Waxaa maanta oo ahayd arbaca 5/oct/2016 kafurmay degmada dangorayo work shop looga hadlaayey sidii degmada looga hir gelin lahaa biyo gelin.
Waxaa barnamijkaan iska kaashanaayey hay'adaha kala ah BSAWEN IYO NRC.
Waxaa kasoo qayb galay work shopkaan oo loqabanayey gudiga biyo gelinta magaalada.
Waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kasocotey labada hay'adood iyo maamulka degmada dangorayo.
Waxaa daahfuray workshopkaan lagu baranaayey wax tarka iyo sida loga wada shaqayn karo biyo gelinta magalada Gudoomiyaha degmada dangorayo
MUKHTAAR ABDIRAHMAN HAJI. Wuxuu sheegay inay aad usoo dhaweynaayeen barnamijkan biyo gelinta ah islamarkaana uu waxtar balaaran uleeyahay degmada dangorayo iyo degaankedaba.
Insha allah waxaa larajaynaya sanadka danbe in degmada dadku ay wada helaan biyo gelin dhamaystiran. Isla markaana guri walba lageliyo tuuboyinka biyaha.
Waaana wax qabadki ugu horeeyey gudoomiyaha cusub ee degmada.
No comments:
Post a Comment