1. Mararka qaarkood sababta keliya ay dadku uga tagi waayaan waxa murugada u keenaya waa sababtoo ah waa waxa keliya farxada u keeni jiray2. Goortii dadka ku yiraahdan waad is bedeshay, 95% waxa ka keenaya inay sidaa yiraahdaan waxaad joojisay inaad u dhaqanto ama u noolaato sidi ay kaa rabeen3. Goortii aad jeclaato qof shaqsiyadiisa, wax kasta oo qofkaa ku saabsan waxay kula noqdaan wax qurxoon4. Laba waxyaabood ayaa qofka shaqsiyadiisa qeexa; dulqaadkiisa marki uusan waxba heysan, Sida uu u dhaqmo marki uu wax walbaheysto5. Ka hor inta aysan helin ninki riyadeeda ahaa, inta badan dumarka (ma aha kuligood) waxaa soo mara afar shukaansi oo musiibo ah iyo laba xiriir oo si qalbi-jab ah u kala haraan!6. Qofka sida dhabta kuu jecel marnaba kuma sii deynayo ama kaama quusanayo, si kasta oo xaalada u adag tahay7. In aad noloshaada ka saarto dad qaarkii micnaheedu ma aha in aad neceb tahay, waxa ay micnaheedu tahay in aad naftaada xushmeyso8. Goortii qof u carfo si fiican, waxa ay si automatic ah uga dhigtaa qof soo jiidasho leh! Haddii qof qurux badan uu soo buuqo (udgoon jirkiisa ka soo bixin) ma laha wax soo jiidasho ah9. Qof inta badan ilmeeya (ooya) micnaheedu maaha inuu daciif yahay, waxay noqon kartaa sida jirkiisu u hadlo goortii afka uusan ka sharixi karin xanuunka uu dareemayo10. Mararka qaarkood dadku uma baahna waano. Waxay u baahan yihiin qof dhageystaLa Wadaag Asxaabtaada
Home »
kafaa idaysi wCan
» Ka Faai’ideyso Toban Qodob Oo Xaqiiqada Nolosha Bini’aadamka Ka Hadlayo-..
No comments:
Post a Comment