Pep Guardiola waxaa aad uga careysiiyey goolhaye Claudio Bravo kadib guul daradii Manchester City xaley kala kulantay kooxdiisii hore ee Barcelona.
City waxaa lagu garaacay 4-0 garoonka Nou Camp xili uu Lionel Messi mar kale Champions League ka dhaliyey saddexleey hat-trick.
Kooxda martida ayaa aad u wanaagsaneyd,kahor inta uusan Calaamadda casaanka qaadan gool celiye Bravo kaasi oo isagoo dibadda jooga kubadda Gacanta la aadey.
City shabaq ilaaliyaheeda ayaa qalday Kubad uu Baas islahaa, waxaana helay Luis Suarez hase yeeshee dhaliyaha reer Uruguay, ayaa isku dayey in kubaddii uu kadul qaado Bravo oo banaanka taagan,taasi oo sababtay inuu Gacmaha ku celiyo ciyaartana looga saaro.
Inkasta uu qaladkaasi sameeyey Bravo, misana Tababare Guardiola ayaa difaacay Bravo,isagoo Balan qaaday inuusan waxba ka bedeli doonin qorshihiisa uu ku aaminsanaa goolhayaha,xitaa hadii gool looga dhalin lahaa qaladkaasi uu sameeyey wax micno sidaa u weyn iima lahaateen oo mar waliba waan aaminsahay inuu yahay goolhaye wanaagsan” ayuu yiri Pep.
“Aad ayey u adag tahay in Barca lagu celiyo xitaa 11 ciyaaryahan,” ayuu yiri Guardiola. “ 10, ciyaaryahan markaad noqoto weyba kasii daran tahay” ayuu raaciyey.
“waan la hadley Claudio.aad ayuu u niyad jabsanaa,laakiin waxaan waa Ciyaar waxaana dhihi karaa “Football is a game of mistakes”, wuuna ogyahay midaasi Isaga”.
“Waa goolhaye Khabiir ah isaga wuxuuna kamid yahay Goolhayaasha ugu wanaagsanaa aduunka 10 sano ugu danbeeyey. Wax Shaki ah iigama jiro Anigu taasi. Qalad wuu sameeyey,laakiin waxbuu ka Baran doonaa, Intan anigu Macalin ahay isagaa ii ah No1″.ayuu kusoo xirey
No comments:
Post a Comment