Saddexdan ruux ee somali-mareykanka ah ayaa lagu kala sheegay:
Sawirro: Imisa dhalinyaro ayey Dowlada Mareykanka ku weysay Qaraxii Zoobe (Magacyo)
PUNTLAND (dangorayo.blogspot.com)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa sii kordhaaya khasaaraha ka dhashay Qaraxii cuslaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Khasaaraha Qaraxa ayaa waxaa sii kordhiyay burburka ka dhashay Qaraxa ee ka dhacay Hoteel Safaari iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow.
Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku jiraan qurba joog dhowr ah oo qaarkood ilaa iyo hadda la la’ yahay, halka qaarna la helay hilbahooda.
Inta ilaa iyo iminka la ogyahay waxaa ku dhintay Qaraxa 7 ruux oo ka imaaday qurbaha oo saddex kamid ah ay heystaan dhalashada Mareykanka.
Saddexdan ruux ee somali-mareykanka ah ayaa lagu kala sheegay:
1-Abukar Dahie oo ku noolaa gobolka Virginia.
2-Ahmed Abdikarim Eyow oo isna ku noolaa gobolka Minnesota.
3-Mohamoud Elmi oo isna ku noolaa gobolka Ohio.
Marxuumada kala ah Abukar Dahie iyo Mohamoud Elmi ayaa waxa ay kamid ahaayen shaqaalaha dowlada, waxaana ay ka kala tirsanaayeen wasaaradaha ganacsiga iyo tan gar-gaarka ee dowlada.
Marxuumka Seddexaad oo lagu magcaaabo Ahmed Abdikarim Eyow ayaa magaalada Muqdisho u joogay fasax iyo inuu la damaashaado eheladiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku dadaaleysa xal u helida meydad dhowr ah oo ilaa iyo hadda ku maqan dhismooyinka.
W/Q< MOHAMED ABDULAHI HASSAN
DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Shirkii Kismaayo ee Maamul Goboleedyada oo qarka u saaran in la hakiyo iyo Itoobiya oo Axmed Madoobe u sheegtay…
Kismaayo (dangorayo.blogspot.com)
Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubblanad ayaa sheegayo in laga yaabo inuu hakad ku yimaado Shirkii la filayey inay Maamul Goboleedyada halkaas ku yeeshaan.
Sida xogta rasmiga ah ay ku heshay Caasimadda Online Wasiirka amniga dowlad-gobolleedka Jubbaland,Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo Generaalka hoggaaminayo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gedo Korneel Ababu ayaa xalay soo gaaray Magaalada Kismaayo si ay Axmed Madoobe xoog ugu saaraan inuu joojiyo Shirkaas.
Generaalka iyo Wasiirka Amniga ayaa Axmed Madoobe u sheegay inuu si deg deg ah uga laabto go’aanka uu kaga dhawaaqay Kismaayo ee ah inuu madaxda Maamul Goboleedyada kulan u qabto.
Waxaa loo sheegay Axmed Madoobe inay waligood shiri jireen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in kulan kasta oo la qabanayo ay dowladda Soomaaliya wax ka ogtahay.
Xaaladda Siyaasadda Maamulka Axmed Madoobe ayaa meel xun mareyso waxaana laga yaabaa inuu Axmed Madoobe saacadaha soo socdo ku dhawaaqo in gebi ahaanba la joojiyey shirkaas, sidoo kalana waxaa la kala diri doonaa guddigaas shirka loo saaray.
Generaalka ugu sarreeyo ciidamada Itoobiya ee Gedo General Ababu ayaa Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe ku amray inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo dowladda Soomaaliya, waxayna xogta hoose sheegeysaa inay xaaladda meel xun mareyso.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah iyo weliba go’aamada soo baxo:
w/q mohamed abdulahi hassan
Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay xaaladdii ugu dambeysay xiisadda GALMUDUG
Cadaado (DANGORAYO.BLOGSPOT.COM) – Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in Cadaado ay ka raraan malleeshiyaad aan ka amar qaadan Galmudug.
Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Cadaado u tagay waanwaanta khilaafka madaxda u sarreysa Galmudug ayaa sheegay in ammaanka magaalada Cadaado uu wanaagsan yahay.
Waxa uu sheegay in qalqal magaalada laga dareemay intii ay malleeshiyaadkaasi joogeen kuwaas oo loo kala raray Labo barood oo ku wada yaalla gobolka Galgaduud.
Cabdi Qeybdiid ayaa ku nuuxnuuxsaday in Galmudug ay u baahan tahay nabad iyo dib u heshiisiin oo aynaan xilligani muhiim ahayn khilaaf iyo wixii lamid ah.
Sidoo kale, Qeybdiid ayaa rajo ka muujiyey in la xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya madaxda Galmudug.
Eithiopia saami maku yeelanaysaa dakhliga dekedda Boosaaso? (Dhageyso Gaas oo ka jawaabay)
Boosaaso
(DANGORAYO.BLOGSPOT.COM) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar
kale laga waraystay mashruuca dekedda Bosaso iyo lacagta shilling Somaliga,
ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xariira arrimahaas.
Isagoo
la hadlayay Laanta Afka Somaliga ee VOA-da, Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in
dekeddan faa’iido weyn u leedahay shacabka Puntland iyo guud ahaan Somaliya,
sidaas daraadeed si loogu sii shaqaysto sanado badan ay u baahantahay
ballaarin, maadama sida uu sheegay ay qarka u saarantahay inay xiranto sababo
la xariira ciid buuxisay goobihi ay kusoo xiran jireen Maraakiibtu.
Madaxweyne
Gaas oo sidoo kale wax laga weydiiyay sababta keentay in ciidamo dheeraad ah la
keeno magaalada Bosaso, ayaa yiri, “Ciidamada anaa u yeeray waxaana ugu yeernay
inay magaalada ka ilaaliyaan Amni darrada iyo dhibaatada kooxda Al Shabaab,
laakiin shaqo kuma laha arrimaha hadda socda.”
Mar
Cabdiwali Gaas wax laga weydiiyay in Dhaqaalaha kasoo xaroonaya dekedda Bosaso
wax ku yeelan doonto dowladda Ethiopia ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn
heshiiskana aysan meelna kasoo galin ee ay tahay buunbuunin iyo been abuur la
samaynayo.
“Been
weeye waxba kama jiraan Itoobiyana waxba kuma yeelan doonto, heshiiskan waa
heshiin Barlamanka la mariyay gole Xukuumadeed soo maray in badana oo dadka ka
mid ahna ay hayaan, marka adeer warkaas waxba ka jiraan, meel aan Itoobiya
kuwada galnay heshiis u ogolaanay inay dakhligaas wax ku yeelato majirto.” Ayuu
yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ku daray in mashruucan uusan saamayn
ku yeelan doonin ganacsatada iyo shaqaalaha hoose oo wal-wal ka qaba in
canshuurta lagu siyaadiyo, halka shaqaalaha ay ka cabsi qabaan inay meesha ka
baxaan.
Dhismayaasha
dekedda ka agdhow oo la filyay in la burburiyo ayuu Madaxweynuhu ka hadlay,
wuxuuna sheegay in arrintaasi dowladdu amrin, hadana ay tahay qorshe loo
baajiyay inay caqabad ku noqoto bulshada halkii laga sugayay inay hormar
keento.
Gaas
ayaa sidoo kale ka hadlay lacagta shilling Somaliga iyo dhibaatada laga
dhaxlay, wuxuuna mas’uuliyadda howshaas dusha uga tuuray kooxda Al Shabaab.
Waa
waraysigii labaad ee Madaxweyne Gaas bixiyo tan iyo todobaadkii hore, wuxuuna
kusoo aaday xillii mashruucan Ballaarinta Dekedda Bosaso dhawaan bilaaban doono
GABAY QIIMO BADAN OO KAHADLAYA DHIBATADA DADKA SOMALIA HAYSATA
cimrigey intan jiray,
aqligey ma an gelin,
muslim baa cadowgayah,
gaal baa ku caawino,
cagahaga ku dhiqi,
Caadilkii na uuma,
runta no cadeeye,
maxaa lo cabsanaysa
Cadceed so baxaysiyo
iftiinkeena nuurka leh,
maxaa loo cidleeya?
oromadiyo xabashi,
iyo amxaaran uufka leh,
maxay noo daneysa?
In ay dalkeenii nabad ku hantaano,
inaguna dabayshiyo dibada wareegna,
ma wax loo dulqaada?????????
AKHRISO:- Guusha Dawlada Qadar Iyo Guuldarada Isbahaysiga Boqortooyada Sucuudiga.
Dhamaadka Bishan Jun iyo Ramadan waxaa dhacay labadii go’aan ee ugu saameynta iyo hadal heynta badneed Qarnigaan Gacanka Khalijka, Gobalka Bariga dhexe, Dunida Islaamka iyo Caalamka intiisa kale waana; go’doomintii Qadar iyo magacaabidii dhaxal-sugaha Sacuudiga.
Hadaba waxaan qormadan ku eegeynaa: guulaha Qadar iyo khasaaraha Sacuudiga;
A. Guulaha Qadar ay ka gaartay dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Awooda Ciidan;
1. Golihii Iskaashiga Khalijka oo u qeybsamay 3 iyo 3. Jaamacadii Carabta oo u qeybsantay 12 taageyrtay Qadar iyo 10 taageertay Sacuudi oo u badan Dawlado yaryar ama faqiir ah. Dawladaha Islaamka oo intooda badan Qadar taageeray ama ka aamusay, gaar ahaan kuwa ugu awooda badan sida; Turkey, Iiraan, Indunusiya, Maleziya iwm.
2. 5 ta golaha ammanka oo 3 ka mid ah taageertay Qadar sida; Ruushka, Shiinaha iyo Faransiska + Jarmalka iyo laba uu Sacuudigu isku haleynayey oo noqday dhexdhexaad sida; Mareykanka iyo Ingriiska.
3. Ururada Caalamiga ama Gobaleedka oo dhexdhexaad ka noqday xal Diblumaasi na ku dhawaaqay sida; Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iwm.
4. Dhinaca cunaqabateynta dhaqaalaha oo ay heshay Qalabka iyo Cuntadii ay ka heli jirtay Sacuudiga iyo Imaaraatka bedelkooda Turkey, Iiraan iyo Cuman.
5. Dhinaca Awooda Ciidan iyo Difaaca, waxey ku guuleysatay in Saldhigii Ciidan ee Mareykanka ay ku darsato Saldhig cusub ee Turkey iyo in Mareykan lagu baqdin geliyo! Hadii uu ka baxo Qadar in ay soo galayaan Ruushka iyo Iiraan oo Khalijka lala qeybsan-doono, taa ayuuna ka baqay markii ay Sacuudiga iyo Imaaraatku ka codsadeyn in uu Qadar ka soo guuro.
6. Arimihii lagu eedeeyey Qadar oo been noqday iyo Shuruudihii lagu xiray oo lala yaabay, liona arkay in datafka kale uusan rabin heshiis iyo nabad gobalka.
B. Khasaaraha Siyaaasadeed, Dhaqaale iyo Awood Ciidan ee Dawlada Sacuudiga kasoo gaaray go’doomintii walaalkeed Qadar.
1. Hay’badii, Sumcadii, Hogaamintii iyo Magacii Sacuudiga ee dunida iyo deriska oo dhaawac soo gaaray.
2. Shacabka Khalijka oo kala irdhoobay.
3. Dawlado badan oo raacsanaa Sacuudi ama ixtiraami jiray oo diiday go’aanadeeda kuna cibra qaatay sida ay ula dhaqantay walaalkeed, kadibna ku waysay saaxiibo muhiim u ahaa marxaladaan sida; Turkey… iwm.
5. Ururadii iyo Isbahaysiyadii uu hormuudka ka ahaa oo burburay ama dhaawacmay sida; Golihii Khalijka, Jaamacadii Carabta, Ururkii Iskaashiga Islamka, Isbahaysigii Ciidamada Islaamka, Xulafadii Dagaalka Yemen iwm.
5. Hogaamintii Xulafadii Dawladaha Sunniga ah ee la dagaalanka Shiicada.
6. Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Iiraan oo ay ku soo gasho Khalijka iyo arimaha Dawladaha Sunniga ah.
7. Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Israa’il kadib markii ay ka heshay Sacuudiga Sharciyad ay mar kale ku baabi’ karto Gazza iyo Xamaas, kuna xalaashiisa karto Caasimada Qudus, kuna hagaaji karto xiriirkeeda Sacuudiga. Kadib markii lagu xukumay Xamaas Argagaxiso.
8. Waxey Fursad siisay Quwadaha waaweyn in ay ku loo lamaan, xoogna ku fara geliyaan Khalijka kuna dhex Dagaalamaanka sidii Suuriya iyo Falastiin.
9. Waxaa khatar galay arimaha Siyaasada iyo ammanka Sacuudiga iyo Gobalka ka dib go’aanka go’doominta iyo magacaabida bin Salmaan iyo dagaaladii Yemen iyo Suuriya.
Hadaba maxaa la gudboon Dawlada Somaliya iyo xiriirkeeda Khaliijka iyo Turkey iyo Iiraan, sidee dhibkooda loo yareyn karaa? Loigana Faa’iisan karaa dhaqaalahooda iyo awoodooda Siyaasadeed?
SUCUUDIGA OO MUWAADINIINTA QADAR KA MAMNUUCAY GUDASHADA XAJKA
Sida uu qoray Wargeyska Al-Sharq oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Dowlada Sucuudiga ayaa sheegaya in muwaadiniinta Qadar laga mamnuucay gudashada waajibaadka Xajka.
Warkeyska ayaa ku waramaya in muwaadiniinta Qadar guud ahaanba laga mamnuucay in ay soo galaan dhulka barakeeysan ee sucuudiga.
Arintaan waxaa cambaareeyay guddiga arimaha xuquuda aadanaha ee Qadar oo ku sheegay in talaabadani ay tahay mid aad looga xumaado.
Dagaal siyaasadeed ayaa u dhaxeeya qaar kamid ah dowladaha gacanka carabta oo la kala saftay sucuudiga iyo Dowlada Qadar.
Dhowaan ayaa 5 wadan oo gacanka carbeed ah oo sucuudiga ugu horeeyo ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen dowlada Qadar kuwaasi oo ku eedeeynaya in ay xiriir la leedahay kooxaha ay ugu yeereen Argagixisada. Al-Shabaab oo qori Iyo kitaab guddoon siisay Imaamka ay beellaha mudullood u duubeen
Uururka Al-Shabaab ayaa Imaanka ay beelaha Mudullood u duubeen waxay guddoon siiyeen qori AK-47 ah iyo Kitaabka Qur’aanka kariimka, iyadoo loo dhigay xaflad si weyn loo soo agaasimay.
Go'aanka xayiraada Sacuudiga ee Qatar oo saameyn ku yeeshay xoolaleyda oo geelloodii haraad iyo gaajo u dhamaaday
Wargeyska Daily Mail ayaa soo daabacay in Geella Qatar u badanaa la daajin jiray beero ay Sacuudigu leeyihiin oo ku yaal xuduudda labada dal, dhanka Sacuudiga. Laakiin isla markii uu xiriirku labada dal xumaaday ayaa dhammaan geelii Qadar ee daaqi jiray beeraha Sacuudiga xeryaha oodda looga qaaday, laguna sii daayey saxaraha Qadar.Dadkii geela lahaa waxaa la siiyey hal saac in ay xoolahooda ku soo doontaan.
Boqolaal geella ah oo Qatariyiintu leeyihiin ayaa harraad iyo gaajo u dhintay markii Sacuudigu ay baadkii iyo biyihii ka goosteen isla markaana eryeen geellii daaqi jiray beeraha dhulka Sacuudiga.
Waxaa la qiyaasayaa in Sacuudigu uu oodda ka qaaday geel Qadar leedahay oo kor u dhaafay 15,000 halood iyo 10,000 ido ah. Geela 9,000 (sagaal kun) oo kamid waxaa oodda looga qaaday wax ka yar 36 saac xiriirjar kabacdi.Geellaha magaciisu ku sheegay Xuseen Al-Maari ayaa yiri, “waxaan ka soo laabtay Sacuudiga mise tiro geela oo 100 kor u dhaafaysa oo geelaygii ahi waa dhinteen, boqolaal kale meel aan ku sheego ma aqaan, sidoo kale boqolaal ido ah gacan kuma jiraan.”
Warar laga helay dadka maraya jidka u dhexeeya labada dal waxay sheegeen in ay indhahoodu ku arkeen qaalmo yaryar oo boqolaal kor u dhaafay oo ku bakhtiyey dhinacyada laamiga.Wararka qaar ayaa iyana leh geel ka badan 150,000 neef ay weli ku jira xeryaha iyo beeraha Sacuudiga, lamana yaqaan xukunka Sacuudigu uu kuwaasna ku ridi doono.
Dawladda Sacuudiga ayaa Dawladda Soomaaliya ku haysa cadaadis ah in ay ku dayato oo soo raacdo xulafada Sacuudiga, xiriirkana u jarto Qada.Madaxweyne Farmaajo ayaan aqbalin codsiga Sacuudiga, muujiyeyna in aysan Soomaaliya qayb ka noqon doonin isqabqabsiga Carabta.
MA DOONEYSAA FIKRADO CUSUB OO SHAQA ABUUR AH (SMALL INVESTMENTS ) DANGORAYO.BLOGSPOT.COM
Hadaad ka daashay shaqa la’aan inaad la fadhiisatid gurigaada, wadooyinkana aad la taagnaatid waxaan kugula talinaaya inaad waqtiga iska lumin, waqtigu waa qaali intaad dhalinyaro tahay ka faa,iidayso .
Akhristow halkaan waxaan kuugu soo bandhigaaya fursad aad ku abuuran kartid shaqo gooni kuu ah oo aad ka faa,iidid waxbadan oo lacag ah. Marka hore inta aanan kusiin fikradaha cusub oo aad ku shaqaysan kartid. Waxaa loo baahanyahay inaad is waydiisid su’aalahan soo socda:
1-waa maxay ujeedka aan u dhisaayo mashruucayga?
2- waa maxay shaqooyinka aan qabsan karo oo aan awooda uleeyahay ?
3- waa maxay mashaariicda ugu waaweyn oo maalgalin badan u baahan?
4- waa maxay mashaariicda ugu fiican oo maalgalinteeda yartahay ama aan awoodo?
5- waa maxay mashruuca ugu faaiidada badan oo aan labo jibaar maalgashigeygi hore aan kasoo celinkaro?
Hadaba waa kuwaan fikradaha cusub oo aaad ka shaqaysankartid kuna faa,iidi kartid :
1- Mashruuca iibinta qalabka aaladaha casriga ah (electronics) sida : radiyaha dhalooyinka tiifiiyada, telefonada iwm .
2- Mashruuca furista xarun lagu hagaajiyo taleefanada laguna gado agabka lagu qurxiyo moobeelada .
3- Mashruuca aruurinta shimbiraha iyo kaluunka yaryar ee xafiisyada lagu qurxisto .
4- Mashruuca furista xafiis kiraalayaal ah (dilaal) sida ( guryaha, dhulalka, beeraha, gaadiidka iwm)
5- Mashruuca furista xafiis loogu talagalay adeegyada guud ee wax loogu qabto dadwaynaha .
6- Mashruuca iibinta iyo hagaajinta kombiyuutarada iyo daabicida warqadaha ( printing services).
7- Mashruuca hagaajinta qalabyada wax lagu qaboojiyo ee guryaha loo isticmaalo sida (qaboojiyaha iyo talaagadaha ).
8- Mashruuca ilaalinta iyo qurxinta beeraha nasashada lagu qaato.
9- Mashruuca iibinta qalabyada lasoo isticmaalay ee suuqa la keeno ( xaraashka).
Akhristow halkaan waxaan kuugu soo bandhigaaya fursad aad ku abuuran kartid shaqo gooni kuu ah oo aad ka faa,iidid waxbadan oo lacag ah. Marka hore inta aanan kusiin fikradaha cusub oo aad ku shaqaysan kartid. Waxaa loo baahanyahay inaad is waydiisid su’aalahan soo socda:
1-waa maxay ujeedka aan u dhisaayo mashruucayga?
2- waa maxay shaqooyinka aan qabsan karo oo aan awooda uleeyahay ?
3- waa maxay mashaariicda ugu waaweyn oo maalgalin badan u baahan?
4- waa maxay mashaariicda ugu fiican oo maalgalinteeda yartahay ama aan awoodo?
5- waa maxay mashruuca ugu faaiidada badan oo aan labo jibaar maalgashigeygi hore aan kasoo celinkaro?
Hadaba waa kuwaan fikradaha cusub oo aaad ka shaqaysankartid kuna faa,iidi kartid :
1- Mashruuca iibinta qalabka aaladaha casriga ah (electronics) sida : radiyaha dhalooyinka tiifiiyada, telefonada iwm .
2- Mashruuca furista xarun lagu hagaajiyo taleefanada laguna gado agabka lagu qurxiyo moobeelada .
3- Mashruuca aruurinta shimbiraha iyo kaluunka yaryar ee xafiisyada lagu qurxisto .
4- Mashruuca furista xafiis kiraalayaal ah (dilaal) sida ( guryaha, dhulalka, beeraha, gaadiidka iwm)
5- Mashruuca furista xafiis loogu talagalay adeegyada guud ee wax loogu qabto dadwaynaha .
6- Mashruuca iibinta iyo hagaajinta kombiyuutarada iyo daabicida warqadaha ( printing services).
7- Mashruuca hagaajinta qalabyada wax lagu qaboojiyo ee guryaha loo isticmaalo sida (qaboojiyaha iyo talaagadaha ).
8- Mashruuca ilaalinta iyo qurxinta beeraha nasashada lagu qaato.
9- Mashruuca iibinta qalabyada lasoo isticmaalay ee suuqa la keeno ( xaraashka).
10- Mashruuca aruurinta (kaydinta ) digaagadaha iyo bacraminta ukumahooda .
11- Mashruuca qalista hilibka digaagadaha iyo iibintooda .
12- Mashruuca furista xarun baabuurta lagu dhaqo .
13- Mashruuca furista maqaayada laga cunteeyo oo wadooyinka waaweyn ee magaalada kabaxsan kuyaala .
Dhamaan mashruucyadaan aan kor kusoo xusay waa kuwo lagu shaqeysan karo oo faaiidoyin badan uleh bulshada oo aysan kamaarmin.
11- Mashruuca qalista hilibka digaagadaha iyo iibintooda .
12- Mashruuca furista xarun baabuurta lagu dhaqo .
13- Mashruuca furista maqaayada laga cunteeyo oo wadooyinka waaweyn ee magaalada kabaxsan kuyaala .
Dhamaan mashruucyadaan aan kor kusoo xusay waa kuwo lagu shaqeysan karo oo faaiidoyin badan uleh bulshada oo aysan kamaarmin.
Aqristoow mashruuc kasta ma ahan inaad isku daydid ee waa inaad qiimaysa mashruuca kugu aadan oo aad awood u leedahay ,waxaa dhici karta inay fikrado intaas kabadan aad ka dhex heshid qoraalkan, laakiin waxaa lagaga baahanyahay mashruuc kasta intaadan bilaabin inaad daraaso kusameysid oo aad qiimaysid, la talina aad ka heshid dadka uleh aqoonta abuurista mashaariicda.
W/Q MOHAMED ABDULAHI HASSAN (CAYNAD)
EMAIL. CAYNAD72@GMAIL.COM
TELL. 00252907724523
KOBCI GARAADKAAGA: Xikmado Cajiib Ah
Dhakhtar ayaa mar yiri, “Daawada ugu wanaagsan dadka waa Jaceyl.” Qof ayaa weydiiyay, “Ka waran haddii uusan shaqeyn?”
Wuu dhoolacadeeyay wuxuuna ku yiri, “Badso dose-ka, isticmaalka daawada”
2. Will ayaa Hooyadii weydiiyay: “Sidee baan u heli doonaa haweenayda Saxda ii ah?
Hooyadii ayaa ugu jawaabtay. “Ha ka welwelin helida haweenay sax ah, xooga saar sidi aad u noqon lahayd Ninki Saxda ahaa”
Hooyadii ayaa ugu jawaabtay. “Ha ka welwelin helida haweenay sax ah, xooga saar sidi aad u noqon lahayd Ninki Saxda ahaa”
3. Nin ayaa Farmashi soo galay wuxuu ka cabanayay stress badan, welwel, xanaaq, hurdo la’aan & cabsi. Farmashiistihi ayaa ku yiri, “Waxaa u baahan tahay Vitamin Diin si waxan ku haya kaaga ba’aan. Marka Alle ku xirnow, Salaada iyo ducada badi”
4. Gabar ayaa weydiisay Nin Sheekh ah, “Sidee baan ku ogaan karaa in uu si dhab ah ii jecel yahay?” Sheekhi ayaa ugu jawaabay, “Naftaada keliya ha eegin, hubi marka hore in Allihi ku abuuray uu jecelyahay. Sidee buu qof kuu jeclaan karaa ama kuu siin karaa Jaceyl dhab ah, goortii aysan xitaa jeclayn Allihi adiga ku abuuray?
5. Nin dhalinyaro ah ayaa nin Caaqil ah ku yiri, “Sidee baan Aduunka is bedel ugu sameyn karaa?” Caaqilki ayaa ugu jawaabay, “Haddii aad rabto in aad is bedel ku sameyso Aduunka, samee inta aad keliga tahay. Sababtoo ah guurka ka dib xitaa ma bedeli kartid TV channel.
6. Wiil Dhalinyaro ah ayaa su’aalay oday weyn, “Waa maxay Romance” Caaqilki ayaa ugu jawaabay, “Romance waa in aad reer yeelato, mas’uuliyad weyn isa saarto, ka dibna Reerkaaga aad u shaqeysato
W/Q CAYNAD ABDULAHI HASSAN
EMAIL ; caynad72@gmail.com
tell ; 0907724523
5 Siyaabood Oo Aad U Kodhin Karto Awooda Iyo Fahamka Maskaxdaada
1 Jimicso: Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jimicsigu hagaajiyo caafimaadka maskaxda isla markaana uu wanaajiyo xasuusta qofka iyo fahamka.
SADDEX IYO TOBAN CAADO OO SI DARAN U BURBURIYA MASKAXDA AADAMAHA, KA DIGTOONOOW: RIIX hALKAAN
2 Cunto Fiican Cun: dhakhaatiirta mastaxda ayaa isku raacay cunista khudaarta iyo qamadiga inay u fiicanyihiin caafimaadka guud ee maskaxda, sidoo kale waxay intaa ku dareen in cunista kalluunka, lowska nuuca layiraahdo Walnuts ama cunnooyinka kale ee laga helo maadada loo yaqaan omega-3 fatty acids ay u wanaagsanyihiin maskaxda.
3 Hurdo Fiican Seexo: Koox cilmibaadheyaal ah ayaa natiijo ay dhowaan soo saareen ku sheegay in habeenkii oo si fiican loo seexdaa door weyn ka ciyaarto qaybta xifdiga ee maskaxda oo si wanaagsan u shaqaysa iyo awood waxbarasho oo uu qofku yeesho maskax ahaan.
Daraasado hore oo laga sameeyey hurdada iyo samaynta ay ku leedahay maskaxda ayaa lagu sheegay in hurdadu maskaxda ka nadiifiso waxyaalaha sunta ah ,kana saarto, tanina waxay noqonaysaa mid kale oo kamid noqonaysa faa’idooyinka ay hurdadu u leedahay maskaxda….
10 Qodob Oo Kuu Sahlaya Inaad Heshid Habeen Kasta Hurdo Raaxo Leh: RIIX HALKAAN
4 Iska Dhin kadeedka (Stress-ka): kadeedka oo aad iska yarayso waxay hoos u dhigaysa khatarta inuu kugu dhaco xanuunka loo yaqaan dementia.
Lix arrimood oo aad ku dhimi kartid Kadeedka (stress): RIIX HALKAAN
5 Bulshada Ku Dhex Jir: tani waxay kaa caawinaysaa kicinta maskaxda iyo dhimidda kadeedka ama stress-ka sidoo kale waxay yaranaysa halista inay kugu dhacaan cuddurada maskaxda ku dhaca sida dementia iyo Alzheimer’s.
W/Q CAYNAD ABDULAHI HASSAN
EMAIL ; caynad72@gmail.com
tell ' 0907724523
Furaha Guusha Aduun & Akhiraba
Hadi aad Joogtayso so 8 Qodob waxad noqon kartaa Muslim Guulaystay Aduun iyo Akhiraba
Guushu Marba waxay ku timaada waxad Holoto ''desire'' ku tahay, Guusha Muslim kuna maaha oo keliya Aduunyada sidoo kale waa Aduun iyo Akhiraba.
Binu Adem ka qaarkoood wadada guuusha way baqaan cabsi guularada ka qabaan awgeed, lakiin hadii ad si dhaba u milicsato aduun iyo akhiraba hawli kama dhamaato wax walbana dhib iyo dheefba waa leeyihiin lakiiin inta lagu kala tegay waa 'isku day iyo adkaysi dhiiirasho leh'.
Waxay ku noolanahay duni ikhtiyaarkaaga ama 'Choice kaga' gacanta ku jirto sida ad u maamulatana uun kuugu soo baxayso. Sida la mid ah dad Islam waxay leeyihin nolol xadaysan sida sharci Islam wuxu inoo sheegay in Ilaahay wax inoo banayey ku samo falkooda dhankalana wax inaga reebay samayntooda tusaale ahaan Haram iyo Halal, iyadooo sida tahay aya hadana waxad gacanta kugu jirta qaab nololeed ka ad u maamulayso noloshaada qofnimo.
Dhan kale, waxa muhiim inaad kala saarto ama kala garato wax yaalaha guusha kuu horseedi kara iyo kuwa an horseedi karin kow, Quran akhriska malinkata inta ad awooowdo sababtoo ah akhriska Quran Allah waxad helaysa rahmad naxariis iyo deganansho
2 , Salada oo ad xiligeeda tukado, fiiro gaara Islamic law waxay u kala baxda afar, Salaad 'worship', Muamalat, 'realationship between man to men', Qisas ka dadka 'criminal laws' iyo family marriage' Allah s.w.a wuxu u horayseey salada waxa weeye Allah aya yidhi binu adem umaan abuurin inay i caabudaan moooyaane markaa guul raadiyaw salaada cidinga ku hay goor kasta iyo xili kasta.
3, Sunnah Nebigeena Muhammad s.a.w oo ad joogtaysay
4, Adkaarta oo ad akhriskeeda joogtayso Subaxii iyo galabtii, oo akhriso waayo waxay ku sahli karta guusha inad gaadho muraad ad nolosha ka leedahayna Allah kuu qumiyo & denbi dhaaf.
5, Nafta oo ad ku ilaaliso, akhris bookta, barashada taarikhda aduun soo maray iyo weliba jimicsiga sida orod,cuntada fudud intuba waxay ku safaynayaa machine keliya ee ad ku nooshahay oo ah qalbiga.
6, Xidhiidh Qoyskaaga, waxay kaa saacida inaad noqoto qof moral ahaan dhisan waqtiga la qaadashada ayaa u guul ah caruur iyo ciroolaba.
7, Sadaqada oo ad la baxdo iyaduna miiisaan ka xasanad ayay kordhisaa
8, Allah oo ad denbi dhaaf ka dalabto mar walba, waayo binu adem ayaynu nahay waa danbaabi karnaa si tooosa iyo si an tooosayn ahayn marka mar walba ku xidhnaw Allah si uu isna kuu xasuuusnaado.
Gunti iyo gunaadkii samaynta ama ku camal falka qodobadan an sare kusoo xusay waxay kuu fududaynaysaa wadaada guuusha Aduun iyo Akhiaraba. Allah ha inagu sugo wadada sugan.
W/Q caynad abdulahi hassan
email ; caynad72@gmail.com
tell ;0907724523
10 Qodob Oo Aad Uga Adkaan Kartid Naftaada, Ka adkaanshiyaha Naftu Waa Furaha Guusha
waxa laga yaabaa in mashaakilka iyo dhibaatooyinka haysta qofka ay ka bilaabanto naftiisa intaanay cid kale is arag, kadibna ay u gudubto dadka ku hareeraysan, taasina waxay markaste ka timaadaa in uu qofku awood u yeelan waayo sidii uu naftiisa uga adkaan lahaa.
Dadka badiyaaba nafahooga ka adag ayaa waxay kaligood awood u leeyihiin inay si dagan ula dhaqmaan dhibaatooyinkooda, qofkaste oo awood u yeesha inuu naftiisa xakameeyona waa qof is ku filan, waxa uu leeyahay iimaan adag iyo kalsooni uu iska qabo oo u sahlaysa guul kaste oo uu ku hammiyo.
Hadaba daryeelmagazine.com waxay idiin soo gudbinaysaa 10 arimood oo kuu fududaynaya sidii aad uga adkaan lahayd naftaada.
1. Naftaada ku khasab inaad akhridid muddo cayiman maalin kaste, tusaale ahaan aynu nidhaahno waxaad ka bilawdaa inaad 30 daqiiqo akhridid, halkan ayaad ka bilaabi kartaa inaad naftaada ku khasabtid wax akhris duruuf kastaaba ha kugu hareeraysnaatee.
2. Naftaada ku khasab inaad tukatid 5-ta salaadood ee maalinkaste, si kastoo ay duruuftu ahaataba xataa markaad caajis dareemayso waa inaad tukataa, waxa ku jira arinkan laba faadio, inaad ajar ka heshid markaad gudatid waajibka Allah ku faray, iyo inaad naftaada edeb ugu samaysid salaada.
3. Seexo saacad xadidan maalin maalmaha kamid ah oo cayiman, tusaale ahaan aynu nidhaahno waxaad seexataa maalin kaste oo salaasa ah 9 habeenimo, waxaana waajib kugu ah inaad marka aad xadid maalinta iyo saacada aanaad ka bixin ballankaa aad naftaada la gashay.
4. Naftaada ku khasab nooc kamid ah cuntada maalim cayiman, tusaale ahaan ha cunin khudaar maalinta arbacada, si kaste oo aad u heli kartid khudaartaas.
5. Soco muddo 10 daqiiqo ah maalinksate, mudadu ma dheera laakin naftaada ku khasab inaad socotid muddadaas maalin kaste si kaste oo waqtigu kuugu yaraado.
6. Kasoo bax gurigaaga adigoon mobile-kaaga sidan masaafo cayiman, halkan ayaa aad naftaada kula galaysaa dagaal, iyada oo aad ka warwaraysid mobile-kaaga iyo yaa kusoo wici doona gaar ahaan hadaad tahay dadka shaqada badan, balse hadii aad muddo sidaas ku wado waxaad arki doontaa adiga oo naftaada kasoo adkaanaya, wiigiiba mar tijaabi arinkan kadibna natiijada fiiri.
7. daawo barnaamij caajis ah (boring) muddo 10 daqiiqo ah.
8. Samee shaqo aad hore uga qaban jirin guriga, sida inaad samayso jimicsi, amaba aad nadiifisid gurigaaga si kate oo shaqaale hawshan loo xil saaray uu u jiro.
9. Isku day inaad qortid waxaad la kulantid maalin kaste, samee sidan muddo bil ah adigoo ku qoraya buug u gaar ah.
10. Diid wax aad jeceshahay inaad qabatid todobaad kaste maalin kamid ah, tusaale ahaan haad taha dadka jecel inay Cemina-ha tagaan wiig kaste jooji todobaad kamid ah todobaaddada inaad tagtid sinimooga, hadii aad todobaadka ku xiga aragtid xalwad aad jeceshahay naftaada u diid inaad iibsatid.
W/Q CAYNAD ABDULAHI HASSAN
email ; caynad72@gmail.com
tell ; 00252907724523