Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta 21 September, 2016 safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqaneysey sida ay ugu faraxsanyihiin booqashada uu ugu yimi Madaxweynuhu.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey ka qayb galka doorashada Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Dangorayo oo ka kooban 27-xubnood isla markaana fiid-nimadii hore ee caawa lagu soo geba-gebeeyey magaalada dangaroyo, iyadoona la doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.
Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah iyadoona ay kooramka soo xaadireen 19-mudane oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Dangarayo isla markaana waxaa guddoomiye loo doortay Mukhtaar Cabdiraxmaan Axmed, halka guddoomiye ku-xigeenna loo doortay Maxamed Faarax Muuse.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey qaabka ay doorashadu u dhacday oo ahaa mid caddaalad ah isla markaana waxaa u ballan-qaaday Madaxweynuhu in ay dawladda Puntland Gacan buuxda siin doonto golaha cusub ee deegaanka degmada Dangorayo si’ay uga dhabeeyaan hirgelinta adeegyada aas-aasiga u ah bulshada.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyey golahaan cusub in isbeddel deg-deg ah ka muujiyo degmada maadaama ay jiraan hawlo baaxad weyn oo horyaalla golahaani cusub isla markaana looga baahan yahay in ay la yimaadaan dedaal iyo karti dheeraad ah.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay bulshada degmada Dangorayo in ay garab istaagaan golahaani cusub si ay ugu sahlanaato hirgelinta mashaariicaha horumarineed iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee ay ka mid taay Waxbarashada, Caafimaadka iyo nabad-geliyada.
—DHAMMAAD—
No comments:
Post a Comment