Cilmi baaris waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta sare gaar ahaan jaamacadaha. Sida ka muuqato eragya, waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS.
Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada raacsan yahay oo ay leedahay cilmi baarsitu, waxaase jiro qeexisyo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel dheer cilmi baarista. Casharkan waxaan ku soo bandhigi donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.
Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada raacsan yahay oo ay leedahay cilmi baarsitu, waxaase jiro qeexisyo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel dheer cilmi baarista. Casharkan waxaan ku soo bandhigi donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.
Cilmi baaristu waa hab celimiyeeysan oo lagu baaro xogta uu leeyahay mawaduuc cayiman. Waxaa kaloo lagu qeexaa cilmibaaristu in ay tahay nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb ka mid ah cilmiga jiro.
Qabiirada qaar ayaa cilmi baarista ku shegay in tahay nidaam lagu ogaano wax aan la aqoonin, sidoo kale waxa ku shegaan cilmi baaristu in tahay safar lagu daahfuraayo aqoonta dahsoon. Sidoo kale waxaa cilmibaris lagu shegaa in ay tilaabo kasto oo lagu doonaayo in lagu ogaado wax aan la ogayn natiijadooda.
Marka loo eego Clifford Woody, cilmi barista waxaa uu ku sheegay in ay tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo xalka, la sameeyo xog aruurin ku saabsan dhibaatada, kadib xogta la falanqeeyo ugu dabayntiina la isbar bardhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee soo baxday xog ururinta.
Dhinaca kale D. Slesinger and M. Stephenson waxay cilmi baaris ku shegeen in ay tahay nidaam lagu balarinayo, lagu saxayo, ama lagu xaqiijinaayo cilmiga jiro. Ugu danbayntii, cilmi baaristu, waa tabaruca asalka ah ee aqoonta jirta iyo in la horumariyo cilmiga.
Cilmi barista waa in la raadiyo runta iyada oo la baarayo habnidam cilmiyeed ah sida tijaboyin, waraysiyo, isbar bardhig iwm. Cilmi barista waa hab xal loogu helaayo dhib jiro oo taagan .
Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista
Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in jawaab loogu helo su’ aalihi aan la aqoon jawaabtooda iyo in la soo helo runta aan weli la ogaan iyadoo lagu radinaayo hab cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.
- In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga ogaado (Exploratory Study)
- In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof, koox ama arin (Describtive study)
- In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo xiriir la leh arin kale (diagnostic study)
- In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)
No comments:
Post a Comment