Dangorayo.blogspot.com
Magaalada Eyl waxay kamid tahay 5-ta degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Nugal, waxay dhacdaa xeebta Badweynta Hindia iyadoo masaafo dhan 230KM dhinaca Koonfur Bari ka xigta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Waa degmo kulansatay, Bad, Barri, Beero iyo xoolo intaba, waxaana ku taalla goob istaraatiiji ah oo leh hawo aad u xiisa galisa noolayaasha gaar ahaan Insaanka.
Degmadan, waxay dhisantahay in kabadan Qarni iyadoo mar xarun u ahayd Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo uu ka maamuli jiray Daraawiishtii uu majaraha u hayay, waxaana wali ka muuqda raadadkii uu ka tagay.
Eyl, waxaa degmo ka kooban labo xaafadood oo isu jira fogaan dhan 5KM, mid kamid ah waxay dhacdaa xeebta halka tan kale soo xigto dhinaca barriga ayna ka dhisantahay daartii Sayidka oo loo yaqaan DAAWAD.
Warbixintan oo aan ugu magac darnay; Eyl "Degmadii Rajada", waxaan uga hadli doonaa magaaladan iyo farqiga samaysay in kabadan Qarni kadib, anagoo waraysiyo kala duwan kasoo qaadnay dadka deegaanka, kuwaasi oo nooga waramay waxay degmadani kaga duwantahay magaalooyinka kale ee guud saaran dhulka Uduga.
Safar qaatay muddo saddex bari ah, ayaa waxaa degmadaasi ku tagay wariyaal katirsan Radio Garowe iyo Garowe Online, kuwaas oo u kuurgalayay xaaladdda degmada, balse waxaa iyaguna kusoo biiray maalintii labaad ee Ciidda wafdi uu hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamanka Puntland, xildhibaano iyo wasiir ku-xigeenka deegaanka kuwaas oo dalxiis iyo tamashlayn u tagay meelaha taariikhiga ah ee degmadu leedahay.
TAARIIKHDA SARTA DAAWAD
Qofkasta oo degmada taga marka u horraysa wuxuu isha ku dhuftaa dhismo dheer oo uu sanceeyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Yemen sannadkii 1900 ilaa 1904-tii, waxaana lagu magacaabi Jiray Axmed Saalax Baajurayni, kaaso duriyaddiisii uu ka joogo wiilal uu awoowe u yahay oo kamid yahay Cabdulqaadir Saalim Axmed Salax Baajurayni (Dhaba-seexde).
Dhabaseexde, waxaan kula kulanay degmada Eyl annagoo wax ka weydiinay taariikhda Eyl iyo qaabka sarta Daawad oo u dhisay awoowgiis, waxaana sheekadii na dhexmartay u dhacday qaabkan.
Wariye GO: Kusoo dhawood Garowe Online, waxaad nooga warantaa taariikhda aad Cabdulqaadir ku leedahay degmada Eyl?
Dhaba-seexde: Aniga waxaan ka mid ah duriyaddii Baajurayni oo ahaa ninka dhisay sarta daawad sannadkii 1900 taasoo socotay muddo 4 sano ah. Waxaan dhashay 1964-tii anigoo ku dhashay degmadan, ku koray, wax ku bartay, ku ilmo dhalay, ilaa haddana ku nool oo ku ganacsada.
Wariye GO: Asal ahaan waxaad kasoo jeeda Yemen, degmadana Taariikh ayaad ku leedahay sidee ku timi?
Dhaba-seexde: Eyl waxaa yimi waqtigu markuu ahaa 1900 Awoowgay Axmed Salax Baaburayni iyo Aabahay Saalim Axmed Salax oo xilligaas ahaa wiil yar oo 9-sano jir ah, waxay ku socdeen dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mumbasa, qorshahoodu ma ahayn Somalia, balse waxaa ciladowday doontii ay wateen waayo waqtigaas waxaa doonyuhu ahaayeen Shiraac, waxayna yimaadeen degmada Eyl oo u talin jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, wuxuuna markuu ka war-helay dadkan doonto ka xumaatey codsaday in loo keeno.
Sayidku wuxuu ahaa nin caqli badan, oo dhulka Carabta wax kusoo bartay, wuxuu mucaahado ama ballan la galay Awoowgay Baajurayni, isagoo ka codsaday inuu u dhiso sar cajiib ah markaasna isaga iyo wiilkiisa la gayn doono meesha ay u socdaan. Awoowgay wuxuu muddo Afar sano ah dhisayay sarta aad aragteen ee Daawad, markii uu dhammeeyay, waxaa u timi tii ALLE, wuxuuna isugu yeeray Carabtii joogtay oo uu ka codsaday inay Wiilkiisa ku celiyaan dhulkii uu ka keenay hadii uu Geeriyoodo. Ma aqaan si wax noqdeene Awoowe waa dhintay Aabahayna waxaa gacanta ku hayay Sayidka, wuu barbaariyay wuxuuna ka faa'iidaystay xirfaddii Abihii isagoo dhisayay dhismayaal Cajiib ah.
Aabe halkan ayuu ku ilmo dhalay, Eyl ayuuna ku geeriyooday, waxaana duriyaddiisii ka joogno aniga iyo dhawr walaalaheey ah.
Wariye GO: Dadka qayb waxay dhahaan Sayidka gacanta ayuu ka jaray Baajurayni markuu daarta dhammaystiray arrintaas Aabahaa ma weydiisay, muxuuse kaa yiri?
Dhaba-seexde: Aabbe la su'aalood ayaa weydiiyay mid waxay ahayd, Sababta uu noogu dhisi waayay dhisme la mid ah kan daawad, tan kale waxay ahayd su'aasha aad i weydiisay, Runtii markaan ku iri maxaa ka jira in awoowe gacanta la jaray si caro leh ayuu ii fiiriyay wuxuuna yiri wax ka jira malahan.
Wariye GO: Kawaran sidee u aragtaa inaad adigoo Yemeni ah, Somalina farac ku leh aad joogto Eyl?
Dhaba-seexde: Aad baan ugu faraxsanahay, waligeey ma arag dhul ka wanaagsan, waa waddan fiican leh hawo cajiib ah, waxaan hadda ka hor taariikhdu markay ahayd 1994-tii tagay dhulkaan kasoo jeedo, waana la qabsan waayay waxaana usoo hiloobay meeshaan ku dhashay ee Eyl.
Wariye GO: Dhismayaasha taariikhiga ah ee adiga saamaynta kugu leh waan arkay, runtii dayac iyo waxaa ka muuqda bur-bur, sidee u aragtaa, mase kala hadashay dowladda Puntland?
Dhaba-seexde: Runtii waa wax laga xumaado, waxaan hadda ka hor kala hadlay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, oo aan sawir kuwada galnay daarta dusheeda, wuxuu ii sheegay inay dayactiri doonaan, laakiin ilaa hadda waxba lagama qaban.
Waxaan maamulka Puntland ka codsan lahaa inay wax ka qabtaan oo ay ilaaliyaan taariikhda, waayo taariikhdu waa waxa kaliya ee dal ku faano.
SHAQO MAALMEEDKA DADKA KU NOOL DEGMADA EYL
Dadka ku nool degmada Eyl waxay inta badan nolashooda ka raadsadaan Badda iyo Beeraha, waxaana xafiisyo dawladeed u dareeda tiro kooban, waxaana wax soo saarkooda muddooyinkii dambe ahaa mid kooban kadib saamayn uga timi Maraakiib Jariiflayaal ah, kuwaas oo si bareer ah uga qaraabta degmada Eyl.
Habeen kamid ah xilligii aan joogay Eyl, waxaan indhahayga Saaray labo Markab oo ku sugan xeebta Abaaro 03:00AM.
Wariyaasha GO Online ayaa degmada Eyl kula kulmay Oday Jamac Cali Maxamud Qarjacle oo jira 100 sano 96 kamid ahna joogay magaalada Eyl, wuxuu noo sheegay in waqtigan xilli ka adag uusan dhulku soo marin isagoo sheegay inay jirto baahi iyo abaar xooggan, wuxuuna tilmaamay in khayraadkii dabiiciga ahaa si bareer ah loo guranayo.
Maamulka Puntland ayuu sheegay inaysan waxba ka qaban arrintaasi, halka uu xusay in xilligii uu xoogga ahaa ee dalka dowladdu ka jirtay in la ilaalin jiray hantida qaran islamarkaana aan lagu xad gudbi jirin badda iyo barriga toonna.
"Anigu waxaa ku dhashay muddo hadda laga joogo Qarni meel la yiraahdo Kulule, waxaan anoo yar imi degmada Eyl, waxaana soo maray Talyaani, Ruush iyo Somalia, sanadda maanta ah maalin ay ka xuntahay ma jirto, abaar baa jirta, shaqo la'aan baa jirta, xaaluf baa jira, dhib badan baa jira,"Ayuu yiri Oday Qarjacle oo u waramay GO.
WAXBARASHADA
Degmada Eyl waxa leedahay goobo waxbarasho, tiro ahaan waxaa naloogu sheegay saddex dugsi hoose, dhexe iyo hal dugsi sare, balse waxaa jira caqabad xooggan oo Ardayda haysatay.
Degmada oo labada xaafadood ka kooban islamarkaana 5KM u jirta Ardaydu ma haystaan gawaari gaysa iskuulka oo Dawad ku yaalla, waxayna intabada isaga lugeeyaan meel adag, balse waxaa jira qorshe dadka deegaanku wadaan oo lagu iibinayo Bas weyn oo ku kacaya lacag ka badan $14,000 sida uu noo sheegay Maamulaha dugsiga Sare Cabdifatax Muuse (Weheliye).
Lacagtaas wali ma dhammaystirna, wuxuuna dadka ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii caqabadaasi looga gudbi lahaa.
ARRIMAHA HAWEENKA IYO CAAFIMAADKA
Degmada haweenka ku nooli waxay door ku leeyihii hormarka degmada, iyagoo samaystay urur ay ku midaysanyihiin, laakiin waxaa haysta dhibaato dhinaca caafimaadka ah, waxayna noo sheegtay Caasho Cabdikariim Xirsi oo ah Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Eyl inay la kulmaan dhibaato adag xilliyada Dhalmada iyo dhiig shubidda, iyadoo tilmaamtay inay haweenaydii dhali wayda loo qaado magaalada Garowe.
Waxay tilmaamtay inay haystaan xarun caafimaad, balse aysan haysan agab iyo dad khibrad u leh Qalliinka.
DOORKA DOWLADDA IYO DALXIISAYAASHA
Sababta aan cinwaanka warbixintan ugu dooranay Eyl "Degmadii Rajada", ayaa ah in waqtiyo kala duwan degmada Eyl, gobolka Nugal tagaan Mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo Qurba-joog usoo dalxiis tagay inay arkaan meelaha taariikhiga ah, balse majirto isbadal ama door ay ku yeeshaan hormarinteeda iyagoo taa badalkeeda rajo iyo yidi-diilo galiya dadka nool magaaladaasi, waxayna u ballan qaadan inay dagi doonaan oo ay maalgashi ka samaysan doonaan.
Balse, waxaa hadalkaasi noqdaa Rajo aan la Rumayn oo waxaa looga tagaa madashii lagu yiri, hase ahaateen hadda waxaad moodaa inay heshay fursad aan la ogayn siday u mira dhali doonto, waxaana laga furay shirkad Dalxiis oo lagu magacaabo MAGOOL, waxaana hormuud ka ah Guddoomiyihii hore gobolka Mudug, kaasi oo horseeday inay halkaasi tagaan dadka xiiseeya meelaha quruxda badan islamarkaana jecel hormarka dalka Somalia.
Tigay oo aan wax ka weydiinay doorkiisa inuu magaaladan kor u qaado hormarkeeda ayaa yiri; "Dalkeena waa dal hodan gaar ahaan magaalada Eyl waa degmo kulansatay Bad, Barri, Buur iyo Beer intaba, waxay ku taal meel aad u wanaagsan, waxaad helaysaa Kalluunkii oo Fresh ah, waxaad helaysaa hawo wanaagsan oo dabiic ah, waa meel aad u qurux badan, waa meel ku wanaagsan wax soo saarka, waxay leedahay ILO dabiici ah oo biyo ka burqanayaan 24-saac, waxaan shirkaddan MAGOOL u furay inaan ka qayb qaato hormarka dalkayga, waxaan leeyahay ninka u tahriiba dalal shisheeyoow dalkaagii ayaa dababku buuxaa ee kaalay isaga iimaanso".
CAQABADAHA HAYSTA DEGMADA
Degmada Eyl waxaa saamayn xoogan ku yeeshay Jariiflayaasha, waxaana dadka deegaanku aaminsanyihii haddii labo Arrimood wax laga qabto inay hormar gaarayaan.
Tan koowaad, waxay aaminsanyihii haddii dowladdu xal u keento jariifka maraakiibta Shisheey inay hormar ka samayn doonaan dhanka wax soo saarka islamarkaana dalag laga helo iyo beeraha iyo khayraadka kasoo baxay badda loo iibgayn doono magaalooyinka waweyn ee Puntland.
Tan labaad ayaa ah dhinaca Jidadka, degmada Eyl malahan waddooyin Fiican, waxaana jidka isku xira Garowe iyo Eyl uu yahay mid dayacan marka laga reebo 40KM oo laga dhigay Jeey.
GABA-GABO
Degmada Eyl, waa magaalo fac-weyn hadan waa degmo qadiimi ah, balse aan helin xuquuqdii ay mudnayd, waxay dadka deegaanka oo GO la hadlay codsadeen in loo istaago sidii looga dhigi lahaa magaalo xeebeed loo dalxiis tago islamarkaana loo sameeyo jidad laami ah si meesha uga bacdo caqabad dad badani uga cowdaan inay u safraan
No comments:
Post a Comment