Maydhashada: Sandor Marai waxa uu buuggiisa ‘Qiraallo Burjawaasi’ ku leeyahay, “Burjuwaasiyiintii jiray dabayaaqadii qarnigii Sagaal iyo Tobnaad, waxa ay jidhka maydhan jireen oo keliya marka ay bukoodaan, ama marka uu qofku guur isu diyaarinayo”In kasta oo xaqiiqadan rumaysashadeedu ay maanta adag tahay, gaar ahaan marka qofku uu niyadda ku hayo qaab-nololeedka casriga ah iyo horumarka ballaadhan ee Yurub ay ka samaysay nolosha iyo arrimaha caafimaadka, haddana waa xaqiiqa ku cad taariikhda reer Yurub ee hore oo qoraaga buugga qudhiisu uu qaybo ka mid ah la soo noolaa. Isaga oo ka warramaya sababta ay dadkaasi maydhashada uga durkeenna waxa uu sheegay in Qarnigii 18naad dadku aad u aaminsanaa in qofku ay tahay in uu mar uun keliya oo noloshiisa ka mid ah jidhka maydho.Fardaha iyo gaadiidka kale ee ay fuulayeenna waxa ay ku nadiifin jireen waxyaabo ay isku qoosheen oo dhir ay ka mid tahay oo dusha sare ay kaga dhabooqi jireen, kadibna ku dayn jireen inta uuqallalayo ee daadanayo.Waxa uu qoraagu sheegay in qofka xilligaas noolaa marka uu si caadi ah suuqa iyo jidadka waaweyn u lugaynayo uu ku qasbanaan jiray in uu si taxaddar leh u socdo oo hubiyo halka uu cagta dhigayo si aanu ugu istaagin saxarada dadka ee mararka qaarkoodisaga oo arkayo lala fadhiyo, marar badanna waxa ay ku kallifaysay in uu ka boodo meelaha qaar oo qudhunku is-gaadhay.Sandor Maria waxa uu buuggiisan ku caddeeyey arrin qudhiisu uu ku sheegay in uu la yaaban yahay oo ah in dadka Yurub ay bilowgii qarnigii Labaatanaad ee ina dhaafay uun ugu baraarugeen nadaafadda, una bilaabeen in ay is nadiifiyaan. Waxa uu sheegay inxilligaas nadaafadda muhiimaddeeda ay dadka Yurub fahmeen uun uu la bilowday isticmaalkooda xaddiga badan ee biyaha, waxa aanay ka bogsadeen cabsidii weynayd ee ay ka qabeen in biyaha ayka qaadaan cudurro khatar ku ah noloshooda, sida ya marka hore aaminsanaayeen.Sandor Marai waxa uu sheegay in xilligaas ay Yurub sidaas u dhaqmaysay haddana aanay xumayn nadaafadda dharkooda iyo labbiska ay xidhanayeen oo uu sheegay in ay ku dadaali jireen xidhashada dharka bilicda leh, iyo in ay dumarku isku qurxiyaan murriyadaha kala duwan ee ka samaysan dahabka iyo dhagaxa kale ee qaaliga ah.Sandor Marai waxa uu sheegay in xilligaas ay cudurro badan oo dilaa ahi ay ka jireen dhulka Yurub, iyada oo sababta ugu badan ee cudurradaasna loo malaynayo in ay ka dhalatay nadaafad darradii xadka ka baxday ee ka jirtay magaalooyinka iyo deegaannada dadku ku badan yihiin ee qaaradda Yurub. Waxaa jiray cudurro joogto ahaa, kuwo xilliyeed iyo cudurro taariikho la yaqaanno dillaacay oo gumaaday Malaayiin dad ah. Waxa aanu qoraagu aaminsan yahay in mushkiladda ugu weyni ay ahayd cadaawadda ay dadku u qabeen guud ahaanba isticmaalka biyaha.
Home »
» Qudhunka Ay Yurub Ka Soo Dhex Kacday: Xogo Yaab Leh Oo Soo Bandhigaya Waayihii Foosha Xumaa Ee Reer Yurub Iyo Sida Ay Halkan Ku Gaadheen..
No comments:
Post a Comment