• This is default featured slide 1 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 2 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 3 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 4 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

  • This is default featured slide 5 title

    Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.This theme is Bloggerized by NewBloggerThemes.com.

Ha ku fikirin arimo khayaali ah , si aanad isugu furin webiyada murugada.



Cilmi iyo aqoon yar oo akhlaaq hagayso ayaa ka wanaagsan kan badan ee edebta iyo dhaqanka xun.

Baahida dhabta ah ee dadku way yar tahay , laakiin waxa haya xanuun maskaxda ah oo sheegaya in baahidiisu aanay dhamaanayn.

Muftaaxa guuldaradu waa hawsha oo aad dib u dhigato.

Haddii khasaare kugu dhaco ha quusan, isku day inaad guul u bedesho.

Ha ku fikirin arimo khayaali ah , si aanad isugu furin webiyada murugada.Salaadda Ogow waa albaabka farxadda laga galee.


Iska ilaali inaad dhibaatada xajimigeeda ka weynayso, oo aad xal u weydo.
Share:

Shakhsiyadda Aadamuhu Waxa Ay U Qaybsantaa 4 Nooc, Waxaana Ugu Tiro Badan Noocaan Aay Soomaalida Ku Badan Tahay..



Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dabeecad ahaan aadamuhu u qaybsamaan afar nooc, nooca ugu badanina uu yahay dadka shakhsiyaddooda xaasidnimadu ku badan tahay.Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo ay sameeyeen koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan jaamacadaha, Charles III ee magaalada Madrid, Rovira I Virgili ee magaalada Barcelona iyo Zaragoz ee magaalada Zaragoza oo dhammaantood ah dalka Isbayn ayaa waxa ay tijaabo ka qaadeen 541 ruux oo dhammaan da’aha kala duwan ee dadka iyo dabaqadaha bulsho ee kala duwani ku jiraan, dadkan oo dhammaantood la hor dhigay, liiska mushkilado bulsho lagana codsaday in uu mid kastaa qoro warbixin ka hadlaysa waxa uu xaaladdaas oo kale ka yeeli lahaa. Warbixintii uu qof kastaa ka qoray ayaana loo eega qaabka uu u raacay xalka oo u qaybsan mid uu ka eegay uun dantiisa shakhsiga ah, danta guud, iskaashi dadka uu la sameeyey, kelidii oo uu xal raadiyey, iyo dadka oo uu loollan la galay.Sida lagu faafiyey talefishanka City Tv ee dalka Kanada laga leeyahay, cilmibaadhayaashu iyaga oo tixraacaya hal-beegyadaas ay jawaabaha u dhigeen, adeegsanayana barnaamij Kombiyuutar oo jawaabaha lafa-guraya, waxa aana soo baxday in boqolkiiba 90 dadku yihiin afar nooc uun midkood:Xaasid, oo weliba ah kan ugu tirada badan ee dadku boqolkiiba 30 yihiin, qof dhanka wanaagsan wax ka eega (Niyadsame) oo boqolkiiba 20 ah, dadka dhinac xun iyo baasaysigu ku badan yahayoo boqolkiiba 20 ah iyo dadka kalsoonida xad dhaafka ah naftooda ku qaba oo iyaguna boqolkiiba 20 ah, halka tobanka soo hadhayna yihiin dad nooca kale noqon kara ama aan si sax ah kombiyuutarku u fahmin jawaabaha ay bixiyeen.
Share:

daawohalka-ay-marayso-dhismaha-wada-eyl-iyo-dangorayo

Daawo:Halka ay Marayso Dhismaha wada Eyl iyo Dangorayo.

dangorayo.blogspot.com{DANGORAYO}-Gudoomiyaha gudiga dhismaha wadada isku xirta dongoroyoiyo Eyl aadan maxmed ciise gadaale ayaa sheegay in meel wanaagsan mareyso qiimeyn ay ku sameynayeen dhismaha Wadada dongoroyo eyl taasi oo ku kormeerayeen wadada iyo deeganada wadadaasi marto.
Gaadaale ayaa tilmamaey in bulshada ku dhaqan deegaanada ay booqdeen ay yihiin kuwa baahi weyn u qaba in ay helaan wado isku xirta degmada dongoroyo iyo eyl waxana uu shegay in qeybtooda ay balan qaadeen wixiii ay awoodaan ay ku taageerayaan dhismaha wadada.

Share:

Cilmi-baaris: Muuska iyo muhiimadda uu u leeyahay raga



(GNSA)Cilmi baaris dhawaan ay sameeyeen Aqoonyahanno ku xeel dheer Cunada iyo faa’idooyinkeeda ayaa waxay ku ogaadeen in Muuska uu ka koobanyahay walxo kobcinaya Caafimaadka Jireed iyo midka Maskaxeed ee Ragga, taas oo sidoo kalena kordhinaysa Awoodda Raganimo iyo Damaca Gogosha ee Ragga.

Milanka Xubnaha Cunada Dabiiciga ah ee ku jira Muuska ayeey Cilmi baaristu sheegtay inay kordhinayaan Caadifadda ama Rabitaanka Xiriirka Gogosha, iyadoo sidoo kalena xoojinaysa Jacaylka ay Lamaanuhu isku qabaan.

Waxaa xusid mudan in Cilmi baaristan lagu tijaabiyay illaa 148 Rag ah oo ku kala nool Jarmalka, iyo Faransiiska, waxaana ay howshu socotay 4 Bilood oo ay Raggaasu cunayeen 4 illaa 6 Moos Maalintiiba iyagoo ku cabaya hadba Cabitaanka ay jecelyihiin.

Share:

Casharka 1aad Cilmi Baarista(Research): Maxaa Lagu Qeexaa Cilmi Baaris?



Cilmi baaris waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta sare gaar ahaan jaamacadaha. Sida ka muuqato eragya, waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS.
Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada raacsan yahay oo ay leedahay cilmi baarsitu, waxaase jiro qeexisyo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel dheer cilmi baarista. Casharkan waxaan ku soo bandhigi donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.
Cilmi baaristu waa hab celimiyeeysan oo lagu baaro xogta uu leeyahay mawaduuc cayiman. Waxaa kaloo lagu qeexaa cilmibaaristu in ay tahay nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb ka mid ah cilmiga jiro.
Qabiirada qaar ayaa cilmi baarista ku shegay in tahay nidaam lagu ogaano wax aan la aqoonin, sidoo kale waxa ku shegaan cilmi baaristu in tahay safar lagu daahfuraayo aqoonta dahsoon. Sidoo kale waxaa cilmibaris lagu shegaa in ay tilaabo kasto oo lagu doonaayo in lagu ogaado wax aan la ogayn natiijadooda.
Marka loo eego Clifford Woody, cilmi barista waxaa uu ku sheegay in ay tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo xalka,  la sameeyo  xog aruurin ku saabsan dhibaatada, kadib xogta la falanqeeyo   ugu dabayntiina la isbar bardhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee soo baxday xog ururinta.
Dhinaca kale D. Slesinger and M. Stephenson waxay cilmi baaris ku shegeen in ay tahay nidaam lagu balarinayo, lagu saxayo,  ama lagu xaqiijinaayo cilmiga jiro. Ugu danbayntii, cilmi baaristu, waa tabaruca asalka ah ee aqoonta jirta iyo in la horumariyo cilmiga.
Cilmi barista waa in la raadiyo runta iyada  oo la baarayo habnidam cilmiyeed  ah sida tijaboyin, waraysiyo, isbar bardhig iwm. Cilmi barista waa hab xal loogu helaayo dhib jiro oo taagan .
Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista
Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in jawaab loogu helo su’ aalihi aan la aqoon  jawaabtooda iyo in la soo helo runta aan weli la ogaan  iyadoo lagu radinaayo hab  cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.
  • In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga ogaado (Exploratory Study)
  • In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof, koox ama arin (Describtive study)
  • In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo xiriir la leh arin kale (diagnostic study)
  • In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)
Share:

HOR DHAC: Borussia M.Gladbach Vs. Barcelona



(Munich) 28 sebt 2016.Barcelona waxa ay caawa booqan doontaa Borussia Monchengladbach kulanka labaad ee ay ciyaarayaan Group-kooda.
Barcelona ciyaartii hore waxa 7 gool ka soo dhalieen Celtic hayeshee, Lionel Messi la’aantiis ayaa caawa dheeli doonaan.
Wararka Barcelona
-Kaddib guushii cajiibka ahayd ee 5-0-ka uga badiyeen Sporting Gijon tiro ka mida da’yarta ayaa fursad kale heli doona.
-Laakiin waxaa lagu wadaa in ay soo laabtaan Mascherano, Alba, Rakitic iyo  Iniesta.
– Samuel Umtiti waa dhaawac waxa uuna ka maqnaan doona Lio Messi.
-Arda Turan ama Rafinha ayaa midkood duullaanka xoojin doona.

LA SOCO
-Barcelona waxa ay badisay 18 ka mida 22-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League.

SAFAFKA LA FILI KARO

Gegida: Borussia Park
Share:

RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii barbaraha ku idlaaday ee Champions League kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid

\
(Dortmund) 28 Sebt 2016 – Kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid ayaa xalay barbaro 2-2 ku kala baxay kulan ka tirsan Champions League, waxaana Borussia Dortmund labada gool u kala dhaliyey Aubameyang 43’daqiiqo iyo Schurrle 87’daqiiqo, halka kooxda Real Madrid ay labada gool u kala dhaliyeen Ronaldo 17’daqiiqo iyo Varane 68’daqiiqo.
Haddaba waxaan halkaan hoose idin ugu soo gudbinaynaa RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankan:-
>- Cristiano Ronaldo ayaa gool ka dhaliyey kooxda Borussia Dortmund waxaana uu goolkaasi yahay kiisii 18-aad oo uu 16 Champions League kaga dhaliyey kooxaha Jarmalka ka dhisan isagoo ka tirsan Real Madrid.
>- Tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedkii 2013-14-kii, Cristiano Ronaldo ayaa 45 gool ka dhaliyey Champions league waxaana uu 18 ka badan yahay ciyaaryahan waliba.
>- Sidoo kale goolkii xalay ee Cristiano Ronaldo waxa uu ahaa goolkiisii saddexaad oo isagoo marti u ah uu kaga dhaliyo Champions League kooxda Borussia Dortmund.
>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyey 7 gool lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray kooxdiisa Borussia Dortmund.
>- Raphaël Varane ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey Champions League 43 kulan oo uu saftay tartankan.
>- Goolhaye Keylor Navas ayaa sameeyey siddeed gool badbaadin kulankan ay ka horjeedeen Borussia Dortmund, waana in ka badan kulan waliba dhammaan kulamadii uu u ciyaaray tartammada oo dhan kooxdiisa Real Madrid.
>- Real Madrid ayaa hadda unbeaten ah oo aan laga adkaanin 23 kulan oo ay ciyaartay Champions League heerkiisa Guruubyada, 18 kulan guul ayey gaartay, halka 5 kulan ay barbaro gashay.
>-  Luka Modrić ayaa xalay ciyaaray kulankiisii 50-aad ee Champions League… (42 kulan oo waxa uu u dheelay Real Madrid, halka 8 kulan uu Champions League u ciyaaray kooxdiisii hore ee Tottenham).
Share:

Keylor Navas oo qirtay: Qalad ayaan sameeyay laakiin markale ma samayn doono”

كيلور نافاس: نعم، لقد أخطأت ولن أكررها!
(Madrid) 28 Sebt 2016 Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas ayaa qirtay in xalay uu sameeyay qalad kaas oo keenay in kooxda laga dhaliyo goolkii barbaraha.
Keylor Navas ayaa sheegay in qaladkaas uusan markale samayn doonin, wuxuuna ku dooday in kulankaan uu ahaa kiisii ugu horeeyay ee in mudo ah kadib uu u ciyaaro Real Madrid.
Kadib kulankii ku soo idlaaday 2-2, ayuu la hadlay saxaafada wuxuuna yiri:
“Waxaan sameeyay qalad wayn taasna waxay keentay goolkii barbaraha ee 1-1, waxaan ka shaqaynayaa in aanan markale samayn qaladkaas oo kale”.
“Waxaa haboon inaan iska hagaajino dhanka difaaca, waayo waxaa nalaga dhaliyay goolal badan kulamadii la soo dhaafay”.
Dhanka kale tababare Zidane ayaa wax caadi ah ka soo qaaday qaladkii uu sameeyay Keylor Navas kaas oo keenay in Aubameyang uu ka dhaliyo goolkii koowaad ee Borussia.
Share:

Xikmadda lambar 7 (todoba(






WAA MAXAY XIKMADA KU JIRTA TIRADA NUMBER (7)
Hadaba dunidan guudkeeda waxaa saaran oo aad ku arkeysa wax yaabo ku tusinaya waano iyo cibro qaadasho, waxaan ku eegeynaa qormadeena xikmadooyinka qaar oo laga helo tirooyinka xisaabta hadii aan soo qaadano xikmadooyinka ku jira number (7).



hadaba ma ogtahay akhristow in (suuratul faatixa) ay tahay (7) aayadood.
ma ogtahay in qur\’aanka lagu sheegay (7) sabuul.
ma ogtahay in qur\’aanka lagu sheegay (7) saccood.
ma ogtahay maalmaha isbuuca in ay yihiin (7) maalmood.
ma ogtahay in salaada marka la sujuudo la dhigo dhulka (7) xubnood.
ma ogtahay in salaada ciida la aqriyo takbiirta (7) jeer.
ma ogtahay xajka marka la dhawaafayo lagu wareego (7) jeer.
ma ogtahay in buurta safwa orod lagu maro (7) jeer.
ma ogtahay marka dhagax tuurasha ay tahay (7) jeer.
ma ogtahay in samooyinka ay yihiin (7) samo.
ma ogtahay in badaha ay yihiin (7) badood.
ma ogtahay in dhulku uu yahay (7) arlo.
ma ogtahay in qaaradaha dunida ay yihiin (7) qaaradood.
ma ogtahay akhristow dagaalkii qaydara uu dhacay sanadkii (7) aad ee hijriyada.
ma ogtahay in hadii ay ilmo kuu dhashaan maalinta (7) aad loo wan qalo.
ma ogtahay in ilmaha lagu amro salaada marka ay gaaraan (7) jir.
ma ogtahay in midabada qaanso roobaadka ay yihiin (7) midab.

Ma ogtahay akhristow in lamaaha is guursada ay (7) galaan.
ma ogtahay in qur\’aanka uu yahay (7) jalaad.
ma ogtahay in maalinta qiyaamaha hooska alle mooye uusan jirin hoos kale ay harsan doonan hooska alle (7) qofood.
ma ogtahay in albaabada naarta alle hanaga koriyee ay yihiin (7) albaab.
ma ogtahay akhristow in malikii masar uu ku riyooday (7) riyo.
ma ogtahay akhristow taabasha eyga la meyro (7) jeer.
ma ogtahay akhristow in caruurta nabi muxamad (NNKH) ay ahaayeen (7) caruur ah.
ma ogtahay akhristow in dayaxa uu sameeyo bishii (7) wareeg.

hadaba akhristow bal malee oo raadi tiro ka xikmad badan number (7) oo yeelan karta si fooyinka aan kor ku soo sheegnay taasoo ay gaar u yihiin tirada number (7) xikmadaasi waxay tahay una badan diini oo uu alle ku galadeystay number (7) hodana ku ah xikmadahaasi.


Share:

Eyl "Degmadii Rajada" [Warbixin+Sawirro]

Dangorayo.blogspot.com

Magaalada Eyl waxay kamid tahay 5-ta degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Nugal, waxay dhacdaa xeebta Badweynta Hindia iyadoo masaafo dhan 230KM dhinaca Koonfur Bari ka xigta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Waa degmo kulansatay, Bad, Barri, Beero iyo xoolo intaba, waxaana ku taalla goob istaraatiiji ah oo leh hawo aad u xiisa galisa noolayaasha gaar ahaan Insaanka.
Degmadan, waxay dhisantahay in kabadan Qarni iyadoo mar xarun u ahayd Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo uu ka maamuli jiray Daraawiishtii uu majaraha u hayay, waxaana wali ka muuqda raadadkii uu ka tagay.
Eyl, waxaa degmo ka kooban labo xaafadood oo isu jira fogaan dhan 5KM, mid kamid ah waxay dhacdaa xeebta halka tan kale soo xigto dhinaca barriga ayna ka dhisantahay daartii Sayidka oo loo yaqaan DAAWAD.
Warbixintan oo aan ugu magac darnay; Eyl "Degmadii Rajada", waxaan uga hadli doonaa magaaladan iyo farqiga samaysay in kabadan Qarni kadib, anagoo waraysiyo kala duwan kasoo qaadnay dadka deegaanka, kuwaasi oo nooga waramay waxay degmadani kaga duwantahay magaalooyinka kale ee guud saaran dhulka Uduga.
Safar qaatay muddo saddex bari ah, ayaa waxaa degmadaasi ku tagay wariyaal katirsan Radio Garowe iyo Garowe Online, kuwaas oo u kuurgalayay xaaladdda degmada, balse waxaa iyaguna kusoo biiray maalintii labaad ee Ciidda wafdi uu hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamanka Puntland, xildhibaano iyo wasiir ku-xigeenka deegaanka kuwaas oo dalxiis iyo tamashlayn u tagay meelaha taariikhiga ah ee degmadu leedahay.
TAARIIKHDA SARTA DAAWAD
Qofkasta oo degmada taga marka u horraysa wuxuu isha ku dhuftaa dhismo dheer oo uu sanceeyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Yemen sannadkii 1900 ilaa 1904-tii, waxaana lagu magacaabi Jiray Axmed Saalax Baajurayni, kaaso duriyaddiisii uu ka joogo wiilal uu awoowe u yahay oo kamid yahay Cabdulqaadir Saalim Axmed Salax Baajurayni (Dhaba-seexde).
Dhabaseexde, waxaan kula kulanay degmada Eyl annagoo wax ka weydiinay taariikhda Eyl iyo qaabka sarta Daawad oo u dhisay awoowgiis, waxaana sheekadii na dhexmartay u dhacday qaabkan.
Wariye GO: Kusoo dhawood Garowe Online, waxaad nooga warantaa taariikhda aad Cabdulqaadir ku leedahay degmada Eyl?
Dhaba-seexde: Aniga waxaan ka mid ah duriyaddii Baajurayni oo ahaa ninka dhisay sarta daawad sannadkii 1900 taasoo socotay muddo 4 sano ah. Waxaan dhashay 1964-tii anigoo ku dhashay degmadan, ku koray, wax ku bartay, ku ilmo dhalay, ilaa haddana ku nool oo ku ganacsada.
Wariye GO: Asal ahaan waxaad kasoo jeeda Yemen, degmadana Taariikh ayaad ku leedahay sidee ku timi?
Dhaba-seexde: Eyl waxaa yimi waqtigu markuu ahaa 1900 Awoowgay Axmed Salax Baaburayni iyo Aabahay Saalim Axmed Salax oo xilligaas ahaa wiil yar oo 9-sano jir ah, waxay ku socdeen dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mumbasa, qorshahoodu ma ahayn Somalia, balse waxaa ciladowday doontii ay wateen waayo waqtigaas waxaa  doonyuhu ahaayeen Shiraac, waxayna yimaadeen degmada Eyl oo u talin jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, wuxuuna markuu ka war-helay dadkan doonto ka xumaatey codsaday in loo keeno.
Sayidku wuxuu ahaa nin caqli badan, oo dhulka Carabta wax kusoo bartay, wuxuu mucaahado ama ballan la galay Awoowgay Baajurayni, isagoo ka codsaday inuu u dhiso sar cajiib ah markaasna isaga iyo wiilkiisa la gayn doono meesha ay u socdaan. Awoowgay wuxuu muddo Afar sano ah dhisayay sarta aad aragteen ee Daawad, markii uu dhammeeyay, waxaa u timi tii ALLE, wuxuuna isugu yeeray Carabtii joogtay oo uu ka codsaday inay Wiilkiisa ku celiyaan dhulkii uu ka keenay hadii uu Geeriyoodo. Ma aqaan si wax noqdeene Awoowe waa dhintay Aabahayna waxaa gacanta ku hayay Sayidka, wuu barbaariyay wuxuuna ka faa'iidaystay xirfaddii Abihii isagoo dhisayay dhismayaal Cajiib ah.
Aabe halkan ayuu ku ilmo dhalay, Eyl ayuuna ku geeriyooday, waxaana duriyaddiisii ka joogno aniga iyo dhawr walaalaheey ah.
Wariye GO: Dadka qayb waxay dhahaan Sayidka gacanta ayuu ka jaray Baajurayni markuu daarta dhammaystiray arrintaas Aabahaa ma weydiisay, muxuuse kaa yiri?
Dhaba-seexde: Aabbe la su'aalood ayaa weydiiyay mid waxay ahayd, Sababta uu noogu dhisi waayay dhisme la mid ah kan daawad, tan kale waxay ahayd su'aasha aad i weydiisay, Runtii markaan ku iri maxaa ka jira in awoowe gacanta la jaray si caro leh ayuu ii fiiriyay wuxuuna yiri wax ka jira malahan.
Wariye GO: Kawaran sidee u aragtaa inaad adigoo Yemeni ah, Somalina farac ku leh aad joogto Eyl?
Dhaba-seexde: Aad baan ugu faraxsanahay, waligeey ma arag dhul ka wanaagsan, waa waddan fiican leh hawo cajiib ah, waxaan hadda ka hor taariikhdu markay ahayd 1994-tii tagay dhulkaan kasoo jeedo, waana la qabsan waayay waxaana usoo hiloobay meeshaan ku dhashay ee Eyl.
Wariye GO: Dhismayaasha taariikhiga ah ee adiga saamaynta kugu leh waan arkay, runtii dayac iyo waxaa ka muuqda bur-bur, sidee u aragtaa, mase kala hadashay dowladda Puntland?
Dhaba-seexde: Runtii waa wax laga xumaado, waxaan hadda ka hor kala hadlay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, oo aan sawir kuwada galnay daarta dusheeda, wuxuu ii sheegay inay dayactiri doonaan, laakiin ilaa hadda waxba lagama qaban.
Waxaan maamulka Puntland ka codsan lahaa inay wax ka qabtaan oo ay ilaaliyaan taariikhda, waayo taariikhdu waa waxa kaliya ee dal ku faano.
SHAQO MAALMEEDKA DADKA KU NOOL  DEGMADA EYL
Dadka ku nool degmada Eyl waxay inta badan nolashooda ka raadsadaan Badda iyo Beeraha, waxaana xafiisyo dawladeed u dareeda tiro kooban, waxaana wax soo saarkooda muddooyinkii dambe ahaa mid kooban kadib saamayn uga timi Maraakiib Jariiflayaal ah, kuwaas oo si bareer ah uga qaraabta degmada Eyl.
Habeen kamid ah xilligii aan joogay Eyl, waxaan indhahayga Saaray labo Markab oo ku sugan xeebta Abaaro 03:00AM.
Wariyaasha GO Online ayaa degmada Eyl kula kulmay Oday Jamac Cali Maxamud Qarjacle oo jira 100 sano 96 kamid ahna joogay magaalada Eyl, wuxuu noo sheegay in waqtigan xilli ka adag uusan dhulku soo marin isagoo sheegay inay jirto baahi iyo abaar xooggan, wuxuuna tilmaamay in khayraadkii dabiiciga ahaa si bareer ah loo guranayo.
Maamulka Puntland ayuu sheegay inaysan waxba ka qaban arrintaasi, halka uu xusay in xilligii uu xoogga ahaa ee dalka dowladdu ka jirtay in la ilaalin jiray hantida qaran islamarkaana aan lagu xad gudbi jirin badda iyo barriga toonna.
"Anigu waxaa ku dhashay muddo hadda laga joogo Qarni meel la yiraahdo Kulule, waxaan anoo yar imi degmada Eyl, waxaana soo maray Talyaani, Ruush iyo Somalia, sanadda maanta ah maalin ay ka xuntahay ma jirto, abaar baa jirta, shaqo la'aan baa jirta, xaaluf baa jira, dhib badan baa jira,"Ayuu yiri Oday Qarjacle oo u waramay GO.
WAXBARASHADA
Degmada Eyl waxa leedahay goobo waxbarasho, tiro ahaan waxaa naloogu sheegay saddex dugsi hoose, dhexe iyo hal dugsi sare, balse waxaa jira caqabad xooggan oo Ardayda haysatay.
Degmada oo labada xaafadood ka kooban islamarkaana 5KM u jirta Ardaydu ma haystaan gawaari gaysa iskuulka oo Dawad ku yaalla, waxayna intabada isaga lugeeyaan meel adag, balse waxaa jira qorshe dadka deegaanku wadaan oo lagu iibinayo Bas weyn oo ku kacaya lacag ka badan $14,000 sida uu noo sheegay Maamulaha dugsiga Sare Cabdifatax Muuse (Weheliye).
Lacagtaas wali ma dhammaystirna, wuxuuna dadka ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii caqabadaasi looga gudbi lahaa.
ARRIMAHA HAWEENKA IYO CAAFIMAADKA
Degmada haweenka ku nooli waxay door ku leeyihii hormarka degmada, iyagoo samaystay urur ay ku midaysanyihiin, laakiin waxaa haysta dhibaato dhinaca caafimaadka ah, waxayna noo sheegtay Caasho Cabdikariim Xirsi oo ah Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Eyl inay la kulmaan dhibaato adag xilliyada Dhalmada iyo dhiig shubidda, iyadoo tilmaamtay inay haweenaydii dhali wayda loo qaado magaalada Garowe.
Waxay tilmaamtay inay haystaan xarun caafimaad, balse aysan haysan agab iyo dad khibrad u leh Qalliinka.
DOORKA DOWLADDA IYO DALXIISAYAASHA
Sababta aan cinwaanka warbixintan ugu dooranay Eyl "Degmadii Rajada", ayaa ah in waqtiyo kala duwan degmada Eyl, gobolka Nugal tagaan Mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo Qurba-joog usoo dalxiis tagay inay arkaan meelaha taariikhiga ah, balse majirto isbadal ama door ay ku yeeshaan hormarinteeda iyagoo taa badalkeeda rajo iyo yidi-diilo galiya dadka nool magaaladaasi, waxayna u ballan qaadan inay dagi doonaan oo ay maalgashi ka samaysan doonaan.
Balse, waxaa hadalkaasi noqdaa Rajo aan la Rumayn oo waxaa looga tagaa madashii lagu yiri, hase ahaateen hadda waxaad moodaa inay heshay fursad aan la ogayn siday u mira dhali doonto, waxaana laga furay shirkad Dalxiis oo lagu magacaabo MAGOOL, waxaana hormuud ka ah Guddoomiyihii hore gobolka Mudug, kaasi oo horseeday inay halkaasi tagaan dadka xiiseeya meelaha quruxda badan islamarkaana jecel hormarka dalka Somalia.
Tigay oo aan wax ka weydiinay doorkiisa inuu magaaladan kor u qaado hormarkeeda ayaa yiri; "Dalkeena waa dal hodan gaar ahaan magaalada Eyl waa degmo kulansatay Bad, Barri, Buur iyo Beer intaba, waxay ku taal meel aad u wanaagsan, waxaad helaysaa Kalluunkii oo Fresh ah, waxaad helaysaa hawo wanaagsan oo dabiic ah, waa meel aad u qurux badan, waa meel ku wanaagsan wax soo saarka, waxay leedahay ILO dabiici ah oo biyo ka burqanayaan 24-saac, waxaan shirkaddan MAGOOL u furay inaan ka qayb qaato hormarka dalkayga, waxaan leeyahay ninka u tahriiba dalal shisheeyoow dalkaagii ayaa dababku buuxaa ee kaalay isaga iimaanso".
CAQABADAHA HAYSTA DEGMADA
Degmada Eyl waxaa saamayn xoogan ku yeeshay Jariiflayaasha, waxaana dadka deegaanku aaminsanyihii haddii labo Arrimood wax laga qabto inay hormar gaarayaan.
Tan koowaad, waxay aaminsanyihii haddii dowladdu xal u keento jariifka maraakiibta Shisheey inay hormar ka samayn doonaan dhanka wax soo saarka islamarkaana dalag laga helo iyo beeraha iyo khayraadka kasoo baxay badda loo iibgayn doono magaalooyinka waweyn ee Puntland.
Tan labaad ayaa ah dhinaca Jidadka, degmada Eyl malahan waddooyin Fiican, waxaana jidka isku xira Garowe iyo Eyl uu yahay mid dayacan marka laga reebo 40KM oo laga dhigay Jeey.
GABA-GABO
Degmada Eyl, waa magaalo fac-weyn hadan waa  degmo qadiimi ah, balse aan helin xuquuqdii ay mudnayd, waxay dadka deegaanka oo GO la hadlay codsadeen in loo istaago sidii looga dhigi lahaa magaalo xeebeed loo dalxiis tago islamarkaana loo sameeyo jidad laami ah si meesha uga bacdo caqabad dad badani uga cowdaan inay u safraan































Share:

Warbixin: Maxaa sabab u ah dib u dhaca ku yimid doorashada guddoomiyaha degmada Dangorayo

Garoowe-(Puntland Mirror) Iyadoo ay xilligii golaha deegaanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ay ku egayd bishii lasoo dhaafay ee Juun ayaa lagu waday in bilowga bishaan ay dhacdo soo xulida golaha deegaanka degmada iyo doorashada guddoomiyaha balse waxaa ku yimid dib u dhac.
Dib u dhac ayaa waxaa keenay khilaaf ka dhashay xubo cusub oo la sheegay in lagu darayo golaha deegaanka degmada oo awal ahaa sida dastuurka qorayo 21 xubnood, balse xubno kamid ah guddiga doorashada ayaa sheegay in ay ku darayaan afar xubnood oo cusub taasoo ay ka biyo diideen dadka deegaanka ee degmada Dangorayo.
Warsidaha Puntland Mirror oo si dhow u la socday doorashada ayaa ogsoon in saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Puntland ay ku lug leeyihiin in xubno cusub lagu soo kordhiyo golaha deegaanka.
Dhanka kale Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey guddoomiye uga soo noqday Dangorayo haddana u sharaxan guddoomiyaha oo taageero ka helaya Jamamac Dhaga-dheere oo ganacsade ah balse sheegta inuu la taliye u yahay wasaarada arrimaha gudaha ayaa taageersan in xubno cusub lagu daro golaha deegaanka.
Jaamac
Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faroweyne oo dhawaan gaaray degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.
Puntland Mirror ma ogsoona ujeedka gaarka ah uu ka leeyahay Jaamac Dhaga-dheere musharaxa uu dabada ka riixayo ee Mukhtaar, balse warsidaha waxaa uu ogsoonyahay in xubnaha cusub ee la doonayo in lagu daro ay dan ugu jirto inuu xilka kusoo baxo Mukhtaar.
Dadka deegaanka ayaa aad u taageersan Cabdiqaadir Cukaasha oo mudadii shanta sanno ahayd ee uu hayay guddoomiyaha degmada ka hirgaliyay waxqabad la taaban karo oo ay ku jiraan dhismayaal dowladeed iyo mashaariic kale oo bulshada ay ka faa’idaysteen.
Shirar ka socday asbuucii lasoo dhaafay degmada oo lagu doonayay qabsoomida doorashada guddoomiyaha ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyagoo saraakiishii ka socotay wasaarada arrimaha gudaha oo uu kamid ahaa wasiirka wasaarada Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash” ay kasoo tageen degmada kadib amar uga yimid dhanka madaxtooyada.
Shir
Shirar ka socday degmada asbuucii lasoo dhaafay oo fashilmay. Sawirka: Puntland Mirror.
Soo kordhinta xubnaha cusub ee golaha deegaanka ayaa sababtay in qayb kamid ah beelaha deegaanka ay codsadaan in iyagana loo kordhiyo xubnaha ay ku leeyihiin golaha deegaanka degmada Dangorayo haddii la sameeyo in beelo loo kordhiyo xubno cusub.
Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa u taagan guddoomiyaha hadda xilka haya, Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan, Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey u soo noqday guddoomiyaha degmada iyo Cabdiqaadir Maxamed Xirsi oo ah musharax cusub.
Dangorayo waxay ku taalaa gobolka Nugaal gaar ahaan dhanka deegaanka Ayaxda, waa degmo ay ku nool yihiin dad ka badan 20,000, degmada waxay saarantahay laamiga isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, taasoo ka dhigaysa magaalo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga Puntland. Waxaa degmo ahaan loo aqoonsaday xilligii dowladii dhexe Soomaaliya ee Maxamed 
Share:

Madaxweynaha dawladda Puntland oo degmada Dangorayo kaga qayb galay doorashada Golaha Deegaanka Degmadaasi

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo maanta  21 September, 2016 safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqaneysey sida ay ugu faraxsanyihiin booqashada uu ugu yimi Madaxweynuhu.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey ka qayb galka doorashada  Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Dangorayo oo ka kooban 27-xubnood isla markaana  fiid-nimadii hore ee caawa lagu soo geba-gebeeyey  magaalada dangaroyo, iyadoona la doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.
Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah iyadoona ay kooramka soo xaadireen 19-mudane oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Dangarayo isla markaana waxaa guddoomiye loo doortay Mukhtaar  Cabdiraxmaan Axmed, halka guddoomiye ku-xigeenna loo doortay  Maxamed Faarax Muuse.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey qaabka ay  doorashadu  u dhacday oo ahaa mid caddaalad ah isla markaana waxaa u ballan-qaaday Madaxweynuhu in ay dawladda Puntland Gacan buuxda siin doonto golaha cusub ee deegaanka degmada Dangorayo si’ay uga dhabeeyaan hirgelinta adeegyada aas-aasiga u ah bulshada.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyey golahaan cusub in isbeddel deg-deg ah ka muujiyo degmada maadaama ay jiraan hawlo baaxad weyn oo horyaalla golahaani cusub isla markaana looga baahan yahay in ay la yimaadaan dedaal iyo karti dheeraad ah.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay bulshada degmada Dangorayo in ay garab istaagaan golahaani cusub si ay ugu sahlanaato hirgelinta mashaariicaha horumarineed iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee ay ka mid taay Waxbarashada, Caafimaadka iyo nabad-geliyada.
—DHAMMAAD—



















































W/Q
img_7968img_7969img_7970img_7971img_7972img_7973img_7974img_7975img_7976img_7980img_7981img_7986img_7987img_7988img_7990img_7992img_7993img_7994img_7995img_8005img_8008img_8009img_8013img_8014img_8015img_8023img_8034img_8035img_8038img_8041img_8052img_8058img_8059img_8061img_8067img_8069img_8073img_8078img_8083img_8084img_8086img_8087img_8092img_8097img_8099img_8107img_8111img_8119:MOHAMED ABDULAH HASSAN (CAYNAD)
Share:

Recent Posts

3/recent/post-list

Popular Posts

Recent Posts

Unordered List

  • Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit.
  • Aliquam tincidunt mauris eu risus.
  • Vestibulum auctor dapibus neque.

Pages

Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.