waxaa abaabul aad usareysa sameeyey dhalinyarada degmada waxayna si iskood ah ugarteen inay deegaankooda kanadiifiyaan bacaha oo khatar weyn ku ah dhirtii uu arigu daaqi lahaa ama bilicda noqon lahayd.
runtii sidaan ognahay dhalin yarada waa ubaxa wadanka, waxay ubaahan yihiin wax haga oo jihada saxda ah tusiya marwalba, waxay diyaar layihiin xoogooda si ay u hor mariyaan degamadooda.
dhalin yarada maanta qashin ururinta sameeyey iyaga ayaa iskood ugartay in bacdu ay khatar weyn uleedahay deegaanka isla markaan ayaa isu xilqaamay siday uga hortegi lahaayeen, iyagoo aan latashan maamulka degmada iyo cidkaleba. fikirkooda ayaga ayaa lahaa. waxayna muujiyeen sida ay degaankooda ujecel yihiin diyaarna ugu yihiin horumarkiisa iyo bilicdiisaba. waxay u shaqeeyeen si hagar la' aan ah. aad ayayna ugu amaanan yihiin.
waxaa soobooqday wax qabadka dhalin yarada la qiirooday maamulka degmada oo uu ugu horeey0 gudoomiyaha degmada MUKHTAAR ABDIRAHMAN HAJI.oo runtii ah nin aad ubooriya dhalin yarada marwalba islamarkaana mar walba jecel bilicda deegaanka, sidaan ognahayna hada kahor markuu gudoomiyaha ka ahaa degmada uu aad uga qayb qaadan jirey bilicda degmada iyo ururinta bacaha dhirta wax udhimaaya. sidoo kale wuxu aad ubooriyey dhalin yarada sida wanangsan ee ay isu abaabulen una garteen horumarinta degaankoda, wuxuuna shegay inay doorkooda kalin weyn kaqadan doonaan insha allah.
ololahaan maahan mid maanta keliya ku eg, ee waa madi manta bilowday, socon doonana ilaa degaanka laga xaalufiyo bacaha iyo qashinka.
maamulkana iyo dowlada hoose waxaa loga baahan yahay siday mar walba ula socon lahaayeen bilicda iyo nadaafada deegaanka. waxa loga baahan yahay inay sameeyaan melihii qashinka lagu ururin lahaa, sido kale inay sameeyaan gudi marwalba kantaroola cida degaanka wasaqaynaysa ama dhib ugeysanaysa.
No comments:
Post a Comment