Labada xidig ee kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne iyo Vincent Kompany ayaa soo gaadhay magaalada Barcelona si daawayn loogu sameeyo kadib dhaawacyadii soo gaadhay. Labadan xidig ee ka wada tirsan kooxda Man City iyo xulka qaranka Belgium ayay dhaawac ka soo gaadheen labadii kulan ee ay City la ciyaartay kooxda Swansea City ee Leaque Cupka iyo Premier Leaque-ga.
Xidiga saamaynta badan ee Kevin De Bruyne oo ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah ayaa ku dhaawacmay kulankii sabtiidii ee ay Man City 3:1 ku soo garaacday Swansea City iyada oo dhamaadkii kulankaas dhawac ciyaarta looga saaray halka Kompany uu ka soo laabtay dhawac uu muddo dheer ku maqnaa balse kulankii Leaque Cupka ee isla Swansea City ayaa dhamadkii dhaawac looga saaray.
Kompany ayaa xili ciyaareedkii hore ku dhaawacmay kulankii afar dhamaadka ee Real Mardrid wuxuuna ka soo laabtay kulankii Swansea City basle markale isaga oo aan 90 kii daqiiqo dhamaysan ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray . Kompany ayaa markii uu dhaawaca xili ciyaareedkii hore soo gaadhay u safray Barcelona halkaas oo uu kula soo kulmay Dr Ramon Cugat oo ka hawl gala Quironsalud hospital waana cisbitaalka ay hadda Kompany iyo De Bruyne ay daawaynta u doonteen.
Xidigaha ree Belgium iyo kooxda Mancehster City ee De Bruyne iyo Kompany ayaa sidoo kale la filayaa in ay booqan doonaan Dr Eduardo Mauri oo isna ka hawl gala goob u dhaw Quiron Hospital. Mouri ayaa hore u soo ahaan jiray ciyaartoy ka ciyaara kooxda Espanyol kaas oo uu Guardiola doonayo in uu ka dhigo madax waaxda caafimadka kooxdiisa City.
Kompany iyo De Bruyne ayaa waqtiga la baratami doona waxayna isku dayi doonaan in ay taam u noqdaan kulamada muhiimka ah ee ay kooxdoodu dhawaan ciyaari doonto iyada oo October 19 ay booqan doonaan Camp Nou halkaas oo ay Barcelona kula soo ciyaari doonaan Champions Leaque-ga.
No comments:
Post a Comment