid ah aaladaha loo adeegsado aqoonta iyo tacliinta kaas oo ah “ Qalinka”. Ilaahay waxaa kale oo Rasuulka (NNKH) ku amray inuu rabbiggiisa ka baryo in aqoontiisu kor u kacdo.

Raadinta aqoontu waa waajib, waana qodob meel sare kaga xusan diinta islaamka. Horumarka wadan iyo ilbaxnimada aadamiga waxaa ay ku xiran yihiin hadba awooda ay dadku u leeyihiin iney wax akhriyaan. Sidaas darteed waxaa jira xiriir weyn oo ka dhexeeya akhriska, kasbashada aqoonta iyo kobcitaanka maskaxda iyo maanka. Maanka qofku waa sida muruqaha oo kale, waxaana uu u baahan yahay tababar joogto ah. Qofku kolka uu doonaayo in murqihiisa caadiga ahi dhismaan, waxaa uu layliyaa ama tababaraa jirkiisa. Jirka ayaa la siiyaa tababar joogto ah si murquhu u dhismaan, si fiicna ugu shaqeeyaan.

Layliga murquhu waxaa kale oo uu keenaa iney murqaha u sahlanaato qaadashada hawada ogsijiinta iyo weliba wereega dhiiga oo hagaaga. Haddii laba qof tartamaan waxaa markiiba badinaaya qofka jirkiisu qaadan jirey tababar joogto ah maxaa yeelay qofkaas xubnihiisa jirka ayaa ah kuwo horay loo diyaariyey oo ka bixi kara cadaadiska la saaray.
Balse qofka aan tababarka qabin waxaa uu noqonayaa mid markiiba si sahlan u daala, sababtuna waxaa weeye dhamaan xubnaha iyo unugyada jirka ayaan ahayn kuwo diyaar u ah iney tartan galaan oo cadaadis la saaro. Halkaas waxaa ka cad in jirku u baahan yahay tababar joogto ah si uu si wanaagsan ugu shaqeeyo. Arinktaasi waa midda keenta in dad badani si joogto ah u tagaan meelaha lagu tababarto ee jirka lagu dhiso. Haddaba si la mid ah sida jirku ugu baahan yahay tababar ayaa maskaxda iyo maanka qofkuna ugu baahan yahay carbin iyo tababar joogto ah. Tababarka maanka iyo maskaxdu waa wax akhriska, taas oo loola jeedo in qofku caadeysto inuu si joogto ah wax u akhriyo.
  1. Ku Dadaal Inaad Kor u Qaado Isku Xernaanta Maskaxdaada
dec14_31_186365786Mala socotaa maskaxda maroodiga waxay seddax laab ka weyntahay maskaxda bini’aadamka. Balse maxaa keenay in maskaxda bini’aadamka ay ka caqli badnaato maskaxda maroodiga? Sawabtoo ah bini’aadamka maskaxdiisa wuu isticmalaa marwalbo. Bini’aadamka wuxuu bartaa waxyaabaha adag sidda xisaabta, koorsooyinka goobaha waxbarashada iyo waxyaabaha sidda hal xiraalaha iyo Games-ka. Crossword-ka ee aad ku arkayso jaraa’idka waa waxyaabaha dhiso caqliga bini’aadamka ee ku dadaal dhammaan waxyaabaha dhisi karo maskaxdaada. Marwalbo aad ayay u fiicantahay inaad maskaxdaada tababar u sameyso si aad ulla qabsani karto go’aamada degdega ah iyo caqabadaha nolosha.

Ogaanshaha waxyaabaha cusub waa shey muhiim u ah nolosheena. Dunida aynu ku dhaqanahay ma aha mid taagan balse waa mid mar walba uu ku yimaado isbedel. Waxyaalo horay u jirey ayaa dunida ka dhamaanaaya, waxaana soo kordhaaya waxyaalo cusub oo aan horay loo aqoon. Tusaalahaas waxay kuu fududeynayaa inaad wax badan ka ogaatid dunida kugu wareegsan.

  1. Raac Ama La saaxib Dadka Caqli Badan
kyc2Xeel-dheerayaasha cilmiga bulshada iyo cilmi nafsiguna waxa ay mar kasta qofka kula taliyaan in uu yeesho saaxiibo kala duwan, oo wadar ahaan iyo waaxid ahaanba uu ula kulmo, sheeko wadaag iyo iskaashina ula leeyahay.
Marwalbo oo aad la saaxibto dad caqli badan waxaa suurta gal ah inaad ku dabadayato oo aad wax badan ka barato qaabka ay u fakiraan. Arrintaan ayaa ah arrin kuu saamaxayso inaad noqoto qof caqli badan. Hadaba waxaa jira dhaqamo  ay iska ilaaliyaan dadka caqliga badan si ay noloshooda ugu khasaarin taasina waxay mudantahay kudayasho
  1. Cuntada Waxay Saamaysaa Waxqabadka Maskaxda
paleo-01Cuntada uu qofku qaato ayaa si toos ah saamayn ugu leh hawlqabadka maskaxda. Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxadaada, taasi oo si weyn u caawinaysa xusuusta maskaxda iyyo hawlqabadkeeda.
Cunto dheelitiran ayaa ah tan lagula taliyo dadka, waxase jira cuntooyin si gaar ah waxtar ugu leh  shaqada maskaxada kuwaasi  oo loo yaqaano cuntada maskaxada.  Kuwni waa ku ugu fiican dhinaca maskaxada waxaana ka mid aha: 
Kaluunka: Shaki kuma jiro inuu kaluunku yahay mid aad faa’iido badan u leh, maxaa yeelay wax ku badan acid Omega iyo saliida kaluunka oo ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee dhinac maskaxda. Kaluunka laftiisa ayaa usii kala wanagaasan dhinac maskaxada waxa ugu fiican noocyada : Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos.
Khudaarta iyo Miraha: Khudaarta iyo midhaha ayaa iyana ah mid waxtar weyn u leh dhinac shaqada maskaxada . Waxaana ugu fiican khudrada noocayad Canabka, daba case, Mooska, Canbaha, tufaaxa, tamaandhada iwm.
Biyaha: 80% ka mid ah maskaxda  wuxuu ka kooban yahay biyo, sidaa awgeed haddii aad biyo bada  cabto waxay dhiirgleinaysa shaqada maskaxda, waxa kale ay ka caawinaysa kana hortgeysa in masaxada qaliin lagaga sameeyo.  waxaana ay dhakaahtiirtu cilmi baadhistaan smayyay ku taliyeen in ugu yaraan aad maalintii cabto laba litir oo biyo ah.
Shukulaatada: Rumayso ama ha rumaysan,  waxa cad in shukulaatadu laga sameeyay midhah digritu ay wax badan u ka qayb qaadato hawsah maskaxad. cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in shukulaatada, gaar ahaan , tan a mku badan tahay maadada  “Alflavanol”  ay wanaajiso  socodka dhiigga ee goobaha muhiimka ah ee maskaxda.  Waxaan afiican in la qaato  laba saacadood ama saddex ka dib cunista , sidaa darteed waxaa lagu talinayay in la cuno shaklaydhka.
Kafeyga (Coffee): Mala socotaa Kafeyga inay ku jirta maadada loo yaqaano Caffeine ay ku kordhiso awwooda maskaxda waxaana laga helaa fir-fircooni dheeraad leh, waxay jirka ka dhigtaa jir firfircoon, waxayna arrintaas kaa saacideysaa inaad noqoto shaqsi u diyaar ah inuu qabto shaqada ama waxbarashada. Halkii koob oo kafey ah wuxuu kaa caawinayaa inaad isticmaasho awwood dhammaystiran ee maskaxdaada.
  1. Sii Hawo Badan Maskaxdaada
10fit-600Markaad leedahay jadwal jimicsi ama aad si joogte ah u jimicsatid waxa ku kordhaya awoodada iska caabineed ee dhinaca xanuunada. Duri iyo xanuunada la mid ah si fudud kugu dhici maayo. Jimicsigu wuxu kordhiyaa waxa loo yaqaano immunoglobulin, immunoglobulinku waa protein kor u qaada difaaca jidhka. Markaad jimicsanayso waxaad u neefsataa si fiican, si aad si fiican ugu neefsato waxaad u baahantahay inaad jimicsiga jirkaada aad joogtayso, waxaadna ka helaysaa inaad ka hesho hawo badan ee maskaxdaada. Arriintaasna waxay ku dhaxalsiisaa inaad noqoto shaqsi maskaxdiisa shaqeynayso oo fir-fircoon marwalbo waana sawabta ay dad badan u jecelyihiin inay sii wadaan jimicsiga joogtada ah.
Caqliga Illaahay s.w.c ayaa bixiyo asiga ayaana qofka ugu deeqo, caqliga qofna wuu ku dhashaa qofna wuxuu ka qaadaa noloshiisa sidda ay u kalla duwaneed. Dad badan ayaa aminsan in nolosha dhibaatada badan ay caqli badan tahay marka loo eego midda aan dhibaatada aanan soo marin, waxaas oo dhan waxbo kama jiraan. Haa waan ogalahay in qofka dhibaatada soo maro waayo arag noqonaayo balse qofka cilmiga iyo aqqoonta la deris ah qaasatan markuu shaqsiga yahay qof wax aqriso asigoon dhibaato soo marin ayuu in badan fahmi karaa nolosha ku heeraarsan wax ay tahay iyo halka ay ka timaaday.

Fikirkaada Waa Muhiim

Share:

Recent Posts

3/recent/post-list

Popular Posts

Recent Posts

Unordered List

  • Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit.
  • Aliquam tincidunt mauris eu risus.
  • Vestibulum auctor dapibus neque.

Pages

Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.