Kooxda Borussia Dortmund ayaa soo badhigtay qaabka ay kooxdeeda iyo Real Madrid iskaga hor iman doonaan waxayna 24 saacaadood ka hor kulanka Dortmund iyo Real Madrid ay soo saartay shaxaha ay labada kooxood ku ciyaari doonaan taas oo Zidane ku noqonaysa in qorshihiisa ay haddaba si fiican u fahansan yihiin.
Borussia Dortmund oo kadib kulankii Las Palmas ku maadsatay Real Madrid isla markaana sheegay in Los Blancos ay xili ciyaareedkan ku dhibtoonayso kooxaha maaliyadoodu hurdiga tahay ayaa markale sii wada in ay soo badhigto waxyaabo saxaafada soo jiitay.
Dortmund ayaa barteeda twitterka soo dhigtay 22 ka ciyaartoy ee ay Dortmund iyo Real Madrid ku soo bilaaban doonaan iyada oo waliba ciyaartoy kasta la siiyay booska uu ciyaarayo iyo ciyaartoyga ay iska hor iman doonaan. Waxayna soo raaciyeen qoraal ay ku sheegayaan in labada kooxood ay qaabka u safan doonaan.
Si rasmi ah looma xaqiijin karin in shaxda ay Dortmund soo dhigtay ay tahay shaxda rasmiga ah ee ay kulankan ku soo shirtagi doonaan. Shaxda Dortmund oo ah 4-3-3 ayay Pierre-Emerick Aubameyang iyo Mario Gotze safka hore kaga jiraan halka shaxda Zidane ay ku soo dareen Mateo Kovacic iyo Danilo, waxaana weerarka hogaaminaya BBC.
HALKAN KAGA BOGO SHAXDA AY DORTMUND SOO BADHIGTAY:
No comments:
Post a Comment