Kulanka xili ciyaareedkan ugu wayn ee ugu horeeya horyaalka La Ligaha ayaa Camp Nou ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid waxaana jira 27 ciyaartoy oo kulankan ay iska hor imanaan doonaan ciyaartoy ay saaxiibo yihiin ama haddii aan si kale u dhigno ay xulalka qarmaadooda ka wada tirsan yihiin.
Saddex ciyaartoy oo ree Brazil ah, shan ciyaartoy oo ree Argentina ah, sagaal ciyaartoy oo ree Spain ah, shan ciyaartoy oo ree France ah, saddex ciyaartoy oo ree Uruguay ah iyo laba ciyaartoy oo ree Croatia ah ayaa kulankan iskaga hor iman doona. Sidaa daraadeed waxa uu kulanka Barcelona iyo Atletico Madrid noqon doonaa kulan wayn oo u dhexeeya saxiibo xifiltamaya.
QAABKA AY ISKUGU XIDHAN YIHIIN 27 KA CIYAARTOY EE BARCELONA IYO ATLETICO MADRID:
Brazil – Neymar & Rafinha vs Filipe Luis
Uruguay – Luis Suarez vs Diego Godin & Gimenez
Argentina – Lionel Messi & Mascherano vs Gaitan, Augusto Fernandez & Angel Correa
Spain: Gerard Pique, Sergi Roberto, Jordi Alba, Sergio Busquets, Iniesta & Paco Alcacer vs Saul, Koke & Juanfran
France: Mathieu, Digne & Umtiti vs Griezmann & Gameiro
Croatia: Rakitic vs Vrsaljko
Ciyaartoyda ayaa saaxiibo ku ah marka looga yeedho xulalka qaramadooda ama marka ay goobo kale ku kulmaan lakaiin marka garoonka la soo galo ma jiri doonto wax saaxiibtinimo ahi waxaana bilaami doona dagaal u dhexeeya saaxiibo saddexda dhibcood u tartamaya balse marka uu kulanku dhamaado wax kastaaba waxay noqon doonaan wax xili hore dhacay.
No comments:
Post a Comment